Gocasho gaaban Garoonka Kubadda cagta ee Istaadiyo Muqdisho

0
Wednesday August 29, 2018 - 21:34:42 in Wararka by
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gocasho gaaban Garoonka Kubadda cagta ee Istaadiyo Muqdisho

    Shalay waxa booqday garoonka K/cagta ee Staadiyo Muqdisho Madaxweynaha DFS Maxamed C/laahi Farmaajo oo si rasmi ah ugala wareegay gacan ku heyntii garoonka Istaadiyo Muqdisho ciidamada howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM.Garoonkaa iyo ta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay waxa booqday garoonka K/cagta ee Staadiyo Muqdisho Madaxweynaha DFS Maxamed C/laahi Farmaajo oo si rasmi ah ugala wareegay gacan ku heyntii garoonka Istaadiyo Muqdisho ciidamada howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM.Garoonkaa iyo taariikh kooban oo ku saabsan sidii ay ciidamadu ku galeen ayaan jeceleystay in dadkii ka warqabay soo xusuusiyo kuwa aan la soconna ay ogaadaan.

Arar

Garoonka K/cagta ee Staadiyo Muqdisho waxaa dhismihiisa la bilaabay 1977 waxana la dhameeyay 1978 waxana dhisay dowladda Shiinaha, Garoonka oo xilligaa ka mid ahaa garoomada ugu waaweyn degmada Geeska Afrika ayaa waxaa uu mar kaliya qaadi karay 30,000 ilaa 35,000 oo daawadayaal ah.

Waxa lagu qaban jiray ciyaaro caalami ah iyo kuwa heerka koowaad ee Soomaaliya,ciyaaraha gobollada dalka iyo bandhig faneedyo waaweyn .

Garoon marka la yiraahdo qofka waxa maankiisa ku soo dhacaya goobta lagu ciyaaro kubadda oo kaliya intaa waa uu ka baaxad weynaa waxana la dhihi jiray tuulada Isboortiga oo waxa ku yiilay dhamaan garoomada ciyaaraha kala duwan ,sida k/gacanta ,k/koleyga,miiska,dabbaasha IWM.

Dagaaladii sokeeya markii ay dalka ka bilowdeen kadib , horraantii sagaashanaadka garoonku waa uu shaqeynayay in kastoo dacdarro iyo maamul xumi badan ay ka jirtay.

Tiradii ugu badneyd ee dad ah waxa ay garoonka gudaha soo galeen markii DKMG Carta lagu soo dhisay oo dalku ku soo laabanayay madaxweyne C/qaasim. Maalinkaas oo aheyd sanadkii 2000 hamuunta ay dadku u qabeen dowladnimo jaceyl sidii koronkoradii ayuu dadku is dul fuulay,garoonka labo laab baaxadda uu qaado ayaa soo gashay, in kastoo fursadaasi ay ka qasaartay shacabka Soomaaliyeed oo hogaamiye kooxeedyadii jiray ay jilbaha dhulka ugu dhufteen.

2006dii markii la soo gaaray oo dalka ay qabsadeen intiisa badan Maxkamadihii Islaamiga garoonku waxa uu noqday goob ay kooxihii islaamiyiinta u isticmaalaan kulamada waaweyn ,ciidaha iyo la hadalka dadweynaha,wacyi galinta ,tababarro ciidan .

Qabasashadii ciidamada Itoobiya ee Garoonka Istaadiyo Muqdisho.

Waxa ay aheyd subax Khamiis ah 29 ka March 2007dii. Guddigii amniga qaranka ee DKMG ee Madaxweyne C/laahi Yusuf iyo RW Cali Maxamed Geedi ayaa kulan ay habeen ka hor la qaateen saraakiishii ciidamada Itoobiya hogaamineysay waxaa go’aan lagu gaaray in muhiim ay tahay in garoonka Istaadiyo Muqdisho lagala wareego muqaawada hadii kale aan la hanan karin amniga iyo gacan ku heynta caasimadda.

Subixii Khamiista 4ta subaxnimo salaadda subax ka hor ayaa waxaa bilowday madaafiic aad u waaweyn oo PM uu ku jiro ,qoray dhawaq weyn oo fooriya ay u bixiyeen soomaalida oo halkii uu ku habsado duminaya ayaa bilowday. Saacadda ay madaafiicdu bilaabaneyso aniga iyo saaxiibadeey aan isku shaqada aheyn ,Yusuf Xasan Mursal iyo Maxamed Maxamuud Dhoore waxa aan ku jirnaa hotel Bakaare dhexdiisa ku yaal. Dhulkaa inala gariiray,ma garan karin waxa socda.

Ciidamadu waxa ay ka soo dhaqaaqeen qeyb Wasaaradda Gaashaandhigga waxana loo qorsheeyay in ay gaareen ilaa iyo isgoyska Miisaanka Dhuxusha ee jidka Warshadaha. Qeybta ugu xooggan waxa ay ka soo dhaqaaqeen Villa Soomaaliya wadada Folorensa ayay toos u soo abbaareen.Waa lawda xusuustaa waa mid ka mid ah dagaalada ugu cuslaa ee Muqdisho soo mara ,afar cisho oo xiriir ah ayuu socday oo meydadkii la qaadi waayay.

Madaafiicda iyo xabaduhu waxa ay dadku ku dilayeen Towfiiq,Inta badan Wardhiigleey,waxan xusuustaa madaafiicda xoogga badan meelaha ay ka soo dhaceysay waxaa ka mid ahaa fariisimo ay ciidamada Itoobiyaanku ka sameysteen Isbitaal Digfeer iyo dekaddii hore meelo u dhow.

Dadka dagaalamayay maaheyn muqaawamadii kaliya balse dhalinyaro badan oo wadaniyiin ah ayaa ku biiray oo u arkayay in Itoobiyaan ku soo duulay caasimadii oo qabsaday.

Taageero dhaqaale oo xoog leh ayaa dibadda ka imaneysay kuwana waxaa loo abaabulyay hab caadifad qabiil ,waxaa xilligii soo bixitaanka odoyaal beeleed oo Maxamed Xasan Xaad gudoomiye u ahaa ,Afhayeenna uu aha Allaha u naxariistee nabadoon Axmed Diiriye.

Afar maalin markii uu socday ayaa xabad joojin lagu dhawaaqay ,meydadka qolyihii bisha cas oo mutadawiciin ah ayaa ururinayay qeybtaas magaalada waxa ay noqotay nuurad cas oo lagu daadinayay halkii meyd laga qaadaba.

In kastoo labo usbuuc kadib dagaalkii uu dib qarxay hadana xilligaasi waxa ay aheyd maalintii ay ciidamadu si rasmi ah u qabsadeen Istaadiyo Muqdisho, nafisna ay haleen madaxdii TFG ee Villa Soomaaliya ka talineysay oo heysashada garoonka ee muqaawamada (insurgents) culeys weyn uu ku ahaa.



Tirakoob maalmahaa la soo saaray dadka rayidka ah ee ku dhintay dagaalkaa 4ta cisho waxaa lagu sheegay 864 ruux ,in ka badan 200 oo dhalinyaradii muqaawamada iyo tiro badan oo ciidamada Itoobiya oo si rasmi ah loo xaqiijin balse laga badiyay boqol.

Ciidamada AMISOM 2009ki ayay garoonka waxa ay kala wareegeen ciidamadii Itoobiyaanka ee ka baxayay caasimadda Muqdisho sidaa ayayna fariisin ugu aheyd tan iyo xilligan.

Marar badan ayay Xiriirka K/cagta Soomaaliyeed codsadeen in garoonka ay faarujiyaan ciidamada AMISOM laakiin welwel amni ayuu intan ku soo gaaray.

W/Q: Maxamed Ibraahim Macalimuu

Moalimuu@gmail.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip