Xiddig katirsan Real Madrid oo doortay Juventus

0
Monday September 03, 2018 - 22:26:44 in Wararka by
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiddig katirsan Real Madrid oo doortay Juventus

    Xiddiga Real Madrid Marcelo ayaa doonaya inuu la xiriiro saaxiibkiisa mudada dheer ee Cristiano Ronaldo oo ku biiray kooxda Juventus, waxaana lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay u dhaqaaqista Turin sida ay qortay jariirada Daily Mirror. Warbixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga Real Madrid Marcelo ayaa doonaya inuu la xiriiro saaxiibkiisa mudada dheer ee Cristiano Ronaldo oo ku biiray kooxda Juventus, waxaana lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay u dhaqaaqista Turin sida ay qortay jariirada Daily Mirror. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Juventus ay diyaar u tahay inay ku bedesho daafacaa Alex Sandro oo bisha Janaayo ka tagi kara kooxda. Marcelo ayaa Real Madrid kaga soo biiray kooxda Fluminense sanadkii 2007-dii, isagoo ku riyaaqay guulo cajiib ah waqtigiisa Bernabeu. 11kii sano ee uu ku sugnaa Madrid, wuxuu ku guuleystay afar horyaal oo La Liga ah, afar Champions League, saddex koobka koxaha adduunka ah iyo abaalmarino shakhsi. 30 jirkaan ayaa Los Blancos ku soo biiray labo sanno ka hor inta uusan Cristiano Ronaldo lacag rikoor ah ugu soo dhaqaaqin caasimada Spain. sagaalkii sano ee lasoo dhaafay labada ciyaaryahanba waxa ay noqdeen saaxiibo aad isugu dhow gudaha garoonka iyo banaankaba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip