CIYAARTOYDA DEGMADA WAABERI OO GUUL KU AFLAXDAY FURITAANKA TARTANKA DEGMOOYINKA G.BANAADIR (SAWIRRO)

0
Saturday August 25, 2018 - 09:40:21 in Wararka by
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CIYAARTOYDA DEGMADA WAABERI OO GUUL KU AFLAXDAY FURITAANKA TARTANKA DEGMOOYINKA G.BANAADIR (SAWIRRO)

    Garoonka kubadda cagta ee Banaadir Stadium ayaa Shalay Galab waxaa si rasmi ah uga furmay Tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoonka kubadda cagta ee Banaadir Stadium ayaa Shalay Galab waxaa si rasmi ah uga furmay Tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir.

Furitaanka tartankan ayaa waxaa Daahfurtay oo laad cajiib ah kubbada la haleeshay Wasiirad Khadiijo Maxamed Diiriye , waxaana ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

Ka hor inta aysan bilaaban ciyaarta ayaa waxa ay kooxaha iyo dadkii garoonka isugu yimid ay xusuusteen Allaha u naxariistee Axmed Cabdalla oo ka tiranaa xulka Qaranka Soomaaliya, kaasi oo dhawaan ku geeriyooday Turkiga.

  Ciyaartii ugu horeysay ayaa Shalay galab waxaa lagu daah furay degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynley, waxaana dhexmartay labada kooxood ciyaar aad u xiiso badneyd o ay uriyaaqeen daawadayaasha .

waxaayan Labada kooxdood  soo bandhigay ciyaar ay jecleysteen kumanaanka qof ee u soo daawasho tagay kulanka oo ay masuuliyiinta wasaaradda isbortiga iyo maamulka g.banaadir ka mid ahaayeen , iyadoo uu ahaa tartan aad loo sugayey kaasoo daawadayaashu ugu  kala yimideen  degmooyinka gobolka Banaadir iyo hareerihiisa .

    Ciyaarta oo qeybteedii hore lagu kala nastay 0-0 ayaa waxaa markii dib la isugu soo laabtay laba gool oo deg deg ah la timid degmada Waaberi, waxaana goolasha u kala dhaliyay ciyaartoyda lagu kala magacaabo Saleymaan Siid watay Nombarka  3aad  iyo Saadaq  isagana sitay Nabarka Buxa ee 10.aad

    Degmada Waaberi Ciyaaryahannadoda ayaa waxaay  u aheyd  guushii ugu horeysay ee tartankan ay gaartay maadaam iyag lagu daahfuray guushan dhankooda ay soo martay ,  waxaan cayaaryahanada waaber ay yihiin kuwaa sanadkii hore hantay koobkii degmooyinka g. bnaadir waxaayan yihiin kuwa feejignaan dheeri ah ugu jiro in ay difaacadaan  tartankankaan  si aan looga qaadin koobka degmooyinka G.Banaadir  





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip