Somália oo ku biiray Kooxda al-Shabab

0
Friday August 24, 2018 - 23:53:42 in Wararka by
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somália oo ku biiray Kooxda al-Shabab

    Somália ayaa ku biiray kooxda al-Shabaab mana ahan sida laga yaabo inaad u qaadato, balse ciyaaryahan u dhashay dalka Brazil oo la yiraahdo Wergiton do Rosario Calmon, kuna magac dheer Somália ayaa haatan ka mid noqday naadiga kubbada c

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somália ayaa ku biiray kooxda al-Shabaab mana ahan sida laga yaabo inaad u qaadato, balse ciyaaryahan u dhashay dalka Brazil oo la yiraahdo Wergiton do Rosario Calmon, kuna magac dheer Somália ayaa haatan ka mid noqday naadiga kubbada cagta ee al-Shabab oo ka dhisan Boqortoyada Sacudi Carabiya.

Ciyaaryahankan la magac baxay Somália ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay waxa uu u ciyaarayay naadiga Toulouse FC ee ka dhisan dalka Faransiiska.Hase yeeshee ciyaaryahankan 29 sano jirka ah ayaa heshiis la saxiixday naadiga Al-Shabab FC.

Magaca al-Shabab oo ah luqad Carabi ah ayaa la micno ah dhalinyaro, waxana ka jira dalka Soomaaliya urur la magac baxay Al-Shabaab kaasoo dagaal kula jira dowlada Soomaaliya.

Naadiga Toulouse FC ayaa xaqiijisay inuu ka tegey ciyaaryahankooda Somalia ayna u mahadcelinayaan.



Ciyaaryahankan reer Brazil ee ku magac dheer Somalia ayaa ku sii jeeda haatan magaalada Riyad oo ay kooxda al-Shabaab ka dhisan tahay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip