Dalkeena Sidaan u Qurxin karaa oo horumar ku gaadhi karaa magalooyinkeena Cagaar iyo Nadiif ma noqon karaan?.

0
Tuesday August 28, 2018 - 23:17:40 in Wararka by
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalkeena Sidaan u Qurxin karaa oo horumar ku gaadhi karaa magalooyinkeena Cagaar iyo Nadiif ma noqon karaan?.

    Sawiradan hoos ku xardhan maaha wadan reer galbeeda sida Northern America iyo Europe. Waa dalyar oo bariga Africa ka mida baaxada dhul ee uu ku fadhiya waa (Aria 26,338 Km²) wadankan oo dhul ahaan Somaliland aad uga yar. Waa waddan degaalo iyo x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawiradan hoos ku xardhan maaha wadan reer galbeeda sida Northern America iyo Europe. Waa dalyar oo bariga Africa ka mida baaxada dhul ee uu ku fadhiya waa (Aria 26,338 Km²) wadankan oo dhul ahaan Somaliland aad uga yar. Waa waddan degaalo iyo xasuuq ka dhacay waliba xasuuqii ugu xumaa aya ka dhacay.

April, 7. 1994 ilaa July, 1994 waxa la xasuuqay Inka badan 1 Million qof oo Tutsi ah. Dadkan badan kooda waa la bireeyay. Dhibaato aad u badan ayaa soo martay wadanka dagaal ayuu ku qabsaday madaxweyne Paul Kagame oo ilaa hada haysta. Heerar kala duwan ayay soo mareen. Maanta waxay gaadheen isku filaasho wadankoodi waxay ka dhigeen wadan aduunyadu kayaabto oo mucjiso ah. Cid dibada uga timi oo wax u qabatay majirto iyaga isku tashaday.

Inkastoo ay ahayeen wadan yar oo faqiira oo waliba bilaa bada (Land Locked Country) kadana kamay hor istaagin inay horumar hiigsadan. Waxay awoodooda isugu geeyeen sidii ay u noqon lahayeen wadan aduunyada tusaale u noqda oo lagu daydo. Way ku guulaysteen hadafkoodii waxay noqdeen dalkii ugu horeeyee ee markiiba ka falceliyay buuggii ay qortay DAMBISA MOYO ee layidha Dead Aid ee ay qortay 2009kii ee ay kaga hadasho dhibaatada ay caawimada reer galbeedku ku hayaan qaaradda Africa.

Dalkani wuxu markii buuggani soo baxay ay qortay marwadan saxibul caqliga ah ee kasoo jeeda Africa dalkani Zambia waxay 2010 kii iska joojiyeen 20℅ miisaaniyadii ay ka kabi jireen reer galbeedku sanadkii xigayna waxay iska joojiyeen 20℅ kabkii aakhirkiina iyaga isku filaaday dhamaana deeqihii reer galbeedka way iska joojiyeen. Waana halka uu ka bilaabmay horumarkoodu. Hada waa dal ka madax banaan gumaysiga reer galbeedka ee kasoo gabada kaalmada Africa lahadhay.

Waxay habeeyeen oo maamuleen dowladaha hooda hoose waxay gaadheen horumar dhanwalba ah degmo kasta oo dalka katirsan haduu mayorku horumarin dhaba ka samayn waayo si (Transparent and effectiveness and efficiency way of development) qorshe cad oo horumarineed oo leh waqti cayiman (Time Framework) Marka laga waayo isaga is casilaya mayorku musuq haduu ku cadaado waa xabsi daayin.

Dowlad wanaagaasi wuxu dhaxalsiiyay horumar isku filansho buuxda maanta wadankoodu wuxu ka midyahay wadamada dhaqaalahoodu uu ugu korista badan yahay Africa korodhka dhaqaalahoodu waxa lagu qiyaasa 9℅ oo kor usocda halka uu yahay (GDP per capita 702.84 USD (2016) qiyastii 2016 kii waxa ay la baxeen naanaysta caanka ah ee #Clean_&_Green wadankoodu waa cagaar oo wada dhira iyo nadiif sida sawirada ka muuqata.

Allah Mahad leh.


Abdiqani Ibrahim Salaf (Kaptanka)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip