WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 23-KA AGOOSTO 2018-KA

0
Thursday August 23, 2018 - 09:39:53 in Featured by
  • Visits: 1099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 23-KA AGOOSTO 2018-KA

    SOOMAALI KU GEERIYOOTAY XAJKA Laba Xujeyda Soomaaliyeed ka mid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay, markii shalay isbuurasho ka dhacday Mina, oo qiyaastii 5KM u jirta magaalada barakaysan ee Makka. Xujeyda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SOOMAALI KU GEERIYOOTAY XAJKA Laba Xujeyda Soomaaliyeed ka mid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay, markii shalay isbuurasho ka dhacday Mina, oo qiyaastii 5KM u jirta magaalada barakaysan ee Makka. Xujeydan geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xaaji Axmed Maxamed Saalax oo ku geeriyooday Buurta Carafa iyo Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale oo ku geeriyooday Mina.

Saraakiisha Sacuudiga, ayaa sheegay in Laba qof oo Soomaali ah geeriyootay, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka, geeridooduna ay ka dhalatay isbuurasho ka dhacday Mina.

 



 

 

xx

Fahad Abuu Daalib Agaasimaha Waaxda Adeegga Dadweynaha ee Xajka ayaa sheegay in Meydadka Xujeyda dhintay ay ku jiri doonaan Firinjeerka ilaa uu ka dhamaano Xajka.

Martida illaahay ee gudanaysa Xajka ayaa ku guda jira Jamraadka, maalmo ayaana uga harsan dhameystirka Acmaasha Xajka.

SUUQA BAKAARAHA OO LAGU DILAY WIIL DHALINYARO AHAA

basSida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi shalay lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa.

Dilkan oo ka dhacay meel aan ka fogeyn isgoyska Bakaaraha ayaa waxaa loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo ka mid ahaa dadka rara baabuurta ka baxda Suuqa Bakaaraha ee aada degmada Kaxda.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay inoo sheegeen dilka kadib inay goobta ka baxsadeen dableyda dilka geysatay kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Somaliya.

Waxaa la sheegay marka uu dilka dhacayay in isgoyska Bakaaraha ay ku sugnaayeen ciidan dowladeed, kuwaasi oo aanan si deg deg ah uga jawaabin dilkan.

QEYBO KA MID AH DEEGAANNADA GALMUDUG OO SHALAY AY U TAHAY MAALINTII KOOWAAD EE CIIDULAXDA

Wararka naga soo gaaray degmooyinka DhuusaMareeb iyo GuriCeel ayaa sheegaya in shalay ay u tahay maalintii koowaad ee CiidulAxda oo siweyn looga dabaaldegay guud ahaanba dunida muslimka maalintii daraad.

Wariye ku sugan degmada DhuusaMareeb ee gobolka Galguduud oo la hadlay Hiiraan Online laakiin magaciisa codsaday in aan la shaacin ayaa sheegay in qeybo badan oo ka mid ah deegaannada uu ka arimiyo maamulka Galmudug aan laga ciidin maalintii daraad, hasse ahaatee shalay oo Arbaco ah leysugu soo baxay Masaajidda waaweyn si loogu Ooga Salaada Ciidda.

Wariyaha ayaa intaa ku daray in ay jiraan qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaannada Galmudug oo hoos ula ciiday maalintii daraad qeybaha kale ee dalka, iyaga oo dhinaca kalana ka cabsi qaba maamulka ka jira deegaanka oo daraad ay u aheyd maalinta Sagaalaad bisha Carrafo.

Masaajidada ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ayaa shalayy laga maqlayay Takbiirta, iyadoo lagu dukaday salaada Ciida, waxaana dadka tukashada Salaada kala qeybgalay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Deegaannada gobollada dhexe gaar ahaa gobolka Galguduud ma’aha wax cusub in ay ku qilaafaan dalka intiisa kale munaasabadaha waaweyn ee Ciidda, iyaga cuskanaya kaliya in lagu go’aan qaadan karo aragtida bisha.

RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO LA CIIDAY QAAR KAMID AH BULSHADA KU NOOL MUQDISHO ..

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo shalay kormeer ku tegay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, ayaa la ciiday qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa tegay goobo ay bulshada ku kulanto oo ku yaalla xaafadaha ku xeeran waddooyinka Sodonka iyo Wadnaha.

Ra’iisulwasaaraha ayaa kulamo xogwareysi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka dhageystay talooyinkooda, isla markaasna u sharraxay qorsheyaasha dowladda ee dib u soo noolaynta kaabayaasha aasaasiga u ah dowladnimada.

Ujeedka kormeerka ra’iisul wasaaraha XFS, ayaa ahaa in uu si dhow ula socdo tabashooyinka shacabka, si loogu saleeyo waxqabadka hay’adaha dowladda, laguna dabbaqo nidaamka isla xisaabtanka.

QARAX XOOGAN OO KA DHACAY DULEEDKA MUQDISHO

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Jaamacaddii hore ee Lafoole iyo Buundada Carbiska, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

Waxaana la sheegay in qaraxaasi lala eegtay Gaari uu watay mid ka mid ah dadka deegaanka, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Shacbaan.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka tirsan yahay Ciidamada dowladda federaalka Somalia.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu soo warramayaa in ay halkaasi gaareen, kadibna baaritaano kooban ay sameeyeen.

Balse ma jirto illaa iyo hadda wax faah faahin oo ay laamaha ammaanku ka bixyeen qaraxaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa qaraxyo ka fuliya waddada dheer ee isku xirta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo M/ Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

GAADIIDLAYDA KENYA OO SHAQO JOOJIN KU DHAWAAQAY

Darawalada Gaadiidlayda ee magaalada Nairobi ayaa lagu soo waramayaa in ay shaqo joojin ku dhawaaqeen,kadib markii ay sheegeen in ay saameyn ku yeelatay canshuur dheeraad ah oo la saarayo iibka Shidaalka dalkasi.

Gaadiid leyda ayaa waxaa ay sheegeen in shaqo joojin ay sameeyeen iyago cabsasho ka muujinaya aarintaasi qiimaha canshuurta shidaalka oo sare loo qaaday,sidaasina waxaa laga soo xigtay Ururka ay ku midaysan yihiin milkiilayaasha gaadiidka.

Ujeedka laga leyahay arrintan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid sare loogu qaadayo kobaha dhinaca dhaqaalaha dalkaasi,maadaama dowladaha dhaqaalohooda inta badan uu ku tiirsan yahay canshuurta laga qaado muwaadiniinta dalka uu leeyahay.

Peter Murima oo ah Gudoomiya gaadiidleeyda dalka kenya ayaa sheegaya in isbedlkan uu sameyn doono guud ahaan qiimaha noolasha reer Kenya,waxaana Markii uu dhaqan galo sharciga canshuurta gaadiidleeyda ku dhaqan magaalada Nairobi ay halkii litre ee shidaal ah ku iibsadaan doona hal doolar iyo bar,

Dalka Kenya waxaa la jooga waqti aad u mashquul badan gaar ahaan Nairobi, waaxana ay saameyn weyn arrintaan ku yeelan doontaa boqolaal qof oo u kala goosha goobo kala duwan oo ka tirsan caasimadda,waxaana canshuurta la kordhiyay 16% boqolkiiba.

Arrintabi ayaa waxaa walaac ka muujinayaa dadka shacabka ah,kuwaasi oo u kala safra meel fog fog oo dalkaasi kamid ah.

Sida ay baahinayaan warbaahinta Dalka Kenya iyo kuwa caalamka, laamaha ammaanka ayaa wada howlgalo looga hortagayo suuragalnimada banaanbxyo dadka ay dhigayaan,si ay u muujiyaan dareenkoodui arrimahaasi ku aadan.

MUSTAFE CAGJAR OO LOO DOORTAY MADAXWEYNAHA DDSI

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) loo doortay madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya.

Golaha dhexe ee xisbiga dimoqradaadiga shacabka Soomaalida Itoobiya oo dhawaanahan kulan ku lahaa magaalada Addis ababa ayaa Mustafa Muxumed Cumar u doortay inuu noqdo madaxweynaha kumeel gaarka ah ee u yeelanayo maamulkaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaasna xilkaas loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed.

Axmed Cabdi Maxamed ayaa isna bartiisa Facebook soo dhigay Fiidiyow uu ku sheegayo in ay iyagu ka dambeeyeen in Mustafe Cagjar oo aan xubin ka ahayn xisbiga mar qura loo doorto labada xil ee kala ah ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga iyo sii hayaha jagada madaxweynaha DDSI.

TALIYIHII HORE CIIDANKA BADDA ADMIRAL MADEY SHEEKH NUUREY OO KU WAREEJIYAY XILKA ADMIRAL XASAN NUUR ..

Munaasabadan uu xilka ku Wareejinayay Taliyahii hore ee Ciidanka Ilaalada Badda Admiral Madey Sheekh Nuurey Ufurow Isla markaana uu ku wareejiyay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Ilaalada Badda Soomaliyeed Admiral Xasan Nuur oo ay goob ka ahaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Taliyihii hore ciidanka Badda Admiral Madey Sheekh Nuurey oo ku wareejiyay xilka Taliyaha Cusub ayaa Kula dar daarmay ciidanka iyo saraakiisha ciidanka Badda Soomaaliyeed in ay la shqeeyaan taliyaha cusub.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Ilaalada Badda Admiral Xasan Nuur ayaa sheegay in uu halka hadda ay marayaan howlaha taliska ciidanka ilaalada badada uu wax ku soo kordhin doono, isagoo uga mahadceliyay taliyihii hore kaalinta uu ka qaatay dib u dhiska ciidanka Badda.

Madaxa Hogaanka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Maxamed Maxamud Xasan Qafow ayaa ka hadlay muhiimada ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay u leeyihiin dalka, isago tilmaamay in ciidanka ilaalada badda ay u taalo howl culus loogana baahanyahay in ay ka soo dhalaalaan oo ay ka hortagaan kooxaha ka qowleysata baddeena.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinka waday dadaallo ay ku dhiseyso tayada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed si loo helo ciidan awood leh.

TRUMP OO KA XUMAADAY DAMBIGA LAGU HELAY MANAFORT

Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa ka niyad xun dambi lagu helay madaxii hore ee ololihiisii doorashada, Paul Manafort, kaas oo la kulmi kara xarig tobanaan sano gaaraya. "Waa wax laga murugoodo waxa dhacay" ayaa Trump uu warbaahinta u sheegay mar uu joogay gagi dayuuradeed oo ku taalla magaalada Charleston ee gobolka West Virginia. Trump ayaa intaas ku daray inuu ka xumaaday arrinta Manafort oo xeerbeegti ay ku heshay siddeed dambe oo la xiriira wax isdaba marin.

Xeerbeegti ku sugan magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ayaa afar maalmood u fadhiyey eegista eedaha, iyaga oo go’aan mideysan aan ka qaaday 10 eedaymood oo kale, iyada oo garsoorihii maxkamadduna uu sheegay in la sii wadaynin maaddaama go’aan mideysan ayna xeerbeegtu ka gaarin.

Xigasho/VOA

DIL KA DHACAY HALKA LOO YAQAAN BEERTA JAADKA

Labo ruux ayaa dhimatay halka mid kalana uu dhaawacmay halka loo yaqaan Beerta Jaadka, kadib markii uu dadkaa rasaas huwiyay nin hubeysan.

Dadka dhimashada iyo dhaawacu soo gaaray ayaa la sheegay in ay ahaayeen ganacsato qaad ku iibnayay Suuqa beerta Jaadka ee degmada Hodan, shaqaaqadan ayaa timi ka gadaal markii nin bastoolad ku hubeysnaa oo isku dayay inuu xoog ku qaato qaadkii la iibinayay, isqabqabsi kadibna rasaas ayuu furay.

Dadka Suuqa ku sugnaa xilliga ay wax dhacayeen oo la hadlay KNN ayaa sheegay in ruuxii dilka iyo dhaawaca geystay uu isaga baxsaday halkii ay wax ka dhaceen

DUQEYN SHABAAB LALA BEEGSADAY JUBADA HOOSE

Taliska ciidammada Mareykanka Africa ee "AFRICOM’’ war kooban oo kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada mareykanka oo kaashanaya kuwa soomaali ah ay duqeyn ka fuliyeen daraad galinkii dambe meel 46KM waqooyi bari ka xigta magaalada kismaayo, duqeynta ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal ka tirsan AlShabaab.

Talisku waxa uu sheegay in weerarka ay ku dileen 2 dagaalame oo ka tirsan AlShabaab,isla mar ahaantaasina aysan jirin khasaaro soo gaaray dadka rayidka ah ee ka agdhaw goobaha lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaasha AlShabaab.

"Ciidammada Mareykanka oo gacan ka helaya kuwa Dowladda Soomaaliya waxaa ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan AlShabaab oo meel qiyaastii 46KM waqooyi Bari u jirta magaalada kismaayo,waxaana kaga dilnay Alshabaab 2 Argagixiso’’. Ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka Africa ee loo soo gaabiyo (AFRICOM).

Hore mareykanka waxaa uu u sheegay in ay xoojinayaan sidii dowladda Soomaaliya ay uga taageerilaheed la dagaalanka kooxa ka dagaalama Soomaaliya sida AlShabaab iyo Ururka Daacish qeybtooda Soomaaliya.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SOOMAALILAND KU EEDEEYEY IN AY TAAGEERTO ALSHABAAB

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay ku soo duuleen cadaw isasoo baheystay oo uu sheegay in ay ka kooban yihiin Saddex nuuc.

Waxa uu sheegay in AllShabaab,Daacish ay taageero ka helayaan cadawga deriskooda ah,oo uu ku sheegay Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Puntland iyo Shacabkeeda ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan cidkasta oo ku soo duusahay.

DOWLADA SOOMAALIYA OO HESHIIS BOQOLAAL KUN OO DOLLAR KU KACAYA LA SAXIIXATAY SHIRKAD MARAYKAN AH

Dowlada Soomaaliya ayaa la saxiixatay heshiis ku kacaya inta sanadkan ka dhiman ($400,000) shirkad Maraykan ah taasoo ka caawineysa dowlada Soomaaliya sidii uu maamulka Trump uga qaadi lahaa xayiraada uu saaray ciidamada Soomaaliya iyo weliba xayiraada saaran Soomaalida inay u safraan dalka Maraykanka.

Heshiiskan ayaa waxaa horaantii bishan u saxiixay dowlada Soomaaliya safiirka u fadhiya Qaramada Midoobay Abukar Osman halka shirkadda Sonoran Policy Group (SPG) ay u saxiixday Christian Bourge oo ah Agaasimaha Guud ee Shirkadda u ololonaysa dowlada Soomaaliya oo fadhigeedu yahay gobolka Arizona.

Shirkadda SPG ayaa hore waxa ay ugu ololeysay dowlada Kenya waxaana ku jira mas’uuliyiin xilal ka haya Maamulka Trump.

Si gaar ah ayay shirkadan waxa ay u diyaarinaysaa kulamo ay la yeelato madaxda Aqalka Cad iyo xildhibaanada taasoo ujeedkeedu uu yahay sidii qeyb ahaan loo joojin lahaa xayiraada saaran ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Arrimo la xiriira musuqmaasuq ee ka dhex jira dowlada Soomaaliya ayay dowlada Maraykanku u hakisay sanadkii la soo dhaafay gargaar isugu jira cunto iyo shidaal oo ay siin jirtey ciidamada Soomaaliya.

Heshiiska ay la gashay dowlada Soomaaliya shirkadan fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa waxaa ka mid ah sidii ay ugu ololeyn lahayd in loo fasaxo muwaadiniinta Soomaaliyeed inay u safraan dalka Maraykanka iyadoo hore Maamulka Trump xayiraad ugu soo rogay wadamo Islaam ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay iyo weliba wadamada Waqooyiga Kuuriya iyo Venezuela.

Sidoo kale SPG ayaa waxa ay fududeyn doontaa booqasho uu mustaqbalka ku tago dalka Maraykanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed sida uu heshiisku dhigayo.

Heshiiska oo bil walba dowlada Soomaaliya siin doonto SPG boqol kun oo Dollar afarta bil ee soo socota ayaa qorshuhu yahay in shirkadan ay ka caawiso dowlada Soomaaliya sidii loo wanaajin lahaa muuqaalka guud ee laga haysto dalka Soomaaliya.

Qorshaha ayaa ah in heshiiska la cusbooneysiiyo marka uu dhamaado sanadka iyadoo shirkadu u howgali doonto sidii deymaha lagu leeyahay dowlada Soomaaliya loo cafin lahaa isla markaana ay lacag u siin lahaa Bangiga Adduunka.

ALSHABAAB OO DHOOLUTUS KU SAMEEYAY DEGMADA JILIB IYAGOO XIRAN TUUTAHA MILATARIGA

`Baraha bulshada ayaa waxaa lagu faafiyay sawirro la sheegay in laga soo qaaday dagaalyahanno ka tirsan AlShabaab oo ciiddii daraad ku soo bandhigay magaalooyinka Jilib iyo Saakoow askartooda oo ku labisan tuutaha milateriga Soomaaliya, iyo gawaari dagaal oo leh astaanta ciidanka milateriga dowladda federaalka.

Tuutayaasha sawirka ka muuqday waxay ahaayeen dareeskii milateriga ee ay dawladdu siisay guutada 14ka Oktoobar oo ah guuto la sameeyey wixii ka dambeeyey qaraxii Soobbe ee sannadkii hore, oo ay ku dhinteen dad ka badan 500 oo qof.

Waxay kaloo Al Shabaab soo bandhigeen gaadiid leh astaamaha gawaarida milateriga ee dawladda Soomaaliya.

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka tirsanaa milaterigii hore ee Soomaaliya wuxuu rumaysan yahay in agabka milateriga sida dareeska iyo hubka ay Al Shabaab laba siyaabood ku helaan.

1 Iyadoo aan ciidamada dawladda Soomaaliya la siinin mushaar joogto ah, ayna leeyihiin carruur iyo xaasas, sidaa darteedna ay duruufta nolosha ee ku xeeran ku khasbayso inuu askarigu reerkiisa u helo nolol, oo uu –suuqa geeyo wixii uu hayo.

2 In Shabaab ay ka furtaan darees iyo hub ciidanka dawladda.

Isagoo arrintaas sii adkaynaya ayuu yiri "ka furashadu laba iyo seddex kaliya ma ah ee guutooyin dhan ayey wax ka qaadanayaan. Marka la tababarayo waxaa la yiraahdaa ‘ dharkiinii iyo kabihiinii iyo qalabkiinii cadawga ayaa haysta ee ka doonta’ waana ka doonteen, waana helaan oo waa kuwaas aad sheegayso”. Xigasho;BBC

HEESAAGA SIYAASIGA ISU BADDALAY EE LAF DHUUN GASHAY KU NOQDAY MADAXWEYNE MUSEVENI

BOBI WINE, XILDHIBAANKA ISKU TAAGAY MADAXWEYNE YUWERI MUSEVENI

"Marka ay hogaamiyeyaasheenna noqdaan habaabiyeyaal kuwana hagi jirayna ay jidka naga lumiyaan. Marka ay xorriyadda hadalka noqoto wax la isku bartilmaameedsado, mucaaradnimadu waxay noqoneysaa doorkeenna."

Erayadaas oo ka mid ah heesta lagu magacaabo Situka, oo micneheedu yahay "Kaca" marki laga soo fasiro luuqadda Luganda, waxaa ku luuqeeyay fannaanka reer Uganda ee siyaasiga isku baddalay ee lagu magacaabo Bobi Wine wuxuuna qaaday markii ay soo dhaweyd doorashadii 2016ka.

Ka gudub Youtube daabacaad W.Q Mukiibi Williams

Fannaanka qaada heesaha loo yaqaanno Afrobeats ahna jilaa filimada sameeya ayaa heestaas u adeegsanayay in uu dadka reer Uganda ku guubaabiyo sidii ay door uga qaadan lahaayeen la dagaallanka musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada ka jirta dalkooda.

Waqtigaas in badan oo ka mid ah fannaaniinta ugu caansan waddankaas waxay taageersanaayeen dib u soo doorashada madaxweyne Yoweri Museveni balse Wine wuu diiday in uu arrintaas ku qanco.

Haddaba Xilligaas ayay ahayd markii ay dadka qaar tuhmeen in Wine uu doonayay sidii uu door uga ciyaari lahaa siyaasadda.

WAA KUMA BOBI WINE?

Xiddigaan heesaha Afrobeatska, oo waayihiisa fanka soo billaabay horraantii sannadihii 2000 waxa uu mar kasta howshiisa ku qeexi jiray mid isugu jirta wax barasho iyo madadaalo isku mar ah. Mid ka mid ah heesihiisii caan baxay ee ugu horreeyay, oo lagu magacaabo Kadingo waxay ku saabsaneyd nadaafadda shaqsiga.

Wine oo magaciisa rasmiga ah uu yahay Robert Kyagulanyi Ssentamu, waxaa loo doortay xubin ka tirsan baarlamaanka ka dib markii uu si madax bannaan ugu soo istaagay doorasho ku celis ah oo dhacday sannadkii lasoo dhaafay, waxaana doorashadaas lagu qabtay degmada bariga Kyadondo ee bartamaha Uganda.

Wuxuu ka guuleystay murashaxiin ka kala socotay xisbiga talada haya ee NRM iyo xisbiga ugu weyn mucaaradka ee FDC.

Ninka sida iskiis ah igu dhawaaqay inuu yahay "madaxweyne xaafadeedka" ayaa guushiisa ka dib u sheegay BBCda in uu matalayay jiil cusub: "Waxaan doonayaa inaan u istaago arrimo. Waxaan halkaan u joogaa inaan dhallinyarada siiyo kalsooni," ayuu yiri.

Magaciisa ayaa si weyn u sii shaac baxay ka dib markii uu sii amba qaaday fankiisa, iyadoo ay jirto dhaqaale xumo baahsan iyo saboolnimo hareysay degmada uu ka soo jeedo ee Kamwokya oo ku taalla bartamaha Kampala ahna meesha uu ku soo barbaaray, waxaa sidaas yiri wariyaha BBCda ee lagu magacaabo Patience Atuhaire.

CANSHUURTA BARAHA XIRIIRKA BULSHADA

Bishii July, Wine waxa uu gacmaha qabsaday dadka u dooda xuquudq aadanaha waxaana ay dibad baxyo ka sameeyeen waddooyinka caasimadda Kampala iyagoo ka mudaharaadaya canshuuro ay dowladda ku kordhisay isticmaalka baraha xiriirka bulshada, taasoo ay xukuumadda uga gol lahayd in sare loogu qaado dhaqaalaha u soo xarooda iyo in meesha laga saaro waxa uu madaxwyne Museveni ugu yeeray "xaad dhaaf" ka jiray WhatsApp, Facebook iyo Twitter.

Dadka dhaleeceeyay tallaabadaas waxay sheegeen in lacagta 200 ee shilinka Uganda ah[$0.05, £0.04] oo canshuurta maalinlaha laga dhigay ay ujeeddadeeda ahayd in la caburiyo codadka dadka ka soo hor jeeda maamulka talada haya.

Dowladda ayaa markaas dib u guratay oo sheegtay in ay mar kale ka fiirsan doonto canshuurtaas.

Wine waxa uu sidoo kale hogaaminayay dhaleeceyntii looga soo hor jeeday isku dayga uu xisbiga NRM ku doonayay in meesha laga saaro qodobka uu dastuurka ku xaddidayo da'da murashaxiinta xilka madaxwynaha in ay noqoto 75 sano.

Wuxuu ka mid ahaa xildhibaanno fara badan oo dood xoog leh oo ka dhan ah arrintaas ka waday aqalka baarlamaanka.

Waxaa la gaaray heer uu gacan qaad ka dhoco xarunta baarlamaanka intii ay doodahaas socdeen.

Hase ahaatee xildhibaannada ka soo jeeda xisbiga talada haya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay hindise sharciyeedka kordhinaya da'da musharaxiinta waxayna taas suurta gelisay in Mr Museveni oo 74 jir ah xukunkana hayay tan iyo sannadkii 1986kii uu markii lixaad u soo istaagi karo doorashada madaxweyne ee sannadka 2021ka.

"Wuxuu waayay xiriirkii uu la lahaa dadka [iyo] qiimihii uu u taagnaa. Wuxuu markii hore u yimid in isbaddal lagu sameeyo waxyaabaha aasaasiga ah laakiin hadda wuxuu u taaganyahay is baddal la'aan," Wine ayaa sidaas ku yiri BBCda.

TAAGEERADA DHALLINYARADA

Nicholas Sengoba oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in doorashadii ku celiska ahayd ee Arbacadii ka dhacday magaalada Waqooyigagalbeed ee Arua oo uu ku guuleystay nin uu taageersanaa Wine ay ahayd "Mid aad muhiim ugu ahayd Musevei in uu helana uu ku qasbanaa".

Khubarada kale ee ku xeel dheer siyaasadda, una dhuun daloola arrimaha ka socda Uganda ayaa sheegay in fannaankan siyaasiga isku baddalay uu garab buuxa ka heysto dhallinyarada oo la dhacdan fikirkiisa.

Dadka dhaleeceeya Bobi Wine ayaa ku eedeeyay in uu diirada saaray sidii uu dadka u abaabuli lahaa halkii uu shuruuc u horkeeni lahaa baarlamaanka

Hogaamiyaha mudadada dheer soo ahaa mucaaradka dalkaas ee Kizza Besigye ayaa marar badan xabsiga loo taxaabay, balse Bobi Wine waligiis lama xirin.

Waxaa la isku raacsanyahay in marka laga soo tago fannaan ahaan uu doorkiisa ku aaddan jilista filimada ku hantay taageerada shacabka u badan dhallinyarada. 

BOGGA CAYAARAHA

MAXAA KA JIRA IN REAL MADRID AY ISKU DAYDAY SAXIIXA MOHAMED SALAH SUUQA XAGGAAGAN?

Real Madrid ayaa si wayn loola xiriiriyay inay u dhaqaaqayso soo xerogalinta weerar yahanka Liverpool ee Mohamed Salah.

Wargayska El País ee dalka Spain ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid ay si dhab ah ugu dhaqaaqday soo xerogalinta Mohamed Salah iyo Harry Kane kadib markii uu ka tagay Cristiano Ronaldo.

Laakiin Mohamed Salah ayaa iska dhago tiray xiriirka kooxda Real Madrid oo dhamaadka xiliciyaareedkii hore ka qaaday koobka horyaalada yurub.

Taas badalkeeda Salah ayaa niyad jabiyay Real Madrid, wuxuuna heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa Liverpool.

Dhanka kale, Tottenham ayaa diiday inay wadahadal la furto Real Madrid kaas oo ku aadan saxiixa Harry Kane.

Dooqa kaliya ee Real Madrid ay haatan u haysato inay ka dhigto badalka Ronaldo ayaa ah kubadd abuuraha Chelsea ee Eden Hazard.

LAACIBKA REER BRAZIL WILLIAN OO SI WEYN U AMAANAY SAXIIXYADA CUSUB EE KOOXDA CHELSEA JORGINHO IYO MATEO KOVACIC, KADIB IMAATINKOODA GAROONKA STAMFORD BRIDGE.

Laacibka reer Brazil Willian Borges ayaa wuxuu arkaa in laacibka cusub Blues ee khadka dhexe Jorginho iyo sidoo kale xidiga reer Croatia ee Mateo Kovačić inay yihiin kuwa ugu fiican tababarka kooxda tan iyo markii ay yimaadeen ilaa iyo haatan.

Willian Borges ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada rasmiga ah ee kooxda Blues ayaa wuxuu ku sheegay: "Qof walba si fiican ayay u shaqeeneysaa, laakiin waxaan dhihi karaa Jorginho iyo Kovačić waxay sameenayaan tababar aad u wanaagsan, labaduba waxay tayo badan u keeni karaan kooxda”.

Wakiilka laacibka reer Talyaani isla markaana asal ahaan kasoo jeeda dalka Brazil ee Jorginho ayaa dhawaan isna sheegay in laacibka uu duurbaba la qabsaday kooxda Chelsea wuxuuna yidhi: "Wuxuu durbaba kula bilaawday kooxda Chelea si fiican”.

Wakiilka Jorginho ayaa wuxuu hadalkiisa isna kusoo xidhay: "Wuxuu si dhaqso ah ula qabsaday kooxda, waxaase intaas sii dheer wuxuu ku hadli karaa luqada Ingriiska, taasoo si weyn u caawisay, sidaas darteed wax dhibaato ah kuma qabo xasilloonidiisa”.

Waxaa xusid mudan sidoo kale in macalinka kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri uu ku adkeestay in xidiga khadka dhexe ee Jorginho uu ku adkeestay inuu kala soo saxiixdo kooxda Napoli, halka sidoo kale Mateo Kovačić uu isna qaab amaah ah ee hal xili ciyaareed uu kaga soo dhaqaaqay Real Madrid suuqan xagaaga.

KAKA OO U SHARAXAY IN LABA LAACIB MIDKOOD UU KU GUULEYSAN KARO ABAAL MARINTA BALLON D’OR, ISAGOO ISK INDHO TIRAY CRISTIANO RONALDO

Halyayga xulka qaranka Brazil sidoo kale kooxaha AC Milan iyo Real Madrid Ricardo Kaká ayaa wuxuu daaha ka rogay, musharaxiinta ku guuleysan karta abaal marinta xiisaha badan laacibka aduunka ugu fiican ee Ballon d’Or.

Ricardo Kaká ayaa wareysi uu dhawaan ku bixiyay shabakada "La Gazzetta dello Sport” ee dalka Talyaaniga wuxuu kaga hadlay abaal marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or wuxuuna sheegay in xidigaha Luka Modric iyo Kylian Mbappé ay yihiin kuwa ugu cad cad ee ku guuleysan karta Ballon d’Or.

Kaká ayaa wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay: "Modric wuxuu heystaa natiijooyin wanaagsan, wuxuu kusoo guuleestay tartanka Champions League, wuxuuna gaaray finalka Koobka Adduunka, Kylian Mbappé waa ciyaaryahan xoogan wuxuu leeyahay mustaqbal aad u wanaagsan, wuxuu ku guuleysan karaa abaal marintan”.

Laacibka reer Brazil ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay ku biirista Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus wuxuuna yidhi: "Waa arin aad u wanaagsan inuu qeyb ka noqdo horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga, sababtoo ah wuxuu u sameyn doonaa daawadashayaal badan ee ah adoonka oo dhan, waxayna caawineysaa horyaalka Talyaaniga ee kaliya ma caawineyso imaarinkiisa kooxda Juventus”.

Ricardo Kaká ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: "Juventus uu qeyb ka yahay Cristiano Ronaldo, waxay ka dhigeysaa inay qeyb ka yihiin kooxaha ugu cad cad ee ku guuleysan kara tartanka Champions League, laakiin sidoo kale waxaa jira kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Paris Saint-Germain”.

MACALINKA BARCA EE OO XIISAYNAYA INUU ARKO SIDA AY REAL NOQON KARTO KADIB RONALDO IYO SABABTA

Maamulaha Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa waxa uu daboolka ka qaaday inuu aad u quudareenayo inuu arko sida ay Real Madrid noqon karto kadib bixitaanka Cristiano Ronaldo.

Kabtanka xulka qaranka kubadda cagta ee Portugal ayaa waxa uu ku biiray Juventus halkaasoo uu kasoo muuqan doono xagaagan cusub.

Valverde oo wareysi siiyay warbaahinta ku hadasha afka Barcelona ayaa waxa uu tibaaxay inuu sidoo kale eegayo sida ay Real Madrid uga fal-celiso helitaanka bedalka Ronaldo.

"Dadku waxay yihiin kuwa aad u eegaya waxa dhici doono [kadib bixitaanka Ronaldo],” ayuu yiri Valverde.

"Inaga waxaa kamid ah dadkaas, waxaana xiisaynayaa siday usaameyso kulamada Madrid,” ayuu raaciyay.

"Waxaan sidoo kale, eegayaa sida ay Real Madrid uga fal-celiso helitaanka bedalkiisa,” ayuu hadalkiisa kusoo koobay hogaamiyaha naadiga dalka Spain ka dhisan ee Barcelona, ninka lagu magacaabo Valverde.

Real Madrid ayaa waxa aysan wali helin bedalka Ronaldo, iyada oo ku raad-joogta ciyaaryahano kala duwan, kuwaasoo loo arko bedalka Joogdheeraha naadiga caasimada Spain ka dhisan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip