Ronaldo wiilkiisa oo bandhig waalli ah sameynaya, xilli Odayga ay ku xun tahay sheekada

0
Monday September 03, 2018 - 10:49:19 in Wararka by
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronaldo wiilkiisa oo bandhig waalli ah sameynaya, xilli Odayga ay ku xun tahay sheekada

    Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ku billawday waayahiisa Serie A qaab aad u liita. Saddex kullan oo uu illaa iyo hadda ciyaaray, Ronaldo ayaanan hal kubbad xittaa goolka taabsiin, waxaana uu baadi goob ugu jiraa inuu dhaliyo g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ku billawday waayahiisa Serie A qaab aad u liita. Saddex kullan oo uu illaa iyo hadda ciyaaray, Ronaldo ayaanan hal kubbad xittaa goolka taabsiin, waxaana uu baadi goob ugu jiraa inuu dhaliyo goolkiisa ugu horreeya ee Bianconeri. Haddii ay Captain-ka Portugal xaaladdiisu sidaas tahay, waxaa ka geddisan wiilkiisa Cristiano Ronaldo Jr. Ronaldo Jr ayaa shaqo fiican ka qabanaya kooxda caruurta ee Juventus kuwaas oo ka yar Sagaalka sano. 8 jirka uu dhalay laacibkii hore ee Manchester United iyo Real Madrid ayaa Afarley dhaliyay kullan ay ka hor tageen Lucento. Juve ilmaheeda ayaa 5-1 kaga taqallusay dhiggeeda, waxaana Afar ka mid ah goolasha dhaliyay Ronaldo Jr. Labada qaybood ee ciyaarta ayaa min laba gool dhaliyay, waxaana xusid mudan in mid ka mid ah goolasha uu wiilkan usoo gooyay tiro ciyaartoy ah ka dibna shabaqa geliyay.

Sidaas darteed, labada Ronaldo ee is dhalay ayaa ku kala jira xilliyo aad u kala duwan, maadaama laacibka heysta Ballon d’Or shanta jeer weli u dagaallamayo sidii uu shabaqa deris ula noqon lahaa markale.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip