Wiil da'yar oo farsamayaqaan ah oo loo sameeyay kulan dhiiri gelin ah "SAWIRRO"

0
Tuesday January 05, 2016 - 10:43:06 in Featured by
  • Visits: 1862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil da'yar oo farsamayaqaan ah oo loo sameeyay kulan dhiiri gelin ah "SAWIRRO"

    Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenkaCabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiya Baarlamaan Axmed Cali Xaashi ayaa maanta waxay dhiiri gelin u sameeyeen wiil da'ya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenkaCabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiya Baarlamaan Axmed Cali Xaashi ayaa maanta waxay dhiiri gelin u sameeyeen wiil da'yar oo farsamayaqaan ah booqasho lagu keenay Madaxtooyada Puntland.
Guuleed Aadan Cabdi waa wiil da’yar oo jira 13-sanno oo dhigta fasalka saddexaad ee dugsiga, waxa uu ku dhashay Degmada Buuhoodle halkaas oo uu wax-barashadiisa kasii wato.

Guuleed waxaa uu Madaxda Dowlad goboleedka Puntland hortooda kusoo bandhigay gawaari, iyo Diyaarado uu isagu iktiraacay oo maskaxdiisa ka keenay, Gawaarida ayaa isugu jira nooca Xammuulka qaada ee loo yaqaan Waaraadka, Bajaaj, Iska-rogaha ciidda iyo dhagaxa gurta, iyo Diyaarad.

Sidoo kale gaadiidkan uu guuleed sameeyey waxa u dhammaystirnaa dhammaan agabkii looga baahnaa hadday ahaan lahayd Taayirada, kuraastii, indhihii ama laydhadhkii, dhigihii alaabta lagu xirilaha, codkii ama hoonkii, iyo dhammaan wixii uu gaadhi u baahnaa.

Madaxweynaha Puntland ayaa intaasi kadib waxaa uu ugu horrayn ilaahay uga baryey cimrigiisa inuu u barakeeyo, aqoontiisana uu usii siyaadiyo, waxaana uu ku tilmaamay arrintani inay tahay mid layaab badan marka loo eego wiilka da’diisa iyo maskaxdiisa.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhiiri geliyey Guuleed inuu dedaalo wax-barashadiisana uu ka miradhaliyo oo aanu joojin hal-abuurkiisa iyo hirgelinta fikradaha cusub ee ka dhex guuxaya maskaxdiisa.



IMG_2022 IMG_2032 IMG_2047 IMG_2050 IMG_2052 IMG_2056 IMG_2064 IMG_2070 IMG_2074 IMG_2076 IMG_2080 IMG_2083 IMG_2084 IMG_2090 IMG_2093 IMG_2094 IMG_2097 IMG_2106 IMG_2114 IMG_2118 IMG_2130




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip