Sanchez Ma Dheeli Doonaa Kulanka Spurs? Waxa uu QISH Ku Bixiyey Instagram-kiisa

0
Wednesday August 22, 2018 - 09:47:24 in Wararka by
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanchez Ma Dheeli Doonaa Kulanka Spurs? Waxa uu QISH Ku Bixiyey Instagram-kiisa

    Alexis Sanchez waxa uu u muuqday mid mooraalkiisu aad u sarreeyo xilli uu dagaal ugu jiro in uu taam u ahaado kulanka Tottenham ee axadda. Laacibka Chile waxa uu ka maqnaa safka United kulankii ay guuldaradda 3-2 kala kulmeen Brighton, Mourinho wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alexis Sanchez waxa uu u muuqday mid mooraalkiisu aad u sarreeyo xilli uu dagaal ugu jiro in uu taam u ahaado kulanka Tottenham ee axadda. Laacibka Chile waxa uu ka maqnaa safka United kulankii ay guuldaradda 3-2 kala kulmeen Brighton, Mourinho waxa uu sheegay in uusan ogeyn heerka uu le'ekeed dhibaatadiisa.

"Runtii ma aqaan heerka dhaawac ee Sanchez,” ayuu yiri Portugal-ka guuldaraddii kaddib. "Aynu aragno waxa ka soo baxa natiijada baaritaanka.

"Laakiin uma maleynayo in ay wax weyn tahay. Waxaan qabaa in ay tahay toddobaad ama laba ugu badnaan.”

Taas waxa ay ka dhigan tahay in uu taam u ahaanayo kulanka Spurs, guuldarro soo gaadha United waxa ay sababi doontaa in ay lix dhibcood ka hoos marayaan kooxda ka dhisan waqooyiga London oo hoggaanka la haysa Manchester City iyo Liverpoo


Sawirro uu soo dhigay Instagram-ka, Sanchez waxa uu u ekaa mid ay ka go’an tahay in uu dheelo.

Qoraal uu soo dhigay Instagram-ka ayaa u dhignaa "Waxaan u tababaranayaa in aan soo laabto. Soo Socda United.”

Alexis Sanchez kulankii kowaad ee Leicester Ciyy 90-ka daqiiqo ayuu dhammeystay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip