Madaxweyne Tuug ah!!!=Qormo Xiiso leh=

0
Tuesday August 21, 2018 - 23:40:09 in Wararka by
  • Visits: 803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Tuug ah!!!=Qormo Xiiso leh=

    Islaamku waxa uu si cad noogu sheegay, waxyaabaha laga rabo qofka ah Hogaamiyaha ummad Islaam ah. Nasiib daro Sifooyinkii laga rabay inay ka muuquuto Hogaamiyayaasha Islaamka ayaa waxa laga helay Hogaamiyayaal aan Islaam aheyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Islaamku waxa uu si cad noogu sheegay, waxyaabaha laga rabo qofka ah Hogaamiyaha ummad Islaam ah. Nasiib daro Sifooyinkii laga rabay inay ka muuquuto Hogaamiyayaasha Islaamka ayaa waxa laga helay Hogaamiyayaal aan Islaam aheyn.

A)-Markii loo magacaabay Sh. Cirwata Bin Maxamed in uu Noqdo Waaligii islaamka ee xakumayay Dalka Yaman, magaalada banaankeeda ayaa waxa ku soo dhaweeyay dadkii reer Yaman, waxa uuna ku yiri Hadalkiisii Caanka Noqday: (( waxa kaliya ee aan wato waa Hashaan Geelaa oo ah Gaadiidkeyga. Marka mudada xukunkeeygu ay dhamaato ee aan idinka tagayo, haddii aan wato wax Hashaan ka badan waxaan ahay TUUG)). Waana ka rumeeyay Balantiisii.

B)- Md. Jose Mujica oo lagu naaneyso Madaxweynihii ugu Faqrisanaa madaxda Caalamka ( the poorest president in the world) waa madaxweynihii 40aad ee dalka Urugway ee Koofurta Ameerika (waxa uu dhashay 20 May 1935- Geeri kuma maqal). waxa uu ahaa jabhad, markii xukunka kali talisaka ah uu dalka qabsaday waxaa uu xirnaa 13 sano, Md. Jose waxaa loo doortay madaxweyne waxa uu xukunka dalkiisa hayay 2010-2015.

Celceliska mushaarka dalkiisu waxa uu ahaa $775 bishii, asagu madaxweyne ahaan waxa uu qaadanay Mushaar dhan $12,000 bishii, Mushaarkiisa 90% waxa uu ugu deeqayay dadka masaakiinta ah. Waxa uu la yimid xafiiska uuna ku soo shaqa tagi jiray halka Baabuur oo kaliya ee uu lahaa oo ahaa Gacanti labaad ( second hand) Volkswagen Beetle Modal 1987 oo lagu qiimeeyay $1,800.

Intii uu xilka hayay waa diiday in uu dego Xarunta Madaxtooyada, waxa uu soo mari jiray wadda dheer oo ka timaada Beertiisa oo isaga iyo xaaskiisu ay ka wada shaqeyn jireen. Waxaa kula noolaa hal Eey oo lug ka go’an, waxaana beerta ugu dhaxyiil hal guri oo nus ay leedahay xaaskiisu, Hal cagaf cagaf iyo laba nin oo ilaalo u ahaa.

Baabuurkiisa oo caan noqday ayaa nin Taajira oo carab ihi ku yiri: waxaan ka siinaa 1 million oo dollar, safiirka Mexico u jooga Uruguay ayaa yiri: baabuurkan haddii aad iska iibiso waxa uu kuu gooynaa 10 Baabuur oo waaweyn. Waxa uu yiri: halkaa million waxaan ugu deeqi lahaa dadka aan Guryaha laheyn ee masaakiinta ah, baabuurtana waxaan ugu deeqi lahaa wasaaradda Caafimaadka si ay qashinka ugu qaado.

Sannadkii waxa laga canshuuri jiray beerta uu bar uu lahaa, hal Cagafcagaf iyo Guri, dhamaan hantidiisii laga canshuuro waxaa lagu qiimeeyay $215,000 $. Markii uu xilka wareejinayay waxa uu kala tagay madaxtooyada halkiisii Gaari ee Volkswagen ee Taargadiisu aheeyd SAO 1653.

Gunaanad.

Haddaba madaxda Caalamka islaamka maanta Malaga helaa qof sidii Sh. Cirwata Bin Maxamed ama Md. Jose Mujica kala baxo madaxtooyada halkiisii gaari ee uu ku yimid?

NB: Kama hadlayo madaxweyne ama Boqor gaar ah waxaan ka hadlayaa guud ahaan madaxda hogaamisa wadamada Islaamka maanta. in Qarnigaan aan joogno, ay Madaxdii gaaladu in kasta oo aynan islaam aheyn haddana uu ka muuqdo midka mid ah hab dhaqanakii laga filayay madaxda Islaamka. ha u qaadan in aan ku leeyahay gaal ayaa muslim ka fiican ee waxaan ka hadlayaa Masuuliyadda & shakhsiga.

Maxaad u maleeynee, Sababta loo waayay qarnigaan madax ah sidii Sh. Cirwatabin Maxamed? Maxaa u sabab ah in uu Islaamka ku bato Madaxweyne TUUG ah.

Ar Boorsooyinka hala Baaro!!!!

Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii aan ku qalday iga sax, wixii ka dhiman ku dar.

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip