Markhaati waxaa u fiican tii. No.2.=Sidey gaaladu u arkaan Nabigeena Moxamed SCW?.=

0
Tuesday August 28, 2018 - 21:12:32 in Wararka by
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markhaati waxaa u fiican tii. No.2.=Sidey gaaladu u arkaan Nabigeena Moxamed SCW?.=

    Hor dhac:Sidey gaaladu u arkaan Nabigeena Moxamed SCW. Markhaati waxa u fiican tii cadawgaagu kuu qiro. 16 kaan Qof ma aheyn dad Muslim ah, waa philosophers, Qoraayaal, Taariikh yahano, Cilmi baarayaal, dad caan ku wada ah Aduunka, haddana markii ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hor dhac:Sidey gaaladu u arkaan Nabigeena Moxamed SCW. Markhaati waxa u fiican tii cadawgaagu kuu qiro. 16 kaan Qof ma aheyn dad Muslim ah, waa philosophers, Qoraayaal, Taariikh yahano, Cilmi baarayaal, dad caan ku wada ah Aduunka, haddana markii ay ka hadlayeen Nabi Moxamed SCW, waxa ay ka sheegeen arragti aan laga fileeyn gaalada. Araar: Markii ay ka hadlayeen Nabi Moxamed SCW, ma raacin magaciisa "SCW", waxa ay ku soo koobeen Moxamed oo kaliya, haddalkooda ku dhax jiraLabada Qaanso ((……)) anigaa raaciyay SCW.

1-Lamartine –France philosopher waxa uu yiri: (( Nabi Moxamed SCW, waxa uu ahaa Dagaalyahan, Hogaamiye, Xaq-dhoowre, waxaan uu lahaa sifa kasta oo wanaagsan oo qof lagu tilmaamo, waxaan is weydiiyaa dunida ma soo maray qof ka sareeya)). Fiiri.Sawirka: 1aad.

2-George Bernard Shaw, Suugaan yahankii caanka ahaa ee Ingriiu waxa uu yiri: ((Taariikhda Bini aadamka kuma arag qof leh sifooyinkii Moxamed SCW, Haddii uu Hogaamin lahaa dunida maanta dhibaatada waqtigaan na heysata si nabad ah ayaan ku xalin leheeyn, farxadna waan ku noolaan leheeyn)).F.S:2aad.

3-Michael Hart, Qoraagii Mareykan, waxa uu yiri: ((Moxamed SCW waa qofka kaliya ee la isku raacay in uu koow ka yahay 100ka Qof ee dunida ugu saameynta badan)). F.S: 3aad.

4-Mahatma Gandhi ,Hogaamiyihii Hindiya, waxa uu yiri: (( Markii aan dhameeyay akhrinta qaybtii 2aad ee Taariikhda Moxamed SCW, waxa aan dareemay in aan u baahanahay in aan wax badan ka ogaado shakhsigaa weyn, dood la’aan waxa uu saameyay quluubta malaayiin Qof )). F.S: 4aad.

5-Thomas Carlyle, Qoraagii Ingriisku waxa uu yiri: (( kama helin Dabcigiisa iyo dhaqankiisa wanaagsan oo kaliya, ee waxaan ka helay sida Cad ee uu ula hadlay Boqorkii Romaanka iyo Boqorkii Bershiya waxa uu ku hagay wixii uu la jeclaa Aduun iyo Aakhiro)). F.S: 5aad.

6- George Wells, Qoraagii Ingriisku waxa uu yiri: (( Moxamed SCW waxa uu dhisay dowladii ugu Cadaalada badneyd uguna Cafiska badneyd ee Aduunka soo marto)). F.S: 6aad.

7-Leo Tolstoy Suugaan yaqaankii caanka ahaa ee Ruushku waxa uu yiri: ((Shareecada Moxamed SCW waxa ay aduunka u saameeynee si ay Aqbali karaan Caqliga & Xigmada Bani aadamku. Weligii islama simin Allaah, Muslimiintu waxa ay caabudaan Allaah isaguna waxa uu ahaa dhambaal side)). " waxaan filaa in aad akhriseen buugiisii caanka ahaa ee Nabad & Colaad”. F.S: 7aad.

8-Jean-Louis Michon, Caalimkii Faransiisku, waxa uu yiri: ((Islaamka Jihaadka farayo, haddana waxa uu dhowraa Xuquuqda dadka diimaha kale haysta iyaga oo raacaya amaradii Nabigooda ,tusaale : Cumar dhibaato uma geysan Masiixiyiinta joogtay Baytul qudus markii uu qabsaday)). F.S: 8aad.

9-Gustave Le-bon ,Taariikh yahankii Farnsiisku waxa uu yiri: (( Moxamed SCW waa hogaamiyihii ugu weynaa ee aduunka soo maray)). F.S: 9aad.

10-Will Durant Ninkii qoray buuga " the History of Civilizations” waxa uu yiri: ((Haddii weynaanta dadka aan ku cabirno saameyntiisa, Moxamed SCW ayaa Noqonaya han ugu weyn)). F.S: 10aad.

11-D.G Hodarth waa uu yiri: ((Ma jiro qof aan dhihi karo waxa uu dhan waliba uga dhameystirnaa sida Moxamed SCW)). F.S: 11ad.

12- Annie Besant, waxa ay tiri: (( Mar kasta oo aan akhriyo taariikhaMoxamed SCW waxaan dareemaa tacajub qofkani uu ahaa mid fariin ka sida xagga sare)). F.S: 12aad.

13-Sarogini Hindi waxa ay tiri: ((Waa diintii ugu horeysay ee ku dhawaaqday Hirgalisayna Demoqaraadiyada, masaajidoodana Boqorada & Shaqaalahoodu iyaga oo is dhinac jooga ayeey wada sujuudayaan)). F.S: 13aad.

14-Alphonse de Lamartine, waxa uu yiri: (( madaxda dunidu waxa ay isticmaalan awood iyo hanta, laakin Moxamed SCW isaga oo aan intaa ku tiirsaneyn ayaa dunida 1/3 ay raacee)). F.S: 14aad.

15-Edward Gebbon, waxa uu yiri: (( Moxamed SCW waxa uu ku noolaa nolol cadiya oo qof madax sheeganayo uuna ku nooleyn ,sida dadkiisu u noolaayeen kama duwaneyn, Quraanka uu ka tagayna waqtigu ma bedelin)). F.S: 15aad.

16-Toni Blair, R/W Ingriiska ayaa yiri: (( Haddii la rabo in Bulshada Ingriisku horuumarto, waa in aan ku dhaqanaa shareecada Islaamka, laakin waa in aanan noqon muslin, kaliya wanaaga ay faree diinta islaamka ayaan qaadaneynaa, mana muslimeeyno)). F.S: 16aad….. FG: ( tan waan maqlay, laakin sida 15ka qof ee kale meel ay ku qorantahay kama aqrin, sida aan idiinkugu soo tarjumay qoraaladii kuwa kale).

FG: Hanuunka Allaah ayaa leh, laakin cilmigu gaalaba ha galee waxa uu tusinayaa Xaqiiqda jirta, dhamaan in kasta oo aynan Islaam aheyn haddana waxa ay qireen, wanaaga Rasuulkeena Moxamed SCW. intaas ayaan maanta soo ururiyay. Arragtidaada xur ayaad u tahay, wixii ka qaldan ka sax.

Islaamka Guul.

Qore: yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip