FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO BATIIQA ( CANTLOPE).

0
Friday August 31, 2018 - 20:18:57 in Wararka by
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO BATIIQA ( CANTLOPE).

    Batiiqa ( Cantlope ) waxa uu asal ahaan kasoo jeedaa dalka Shiinaha , waxuuna ka tirsan yahay qoys dhireedka loo yaqaan Cucubitaceae, Batiiqu waxaa loo yaqaan magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Maskmelons, Mush melons, Persian melons iyo Rock mel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Batiiqa ( Cantlope ) waxa uu asal ahaan kasoo jeedaa dalka Shiinaha , waxuuna ka tirsan yahay qoys dhireedka loo yaqaan Cucubitaceae, Batiiqu waxaa loo yaqaan magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Maskmelons, Mush melons, Persian melons iyo Rock melons. Horaantii 1494- kii ayaa Geedka Batiiqa lagu beeray galbeedka Hindiya, halka Hindida cas ee Mareykanku sanadkii 1535 – kii ay ku beereyn meel u dhow magaalada Montreal ee dalka Kanada wuxuuna Batiiqu haatan ka baxaa dalalka China, USA,Turky, India, Afghanistan iyo Uzbekistan.

Shiinaha ayaa ah dalka ugu soo saarista badan Miraha Batiiqa , sanadkii 2016 Shiinuhu waxa uu soo saaray kala bar Batiiqa caalamka kasoo baxa oo dhan, dhinaca kale dalka Mareykanka ayaa sanadkii soo saara 20-22 Billion Pounds oo Batiiq ah una dhiganta 9.071,847,400 – 9.979,038,140 Kiiloo Garaam waxaana uga soo xeroota lacag dhan 300 – 400 Million oo Dollar sanadkii.


FAA’IIDOOYINKA CAAFMAAD EE LAGA HELO BATIIQA WAXAA KA MID AH :
• Batiiqa waxa uu yareeyaa cudurada ku dhaca WADNAHA.
• Batiiqa waxauu yareeyaa cudurka SOKORTA.
• Batiiqa waxa uu yareeyaa Khatarta cudurka NEEFTA.
• Batiiqa waxa uu yareeyaa halista cudurka DHIIG KARKA.
• Batiiqa waxaa ku jira Fiber, Potassium Vitamin C iyo CHLORINE kuwaas oo dhamaantood caawiya caafimaadka WADNAHA.
• Batiiqa waxa uu yareeya buurnaanta xad dhaafka ah ee dhimashada sababta.
• Batiiqa wuxuu kor u qaadaa muuqaalka caafimaadka qofka.
• Batiiqa wuxa uu kordhiyaa tamarta jirka halka uu ka yareeyo culeyska jirka.
• Batiiqa waxa uu caawiyaa dheef shiidka.
• Batiiqa jirka ayuu Fuuqa kusoo celiyaa.
• Batiiqa nabarada Caabuqana ayuu bogsiiyaa.
• Batiiqa wuxuu u fiican yahay maqaarka iyo timaha.

Geedka Batiiqa dalkeena waxa lagu beeraa inta badan dhulka deexda ah ee u dhaxeeya Marka iyo Shalambood waana midka ugu qaalisan miraha dalkeena ka baxa oo dhan, waxaase nasiib daro in dad badan oo Soomaali ah faa’iidadiisa caafimaad iska daaye aysan xitaa magaciisa aqoon.

Qoraa Sare. Muse Mohamed Osman.
E- Mail : muusekiimiko@gmail.com.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip