Tartanka cayaaraha degmooyinka gobolka Banaadir oo meel wanaagsan maraya

0
Friday August 31, 2018 - 22:01:38 in Wararka by
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartanka cayaaraha degmooyinka gobolka Banaadir oo meel wanaagsan maraya

    Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in qabsoomidda cayaaraha tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka socda Stadium Koonis ay muujinayaan horumarka laga gaarey nabadda iyo i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in qabsoomidda cayaaraha tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka socda Stadium Koonis ay muujinayaan horumarka laga gaarey nabadda iyo is-dhexgalka bulshada Caasimadda. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay cayaar xiiso badan oo u dhaxeysay degmooyinka Kaaraan iyo Dayniile ayaa boggaadiyey sida habsamida leh ee ku socdo tartanku. "Tartan Cayaareedkan xiisaha badan ee Degmooyinka Gobolka Banaadir wuxuu ka tarjumayaa qiimaha nabadda iyo is –dhexgalka bulshada. Waana astaan nabadeed oo bulshadu isku arkayso, maamulka Gobolka Banaadir na wuxuu dhiirigelinayaa garabna taagan yahay howshan quruxda badan ee farxadda gelinaysa shacabkeenna qiimaha badan".

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa kula dardaarmey cayaartoyda ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee ka qeybgaleya tartanka inay dadaalkooda sii wadaan, islamarkaana ay iyaguna ku howllan yihiin sidii dib loogu howlgelin lahaa Stadium Muqdisho oo dhowaan ay Ciidamadda Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee (AMISOM) dib ugu soo celiyeen gacanta Dawladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip