Lacala, Haddii nin siyaasiya ku dhaho haddii la i doorto, Jidadka waan furayaa, Safarada waan yareynayaa.. ? Nasashada Jimcaha. Q-111aad.

0
Friday August 31, 2018 - 20:57:25 in Wararka by
  • Visits: 743
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacala, Haddii nin siyaasiya ku dhaho haddii la i doorto, Jidadka waan furayaa, Safarada waan yareynayaa.. ? Nasashada Jimcaha. Q-111aad.

    1-Nin ka tirsanaa Xisbi Mucaarad ah oo Mogadishu ka furan ayaa u tagay Dentist (Dhakhtarka Ilkaha) oo Nairobi jooga, waxaa lagu yiri: Wax weyn ma ahan xunuuka ilkahaagu, Mogadishu sow ma joogo Dhakhtar ilkood, wuxuu yiri: wuu joogaa laakin Xamar lama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin ka tirsanaa Xisbi Mucaarad ah oo Mogadishu ka furan ayaa u tagay Dentist (Dhakhtarka Ilkaha) oo Nairobi jooga, waxaa lagu yiri: Wax weyn ma ahan xunuuka ilkahaagu, Mogadishu sow ma joogo Dhakhtar ilkood, wuxuu yiri: wuu joogaa laakin Xamar lama ogola in afka mucaaradka la furto. (Fiiri Sawirka 1aad).

( Ninkaan Xanuunka Buufiskaa Hayo ee Magaciis? Buufis xxxxx?).

2-Oday ilka Case ayaa xureystay Beer Janaale ku tiil, waxaana uga shaqeynayay 4 Nin oo deeganka ah, Bakaarahana Bakhaar ayuu ku lahaa, wuxuu aaday Xajka, si wixii hore uu uga Toobo keeno. Markii uu soo noqday ayuu maqaly xan ah, in Xaaskii yarayd ee Beerta u joogtay iyo Shaqaalihii ay is fahmeen, lagana maarmay duqa.

Maalintii dambe ayuu Beertii tagay isaga oo wato Afar wiil oo ay qaraaba yihiin, wuxuuna fadhiisatay beerta iridkeeda, wuxuuna ku yiri:shaqaalihii muddo ayaad ii soo shaqeyseen, Xaq dadna ma rabo, maanta kadib Afartaan wiil oo aan qaraabada nahay ayaa ii shaqeynee. wxuuna siiyay wixii Mushaar ahaa oo ay ku lahaayeen, wuxuuna ku yiri: Miraha beerta ku yaal xaq ayaad ku leedihiin ninba wixii uu doono haka soo gurto. Gudaha beerta ayey wada aadeen, waxay qaateen Dambiilo waaweyn, laakin Axmad oo caato ahaa iskana xanuunsanaa, meel dhaw ayuu ka soo noqday isaga oo Gacanta ku wato 2 Xabbo oo Liin dhanaan ah oo kaliya.

Markii uu irida ka sii baxayay ayaa lagu yiri: soo noqo, dharkii ayaa laga dhigay, Hal xabo oo Liin ah ayaa dabada xoog looga galiyay, waa ooyay ilayn Liintu Aashid kulul ayey leedahaye, markii Liintii lagu riday oo tolob ay ku tiri, ayuu qosal la dhacay, waxaa la yiri: u naqa najiska, haddana waa ooyay, markii lagu riday tii Labaad, ayuu hadana qosol la dhacay.

Waxaa lagu yiri: war maxaad la ooysay oo hadana aad la qososhay,wuxuu yiri: waxaan la ooyay xanuunka, sidee reer ilka casow aad ku fikereen in Magal (Nin) Liin dabada laga galiyo. Waxaana la qaslay waxaan xasuustay Eeboowgey Xasanow Qare aas soo wataa. Cabaad waa jiraa. (F.S: 2aad).

(Armaa Deeq bixiyayaasha Caalmku, hadda Liin nagu gurayaan oo Qare noo dhiman yahay, taa kama ceymano ee siyaasiyoow, Darajo qaado, Dollar qaado ,laakin Dalka…..Dalka…..Dalka) waa iga talo.

3- Sh. Cabdi Bakhiil oo muddo Sucuudiga shaqo xamaali ah ka hayay, ayaa Xamar ku guursday Gabar Hanti darteed ku raacday,markii la guri geeyay ayey aragtay Qolkii oo hal shumac ku goglan yahay,waxay tiri: Aaway Joodarigii?, wuxuu yiri: Saligeyga ku seexo waxay tiri: Barkintiina? Cimaamadeyda Barko. Katiinadii dahabkana?, Tusbaxeeyga xiro. Diraciina? qamiiskeyga qaado. kushiinku waa eber ee maxaan ku quraacaneynaa berri?, Soonka Sunnada ah ayaa ajar badan. (F.S: 3aad).

(Ugaandheska ayaa ku maah maaha, Naagta xoolo dartood Nin u jeclaata ama u guursato iyo tan Jirkeeda ka gadato waa isku xirfad, laakin mid waa ganacsi Privite ah (gaar loo leeyahay) midna waa Public. Hanti jaceyl yuuna ku hodin ee iska fiiri Bakhiil Xoola badan, Xoolahiisa ha fiirin ee xilkasnimadiisa fiiri, Ninba tabartii. waa iga talo). (F.S: 4aad).

4-Macallin ayaa ardaygiisii ku yiri: "LACALA ka soo qaad” in adiga oo Kaynta jooga uu Libaax ku soo weeraro, maxaad sameyn lahayd? Ardaygii ayaa ku yiri: Macallin " LACALA ka soo qaad” lafteeda ayaan iska dhaafi lahaa, xaguu igu arkaa.

( Haddii nin siyaasiya ku yiraa: sannadka 2020, "LACALA ka soo qaad” haddii la i doorto, Jidadka waan furayaa, Safarada waan yareynayaa, Musuqa waan la dagaalayaa, 8000 oo Dhalinyo ahna waan shaqaaleynayaa, maxaad ku dhihi leheyd?).

5- oday Suuq bacaad ku ganacsado ayaa gabartiisii lagala dhuuntay oo Wanlaweyn (Daafeed) oo 90km u jirta loo masaafeeyay, wiil gabarta Damac uga jiray ayaa isla markiiba telefon u diray Duqii. Duqii Taxi ayuu qaatay, maalintii oo dhan ayuu Afgoi iska joogay, maqribkii ayuu guriga yimid. Gabdhii oo ka soo hor martay ayaa is tiri: Aabe isaga sheeg, hadda waxba kama badeli karyee. Wuxuu ku yiri: Nikaaxaasu waa baadil, oo maanta oo dhan ayaan Afgoi joogay, 60km-na kama xirantid. Waxaana la yiraa: Nikaaxul Shart Distance.

(Adoo qorsheystay inaad 4 Sanno xil wasiirnimo heyso, oo kii ku magacaabay aad muddada la dhameysato, ayaa kuwa baas ey Mas’uuliyiinta telefon u diraan, kadibna Afgoi ayaa Mooshin la dhigaa, iska jir kuwa Masuuliyiinta wax u sheegayo, waa iga tallo).

6- Waayeel wuxuu yaqaan ayuu tusaale ku bixiyaa. Ciyaartooyga Caanka ah Md. Muxudiin Darbaweyne oo Gabrtiisa waaninaya ayaa ku yiri: Gabaru marka ay 18 jir tahay waa sida Kubadda Cagta waxaa eryada 22 Nin. Markey 25 jirto waa sida Kubadda Kolayga waxaa eryada 12 Nin. Markey 30 Jirto waa sida kubadda Teeniska waxa isku tuur tuura 2 Nin. Markey 35 jirto waa sida Garsooraha Ciyaarta oo kale iyadaa Nimanka eryata. Markey 45 jirto waa sida Kubadda Golfka God ayaa la isag ridaa. (F.S: 5, 6, 7, 8, & 9aad)

(Ar Gabdhow waanada waalidka,ha la qaato,inta lagu eryanayo aroos, haddii kale expire Date ahaa!!!!!).

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip