LIISKA DADKII AGOSTO MUQDISHO LAGU DILAY

0
Saturday September 01, 2018 - 20:17:32 in Wararka by
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LIISKA DADKII AGOSTO MUQDISHO LAGU DILAY

    Inta laga tagay oo aad ogtahay kudar. ==================== 1-Aug 1, 2018, Waxaa Xaafada Faanoole oo ku taal degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho isku dilay wiil dhalin yaro ah oo lagu magacaabo Ismaaciilay waxaana la sheegay inuu qabay xanuun ku s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta laga tagay oo aad ogtahay kudar. ==================== 1-Aug 1, 2018, Waxaa Xaafada Faanoole oo ku taal degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho isku dilay wiil dhalin yaro ah oo lagu magacaabo Ismaaciilay waxaana la sheegay inuu qabay xanuun ku soo kaca oo dhimirka. 2- Aug 2, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa meel ku dhow Isgooska Banaadir ku dilay Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo ahaa Madixii Shirkadda Startup Grind. 3- Aug 4, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa Degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir gaar ahaan Xaafadda Siisii ku dilay ganacsade ku hawlanaa dhismaha guryo uu leeyahay oo laba ah. 4- Aug 4, 2018, Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu dilay degmada Xamar Jajab gaar ahaan gudaha masaajid ku yaalla Agagaarka Biyaaso Liibaro.

5- Aug 4, 2018, Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir ku diley nin Oday ah oo Caanka ahaa degmadaasi Yaaqshiid, Ninka Odayga ah ayaa xilliga la dilayey waxa uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn Hotelkii hore ee Lafweyn ee ku yaalla xaafada Fagax,waxaana la sheegay in ay goobta ka baxsadeen dadkii ka dambeeyey dilka ninkaasi.

6- Aug 4, 2018, Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa qeybo kamid ah Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda, Rag hubneysan ayaa la sheegay in askariga ay ku dhex dileen masaajid uu ku dukanayay.

7- Aug 5, 2018, Ciidamada dowlada ayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Isgoyska Banaadir ku dilay laba ruux oo la sheegay inay ka tirsanaayen Al-Shabaab xili ay la socdeen Gaari raaxo.

8- Aug 6, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Maxamed Gaaruf oo la sheegay inuu kamid ahaa dhalinyarada firfircoon.

9-Aug 7, 2018, Kooxo hubaysan ayaa Degmada Waaberi, gaar ahaan xaafadda Buundooyinka ku dilay askari ka tirsan ciidamada Booliska gaar ahaan qeybta xarunta Dambi Baarista ee C.I.D.

10- Aug 8, 2018, Kooxo ku hubaysnaa bastoolado ayaa Degmada Kaaraan, gaar ahaan Suuqweynaha ku dilay askari ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya oo xiliga dilkiisa kasoo baxay hooygiisa.

11- Aug 9, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa isgoyska Suuqa Bakaaraha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ku dilay mid kamid ah dhalinyarada rarta gaadiidka BL-ka.

12- Aug 12, 2018, Koox ku hubeysneed bastoolado ayaa Xaafada Afarta Darjiin ee degmada Yaaqshid ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho ku dilay askari katirsan Ciidanka Dowladda, iyagoo horay usii qaatay hubkiisa.

13- Aug 16, 2018, Rag hubeysan ayaa degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ku toogtay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska oo lagu magacaabi jiray Liibaan.

14-August 20, 2018, Koox ku hubeysnayd bastoolado ayaa xaafada Baar Ha’idhafin qeybta degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ku dileen wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Barre (Kuusow).

15-August 20, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Xaawa Taako ee degmada Wadajir ku dileen Cabdi Xooshoow oo kamid ahaa ilaalada guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir Axmed Daaci

16- Aug 22, 2018, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa bartamaha Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku dilay ruux ka mid ahaa dhalinyarada ka shaqeysan jiray bosteejada Suuqa.

17-Aug 22, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku dilay Askari lagu magacaabi jiray Faarax xili uu kusii jeeday hooyga wiil ay wada dhasheen oo ku yaala meel ku dhow Xaafada Xoosh.

18-Aug 22, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa DEgmada Dharkeynley ku toogtay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Saneey xili uu ku sugnaa meel ku dhow Ex-Control Afgooye.

19-Aug 23, 2018, Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugnaa Bar-kontorool oo ku taalla agagaarka Warshaadda Taraqa iyo Sigaarka ee magaalada Muqdisho ayaa rasaas ku furay mid ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo siday Meyd, waxaana rasaasta ku dhintay darawalkii waday gaariga ambalaasta oo ay wada murmeen waxaana marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Axmed-nuur Xasan Xuseen.

20- Aug, 25, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa xaafada Seebiyano qeybta laamiga ku toogtay ruux bajaajle ahaa kaa oo lagu dhuftay Seddex xabadood.

21- Aug 27, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgoyska Siinaay ee magaladada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo aan la ogeyn sababta ka danbeysay dilkiisa.

22-Aug 30, 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada ayaa si barer ah meel ku dhaw isgoyska Sanca ugu dilay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta. Qalinkii: Bashiir Mohamed

 
xigasho:-somalilweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip