WAX KA BARRO MOOSKAAGA!!!.

0
Friday August 24, 2018 - 23:18:55 in Wararka by
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAX KA BARRO MOOSKAAGA!!!.

    Waqti ayuu ahaa mooska ugu wanaagsan aduunka oo dhan uuna No.1 ka noqday macaankiisa iyo wax tarkiisa. Si loo magac dilo waxaa Abuur kale laga keenay Laatiin America si loogu bedelo mooskii asalka ahaa, si suuqa loogula tartami karo, beera leydana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waqti ayuu ahaa mooska ugu wanaagsan aduunka oo dhan uuna No.1 ka noqday macaankiisa iyo wax tarkiisa. Si loo magac dilo waxaa Abuur kale laga keenay Laatiin America si loogu bedelo mooskii asalka ahaa, si suuqa loogula tartami karo, beera leydana waxaa la yiri kan oo kaliya ayaan idinka dhoofsaneynaa. halkaa waxaa ku dhumay mooskii asalka ahaa ee Soomaaliga, laakin kii cusbaa ee la keenay ayaa haddana ka macaaday kuwii hore hasa yeeshee aan kii asalka ahaa macaan ku dhameeyn. Welina suuqa hogaaminayay. Talyaaniga ayaa abuurka mooska horuumariyay 1920kii.

Waxaa jiray heshiis wadamada reer yurub ay dhaxdooda ganacsiga ku kala qaybsadeen, Tusaale Mooska Soomaalida waxaa loo iib geynkaray Talyaaniga oo kaliya, toos uma gey kartid wadamada kale ee reer yurub, Talyaaniga ayaa dib u sii geeynaya oo qiima sare ku siisanaya, haddiise adigu aad tiraa anaa raqiis idinku siinayo kaama yeelayaan, waxa ay ku leeyihiin Talyaaniga u geey annagaa ka sii gadaneynee, waxa ay dhowrayaan heshiiska reer yurub dhaxdooda ah.

Moosku waxa uu ka mid ahaa meelaha Dakhliga ugu badani naga soo galo, laakin maanta maya. Galip Yilmac –oo ah khabiir Turkey ah ayaa 2015 kii yiri: haddii si dhab ah loo maalgaliyo kaluunka iyo beeraha Soomaalida, Afrika oo dhan ayeey quudin kartaan. horaa loo yiri: Haddii wadamada carabtu si dhab ah u maalgaliyaan Sudan iyo Soomaalia, uma baahanayaan cunto dibadda looga keeno wadamada Carabtu. Sannadkii 2014 ayaa FAO soo bandhigtay in Mooska Soomaalida looga baahanyahay Bariga dhexe, wadama kale oo Iran & Turkigu ka mid yihiina ay daneynayaa.

Annigu qof ahaan, waxaan iisoo baxday in Labada shabeele ay quudin karaan wadamada Afrikada Barrio o dhan. Mooskaagu waxaa uu ahaa Asataan ku qoran Lacagtaada, Polada, Mooska waad cuntaa oo kaliya ee ma taqaan wax yaabaha kale ee laga sameeyo, sida Dharka , daawada, Sufiitada, qalabka xafiisyada IWM, waa barwaaqo kuu gaar ah oo dhakhli badan leh, dad fara bandanna shaqo loogu abuuri karo waqtigan. Fiiri Sawirada 1-41.

F G: Mooska hadda la isticmaalo waa kii Abuurkiisa dibadda laga keenay, kii asalka ahaa wax yar oo dadka beeraleyda ah qaarkood ay quutaan, ma ogi asagiina sannadahan dambe halka uu ku dambeeyay.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip