Waa maxay Sababta Farmaajo u jecel yahay safarrada dibadda?

0
Thursday August 30, 2018 - 10:47:45 in Wararka by
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa maxay Sababta Farmaajo u jecel yahay safarrada dibadda?

    Madaxweyne Farmaajo oo maraya dhabbihii madaxdii ka horreeysay ee uu sheegi jiray inuu saluugsan yahay hab dhaqankooda! Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyneyaashii kaga horreeyay madaxtooyada Soomaaliya ee Xasan Sheekh iyo Shariif Axmed waxay isaga mi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo maraya dhabbihii madaxdii ka horreeysay ee uu sheegi jiray inuu saluugsan yahay hab dhaqankooda! Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyneyaashii kaga horreeyay madaxtooyada Soomaaliya ee Xasan Sheekh iyo Shariif Axmed waxay isaga mid yihiin jaceylka safarrada ay baxayeen dibadda. Madaxweynaha qaranka Mudane Maxamed Farmaajo waxaa uu wajahayaa eedda ah in ay safarradiisu ay ciidda ka bateen. Sanadkani 2017 – 2018. Wuxuu sameeyey 38 safar oo dibada ah umadda Soomaaliyeed waxay ka sugaysaa iyagoo hamuun u qaba howshii siyaasadda gudaha iyo diyaarinta dib u soo nooleeynta adeegyadii dowladnimo dhisida ciidan Qaran , dib u heshiin Qaran Wada hadal dhexmara dawlada Faderaalka iyo maamulka somaliland, diyaarinta iyo ansixinta sharciyada dawladu u baahan tahay inay ku shaqeyso.

in taas Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku badashay inuu shirarka caalamiga kaga qeyb galo Taladii laga sugayey waa safar dibadIyo in uu tuutaha ciidanka xirto oo uu ciidan isku sawiro. Isagoo sheegaya in dhawaan dagaal uu qaadi doono.

Raysal wasaare khayre iyo xukumada Nabad iyo nolol waxqabad keedii wuxuu soo dhaafi la yahay hool shir lagu qabto. Iyo khudbad riyo habeenaad u eg.

Wax isbadalay ma jiraan, waa inaan xaqiiqda u sheegnaa madaxdeena waqtiga kooban aan dooraney

sababtoo ah Madaxweyne Farmaajo wuxuu hayaa wadadii madaxdii ka horreysay oo uu shalay ku eedeynayay sida madaxweynihii ka horreeyey oo uu lahaa Xasan Sheekh waa safarro badan yahay. Wadanka alshabaab waa ka saari la yahay.

Sow hadda madaxweyne Farmaajo kama darin dhinac kasta, marka la isu soo beekhaamiyo xaaladda dalkayaga, wax ka qabashada uu u baahan yahay iyo ballamihii uu qaadayba?!.

Waxaa taa ka daran dadkii wax garadka ahaa aamusnaan ayey galeen.

Dagaalkii uu lahaa waa qaadayaa Alshabaab wali ma dhaqan-gelin, waxaa intaas dheer howshii amniga qaranka ee dowladda iyo maamullada ay qarka u saaran tahay fashil.

Madaxweynuhu wixii u ballan qaaday wax ka socda ma jiraan marka laga reebo in warbaahinta ay bulshada Soomaaliyeed ee daalan ka maqlaan. La dagaallanka musuqa ayaa xoojineynaa” iyagoo madaxda dowladda xilka dadka uga qaadanaya musuq maasuq ayuu galay.

Maamul goboleedyada ayaan la shaqayn, oo hogaanka madaxweyne Farmaajo ku horkufay siyaasad xumada vila somalia ka socota.

waxay ahayd sida caqliga saliimka sheegayo xitaa haddii ay Villa Somalia gar leedahay inuu la fariisto oo uu ka qanciyo waxa ay ka tabanayaan ama ugu yaraan uu dadaal uun sameeyo illeyn dowladda federaalku dowladaha gobollada iyada ayay xubno ka yihiin. Hadaan lawa heshiin sidee doorasho loo qabanayaa 2020 .

Danjire Maxamed Maxamuud Nuur(Caalim)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip