Luka Modric oo ku guulaystay abaal marinta xidiga Yurub ugu fiican ee UEFA Men's Player of the Year.

0
Friday August 31, 2018 - 22:58:00 in Wararka by
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Luka Modric oo ku guulaystay abaal marinta xidiga Yurub ugu fiican ee UEFA Men's Player of the Year.

    Xidiga xulka qaranka Croatia iyo kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa laba abaal marinood ku guulaystay xaflada uu xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ku samaynayay isku aadka heerka Groupyada Champions League waxaana Modric marka hore loo doort

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga xulka qaranka Croatia iyo kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa laba abaal marinood ku guulaystay xaflada uu xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ku samaynayay isku aadka heerka Groupyada Champions League waxaana Modric marka hore loo doortay xidigii khadka dhexe ee xili ciyaareedkii la soo dhaafay Yurub ugu fiicnaa wuxuuna qayb ka ahaa abaal marinihii boosaska kubbada cagta Yurub.

Laakiin markale Luka Modric ayaa abaal marintiisii abid ugu waynayd ku guulaystay kadib markii uu Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah ku garaacay xidiga sanadka ee qaarada Yurub ugu fiican isaga oo codbixintii ay UEFA samaysay kaalinta kowaad ka galay.

Ciyaaryahan Luka Modric ayaa la gudoonsiiyay abaal marinta xidiga sanadka Yurub ugu fiican ee loo yaqaan UEFA Men’s Player of the Year 17/18 taas oo ay hore ugu soo guulaysteen xidigo ay ka mid yihiin Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Andres Iniesta.

Qiimaynta UEFA ee abaal marinta xidiga sanadka qaarada Yurub ugu fiican ee UEFA Men’s Player of the Year 17/18 ayaa lagu saleeyaa ciyaartoydii ugu bandhiga fiicnaa tartanka UEFA Champions League iyada oo Modric ay liiska saddexda musharax kula soo baxeen Ronaldo oo ay Real Madrid markii hore ka wada tirsanaayeen iyo Mohamed Salah oo Liverpool la soo gaadhay finalkii Champions League.



Dhanka kale Luka Modric ayaa tartanka abaal marinaha The Best iyo Ballon D’Or meel sare kaga jira isaga oo waliba ka mid ah ciyaartoyda ugu cad cad laakiin in uu ku guulaystay abaal marinta xidiga sanadka ee Yurub ugu fiican waxay u gogol xaadhaysaa inuu ku guulaysan karo Ballon d’Or iyo The Best inkasta oo uu tartanka ugu xooggan kala kulmi doono xidigaha reer France ee koobka aduunka ku soo guulaystay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip