Markhaati waxaa u fiican Tii Cadawgaagu kuu qiro.

0
Tuesday August 28, 2018 - 00:49:59 in Wararka by
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markhaati waxaa u fiican Tii Cadawgaagu kuu qiro.

    Gerald Hanley (17 Feb.1916 – 7 Sept.1992) oo ahaa Ingiriis oo waqtigii Gumeysiga Muddo la noolaa Somalida ayaa Buugaagtiisii "Somali: they are a Race to be admired" " Warriors and Starngers" iyo " Warriors: Life and Dea

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gerald Hanley (17 Feb.1916 – 7 Sept.1992) oo ahaa Ingiriis oo waqtigii Gumeysiga Muddo la noolaa Somalida ayaa Buugaagtiisii "Somali: they are a Race to be admired" " Warriors and Starngers" iyo " Warriors: Life and Death among the Somalis" waxa uu ku qoray:

Qofka Somaaligaa mar kasta waxa uu aaminsan yahay in uu Laba Jibaar ka wanaagsan yahay ninka Cadaanka ah iyo Qof kasta oo kale.

Dhulka oomanaha ah, Qoraxda ku gubee, adkeysi ayey u leeyihiin in ay ku noolaadaan deegaankooda laga bilaabo waqooyiga Mount Kenya illaa Buurha Itobiya illaa cirifka Gardafuy ee Badda saaran. Adkeysigooda si aad u ogaato waa in aad ka fikirtaa Mindida, Waranka, indhahooda cabsida leh, timaha madoow ee boorka leh, Geela, dhagxaha kulul ee ku gubaya haddii aad tabato, iyo kala aar gudsiga dhiiga.

Ma badelaan dhaqankooda iyo diintooda, Afrikada kale si fudud ayaa looga badeli karaa diintooda, laakin somalida, Maya, Tusaale: Baadari Talyaani ah oo u joogay Somalia in uu Diintiisa fidiyo muddo 30 sanno ah , waxaa soo raacay 2 Qof oo kaliya , Xattaa waana la yaabay sida uu labadaa ku helay. waxa ay u muuqataa in Islaamka iyo dhaqankoodu ay ku yeesheen saameyn in uu iskala sareyo Ninka cad & Masiixiyiinta, ((waana muhim in laga welwelo in ay somalidu Diinta Islaamka ku fidiyaan Africa)).

Afrika oo dhan ma joogaan dad ka fiican ee lala noolaado,waa dad isla weyn, Qab sare leh, Geesiyaal ah, mucjisa ah, haddana Saaxiiba dhaba lala noqon karo, Qaaradda Afrika oo dhan waa dadka ugu firfircoon uguna Garaad badan.(( Haddii wadankoodu uu warshado yeesho ayaa Afrika iyo caalamkuba ka yaabi doonaan)), In kasta oo ay yihiin dad aan laheyn aqoon hadana waxa ay leeyihiin Caqli iyo Garaad aad u sareeya.

Weligey ma arag Somali Cabsiyo ka muuqato, geesinimo iyo Hamuun dagaal ayaa ka muuqato. Haduuna dhimashaba ka cabsaneyn qofna ka cabsan maayo. Ha noqoto dhaxdooda, deriskooda Itobiya ama Ninka cad. Gerald, Waxa uu yiri: "Isticmaarkii Talyaanigu mar kasta oo nin somaliya uu Ul ama feer ku garaaco, waxa ay dili jireen Asgari Talyaani ah iyaga oo ka aar gudanayo”.

Qofna deegaankaa noloshiisu adagtahay uguma noolaan karo sida ay ugu nool yihiin, Waxa aan xasuustaa Asgari si xun ugu dhaawacmay dagaal oo haddana socday 14 Mile isaga oo wata Qorigiisii, ((Xatta Haweenkoodu fekerka ay aaminsanyihiin waxa ay ugu adadag yihiin sida ragooda oo kale)).

Xirfadda dagaalka iyo tabta cadawga looga hortago si dabeeci ah ayey u yaqaaniin, mana Tumi kartid, ma qabaan cuqdad ama isku jilcin ah, in ay ka hooseeyaan Ninka Cad , kamana cabsanayaan Ninka Cad Qoriga uu wato iyo xanaaqa wajigiisa ka muuqdo. Gerald Hanley,warbixintii uu siinayay Dowladiisa Qarnigii tagay, waxa uu ku soo Gunaanaday: Somalidu Waa Farac Cajaaib ah.

FG: waa tajumad kooban oo ah qayba ka mida Buugaagtii uu qoray Ninkaa Ingriiska ahaa. Aaween maanta dadkii cadawgoodu uu tilmaantaa ka bixiyay. Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan ka sax.

Haddii kuwaasu ku dhaleen, daba dhilifnimo dhaaf.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip