Gabadh Iyada Oo Matalaad Moodaysa La Mehersaday!

0
Wednesday August 29, 2018 - 22:06:35 in Wararka by
  • Visits: 680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Iyada Oo Matalaad Moodaysa La Mehersaday!

    Gabadh 21 jir ah oo reer Hong Kong ah ayaa sheegay in lagu khalday guurka nin aysan xataa aqoonin oo ku sugan dhulwaynaha Shiinaha iyadoo ka qaybqaadanaysa aroos "matalaad ah". Haweenayda ayaa sheegtay in loo sheegaysay in ay caruusad ka n

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadh 21 jir ah oo reer Hong Kong ah ayaa sheegay in lagu khalday guurka nin aysan xataa aqoonin oo ku sugan dhulwaynaha Shiinaha iyadoo ka qaybqaadanaysa aroos "matalaad ah". Haweenayda ayaa sheegtay in loo sheegaysay in ay caruusad ka noqon doonto aroos matalaad ah, arrintaasna ay qayb ka tahay tababar ku saabsan sidii ay u noqon lahayd qof aroosyada qabanqaabiya.

Intii ay socotay xafladdaa iyada iyo nin ayaa kala sixiixday waraaqaha sida sharciga ah la isugu mehersado.

Markii ay ku laabatay Hong Kong ayay ogaatay in si rasmi ah loo guursaday, halkaas oo ay ka raadsanayso caawimaad dhanka sharciga ah.
Booliiska ayay u suuragaliwayday in ay caawiyaan ka dib markii ay waayeen wax caddayn ah oo muujinaya in khalad dhacay, sidaas daraadeed waxay u wareegtay dhanka ururka ganacsiga ee FTU.
"Waa qaab cusub oo aroos khayaano ah” ayuu BBC-da ku yiri Tong Kamgyiu oo ka mid ah guddiga xuquuqda iyo faa’iidada ee ururka FTU.
"Waan ka xumahay mana rumaysan karo in ay xitaa ka dhacayso Hong Kong-ta casriga ah.
"Ka faa’iidaysi”
Bishii May ee sannadkan gabadh 21 jir ah oo aan magaceeda la shaacinin ayaa aragtay tababar ku saabsan qurxinta jirka oo Facebook la soo dhigay.
Gabadh Iyada Oo Matalaad Moodaysa la Mehersaday!

Balse markii ay codsatay ayay shirkaddii ku cadaadisay in ay noqoto aroos qabanqaabiye.
Waxaa la siiyay tababar todobaadyo socday oo ka dhacay Hong Kong waxaana loo sheegay in ay u baahantahay in ay ka qaybqaadato aroos matalaad ah oo lagu qabanayo gobolka Fuzhou ee dalka Shiinaha si ay tababarka ugu baasto.
Bishii Luulyo ayay sixiixday dhokumantiyo aroos oo yaalay xarun ay dawladdu leedahay.
Wargeyska Morning Post oo ka soo baxa Koonfurta Shiinaha ayaa sheegay in shirkaddu ay gabadha u sheegtay in intaas wixii ka dambeeyo arooskaas uu "waxba kama jiraan” noqon doono.
Balse markii ay Hong Kong ku soo laabatay ayuu mid ka mid ah dadkii ay isku fasalka ahaayeen ku adkaystay in la khiyaanay.
Hadda sidaas ayaa lagu qabaa waxaana laga yabaa in ay furniin dalbato, lama yaqaanno cidda uu yahay ninka ay guursatay iyo in uu Hong Kong galay guurkooda ka dib.
Gabahda 21 jirka ah waa laga faa’iidaystay iyadoon waxba ka ogayn cawaaqibka arrintaas ka dhalan kara,” ayuu yiri Tong.
"Dhibaatada ugu wayn ee soo gaaraysa waa in diiwaanka loo galiyay in la guursday, dhibaato dhanka maskaxda ah ayuuna u gaystay”.
Booliiska Hong Kong ayaa sannad kaste la kulma 1000 aroos oo khayaano ah.
Muwaadiniinta Shiinaha ee guursada lamaane reer Hong Kong ah ayaa awooda in uu dalbado ruqsadda daganaanshada magaalada.

Isha:- BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip