WIILKII KORONTADA AHAA [Michael Faraday]

0
Monday August 27, 2018 - 23:20:30 in Wararka by
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WIILKII KORONTADA AHAA [Michael Faraday]

    Qeybta 1aad Dhigaalkaan ma akhrin kartaa? Dhigaalkaan ma arki kartaa macluumaadka ku qoran? Sidee ku dhacday? Sababtoo ah, waxaa laga yaabaa inaan kumanaan kun oo mayl (mile) isku jirno! Yeelkadeed, xaqiiqdu waxaa weeye adigoo kumanaan kun oo mayl i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qeybta 1aad Dhigaalkaan ma akhrin kartaa? Dhigaalkaan ma arki kartaa macluumaadka ku qoran? Sidee ku dhacday? Sababtoo ah, waxaa laga yaabaa inaan kumanaan kun oo mayl (mile) isku jirno! Yeelkadeed, xaqiiqdu waxaa weeye adigoo kumanaan kun oo mayl iga fog ayaad haddana adigoon is shiddeyn oo ardaagaaga ama jikadaada fadhiya ayaad waxaad si sahal ah oo dhib la'aan u akhrineysaa dhigaalkaan aan meesha fog kasoo qoray si toos ah. Sidee sidaani ku suurtagashay? Awoowayaasheen isgaarsiinta ugu dheereysa ee yiqiineyn waa wiil boostaale ah oo faras kula orda fariinta bulshadu isweydaareysaneyso. Kuwii ugu dheereeyayna waxay adeegsan jireen gaari, doon, ama diyaarad xilliyadii danbe. Haatan waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsaday isgaarsiin toos ah (direct communication).

Aadanuhu wuxuu hiigsanayaa horumarinta isgaarsiinta iyo fariimaha isgaarsiinta ey ku socdaan xawaaraha ileyska (speed of light) iyadoo qarsoon. Haddaba sidee aadanaha u helay awooddaan isgaarsiinta ee mucjisada ah? Waxoo dhan waxay kasoo bilaabmatay maskaxda hal qof, wiil qoys fakhri ah kasoo jeeday—kaas oo aan laga fileyn waxba, maadaama uu ku dhashay kuna soo koray fakhri. Hadduusan wiilkaan yari jiri laheyn, waxaa laga yaabi lahaa dunida aan naqaan ineysan maanta jiri laheyn. Si kastaba ha ahaatee, aqoonta uu wiilkaan kusoo kordhiyay caalamka waxaa soo bandhigi lahaa dad kale, horay ama gadaal. Balse, haddii Michael Faraday uusan jiri laheyn, waxaa laga yaabi lahaa inaan u noolaan laheyn sidii ey awoowayadeen u noolaayeen xagga isgaarsiinta gaar ahaan, annagoon garaneyn iney jirto awoodda qarsoon ee sugaysa inaan amarno si ey noogu fududayso isgaarsiinta iyo howlaha kale ee ku adaga awoodda xadiddan ee aadanaha.

Dhigaalkaan waxaan ku falanqeenayaa sida aadanaha usoo saaray awoodda qarsoon ee wax walba inoo fududaysay, waa awoodda danabka e. Si ahaan, waxay arrinkaan kasoo bilaabmatay saynisyahankii ugu hanadsanaa ee abid dunida soo maray, Isaac Newton. Newton, wuxuu ahaa saynisyahankii ugu horreeyay ee hindisay qaanuunka cuf-isjiidadka (the law gravity). Wuxuu sharraxay sida qoraxda ey iyadoon jir ahaan ku xirneyn meereeyaasha ku meerta sida dhulka, kana fog malaayiin mayl, haddana u awoodday iney u wareejiso dhankey u wareegeyso.

22kii bishii Karan (Sebtembar) ee sanadkii 1791kii, ayaa waxaa duleedka magaalada London gaar ahaan xaafadaha fakhriga iyo dacda ku dhashay saynisyahanka weyn Michael Faraday ee hindisay korontada. Michael wuxuu ka dhashay qoys kamid ah qoysaska ugu fakhrisanaa waddanka Ingiriiska. Michael waxbarashada wuu ku liitay, maadaama uusan kasoo jeedin qoys waxbartay oo ka caawin kara aqoonta. Maalin maalmaha kamid ah, Michael oo jooga fasalka ayaa macalimaddiisa waxay weydiisay inuu ku dhowaaqo erayga ‘Rabbit’. Michael waa carab la’aa wuxuuna ugu dhawaaqay sidatan; ‘wabbit’ ilmihii fasalka ayaa ku wada qoslay, macalimaddiina wey ku xanaaqaday iyadoo u qaadatay in Michael ku kajimayo. Macalimadda iyadoo carreysan ayey waxay ku tiri, dabcan waad taqaan magacaaga, annigana waan ku baray sida loogu dhowaaqo xarafka ‘R’ ii sheeg magacaaga. Michael wuxuu ku jawaabay magacaygu waa Michael Fawaday, caruurtii baa ku qososhay, macalimaddiina wey xanaaqday, Michael walaashiis oo fasalka la dhigatay ayey ku amartay iney usoo iibiso ul ey ku edbiso wiilka walaalkeed ah ee edebta darran. Michael walaashiis waxay aheyd inan caqli badan, ul ma eysan usoo iibinee gurigooda ayey tagtay—waxayna hooyadeed u sheegtay in Michael lagu garaacayo carab li’iddiisa. Michael hooyadii oo ordaysa ayaa uskuulka timid, waxayna soo kaxaysatay wiilkeeda, maalintaas ayaana Michael uskuul ugu danbeysay. Michael wuxuu xaalkiisa sidaas ahaadaba, markuu 13 jirsaday wuxuu shaqo ka helay maktabad buugaagta lagu daabaco. Maaliintii buugta ayuu daabici jiray, habeenkiina wuu akhrin jiray inta faynuus ama shumaca la hoos tago. Waxay aheyd bilowga caashaqa uu u qaaday ka sal gaaridda danabka.

Michael wuxuu xaalkiisa sidaas ahaadaba, markuu 21 jirsaday ayaa rag ey saaxiibo yihiin waxay siiyeen tigidh uu ku galo bandhig saynis todobaad walba London ka dhaca. Bandhigga waxaa wada saynisyahanno waa weyn oo xilligaas caan ahaa, waxaana kamid ahaa saynisyahan Sir Humphry Davy, waxayna kusoo bandhigaan hindisayaashooda saynis ee ugu danbeeyay. Humphry wuxuu ahaa saynisyahankii ugu horreeyay ee helay maadada calcium iyo sodium. Michael wuxuu ahaa dadkii nasiibka u yeeshay iney soo xaadiraan bandhigyada Humphry. Markey dadku ku mashquulsanaayeen u sacbinta Humphry, Michael wuxuu ku mashquulsanaa inuu qorto macluumaadka uusoo gudbinayay saynisyahan Humphry. Michael, macluumaadkii uu ka uruuriyay muxaadarooyinkii saynisyahan Sir Humphry ayuu buug isugu geeyay, deedna wuu daabacay. Wuxuuna go’aansaday inuu hadiyad ahaan ugu gudbiyo saynisyahanka, isagoo rajaynaya inuu soo jiito dareenka saynisyahan Sir Humphry. Arrinkaan waxay aheyd wado dheer, sababtoo ah saynisyahan Humphry waxaa loosoo diri jiray kumanaan waraaqo iyo farriimo iskugu jira todobaad walba, Michael fursaddiisa wey yareyd.

La soco qeybta xigta…

Fadlan la wadaag asxaabtaada #SHARE

Qalinkii: Abdiaziz Arab




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip