7 sano kadib shacab ku baashaalaya Stadium Muqdisho
Muuqaalo kooban iyo sawirro la soo qaaday ayaa muujinayay ciidamada AMISOM qaybtii ugu dambeysay oo alaabtooda ku raranayay gaadiidkooda xambaara ciidanka.
Arrintan waxa ay ka dambeysay kadib markii shalay AMSIOM ay garoonka ku wareejisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo kormeer ku tagay halkaasi.
Sawiro laga soo qaaday dadkan saakay isugu tagay garoonka ayaa muujinaya iyaga oo ku dabaaldegaya qeybaha kala duwan ee garoonka, maadaama baaxadiisa ay weyn tahay.
Dowladda federaalka oo arrintan ay kaga dhigan tahay talaabo wanaagsan ayaa waxa ay qorsheynaysaa in garoonka dhismihiisa ay ku wareejiso shirkad laga leeyahay dalka China, wuxuuna garoonka mid yahay kuwa uga waa weyn ee ku yaalla Geeska Afrika.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay ciidamo Boolis ah in lagu wareejinayo Garoonka Muqdisho Stadium, islamarkaana dowladda ay diyaar la tahay qarashka ku baxaya.
Stadium Muqdisho ayaa soo maray marxalado kala duwan oo ay sababeen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxaana tallaabadan ay kaga baxeen Ciidanka AMISOM aad ugu riyaaqay bahda ciyaaraha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
7 sano kadib shacab ku baashaalaya Stadium Muqdisho
Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay oo Talaado ah agabkoodii ugu dambeeyay waxa ay ka qaateen Garoonka Muqdisho Stadium ee degmada Wartanabadda.