Waxaad Qarsato Waa Ku Qurun Sadaan. —-Qalinkii Dulyar

0
Monday September 03, 2018 - 08:52:41 in Wararka by
  • Visits: 706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaad Qarsato Waa Ku Qurun Sadaan. —-Qalinkii Dulyar

    Saakay waxaa ka dhacay Magaalada wixii ka dhici jiray oo ah Qarax, jugtiisana intii u dhaweyd iyo intii u dhega fududeyba waa la wada maqlay, waxa uu sababay qasaaro nafeed iyo mid hanti, weliba sida aan maqlay Masaajid & Arday dugsi Quraan iyo M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saakay waxaa ka dhacay Magaalada wixii ka dhici jiray oo ah Qarax, jugtiisana intii u dhaweyd iyo intii u dhega fududeyba waa la wada maqlay, waxa uu sababay qasaaro nafeed iyo mid hanti, weliba sida aan maqlay Masaajid & Arday dugsi Quraan iyo Macalimiin toodii ayaa waxyeelo ka soo gaartay, intii ku dhimatay AUN intii ku dhaawacantayna Allah-a bogsiiyo Aamiin

Intaas kadib, Halkii lala imaan lahaa ficil looga wada hortagayo dhibaatadaan joogtada noqotay ama sidii nalaku yaqaanay aan Hay’adaha ku shaqada leh wax ka saari lahayn, ama hadii aan labadaasba la awoodin inta shib laga yiraahdo laga Alla baryi lahaa,waxaaba lala yimid riwaayad kaloo cusub.

Bal eeg Sxbadii Facebook wax soo dhigi jiray waxa ay ku kala qeybsameen Qaraxii saakay dhacday, ogow ma aha muranku sabata iyo qasaaraha ama tirada dadka ku waayeeloobay ee waa ged kaloo cusub, horta qeybi waxa ay la soo degdegtay Fiiri Sawirka 1-aad ee Qaraxa, …..halka qeybta kalena ay jawaab uga dhigtay Sawiro qurqurxoon oo Muqdisho ah Fiiri Sawirka 2-aad . Mana aqaan sababta iyo ujeedada ka dambeysa sheekadaan cusub iyo cida loogu kala daneynayo..

-HORTA ANIGU YAABAYE Dadka Muqdisho amaanta beenta ah ka sheega iyo kuwa Muqdisho xumaanta aan ka jirin ka sheega yey u shaqeeyaan labadaas kooxood ? …..MOOYI

Ugu dambayn, Ma u malayneysaan Dadka dhib dhacay soo warintiisa ku kala qeybsamay in ay nabad iyo wax wanaagsan isku raacayaan WAA MAYA …Fadlan Dhibka qudhiisa & Muqdisho ciyaarta halaga daayo .

MAXAA YAAB IS DABA YAAL………..

AFEEF:- Sawirada ay labada dhinac kala isticmaaleen intaan waa ka badan yihiin balse anigu labadaan sawir baan tusaale ahaan u soo qaatay waxaana uga hadlay arinkan si guud ee yaan si gaar ah qofna isugu u qaadan inaan isaga ugu danleeyahay ama aan u jawaabayo waxaygu waa Jumlo hadaba ogaada.

Mahadsanidiin /=

Abdulqadir Farah Dulyar




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip