Madaxwaynaha Napoli oo dalbaday in Champions League laga saaro Roma iyo Liverpool

0
Monday August 20, 2018 - 10:08:10 in Wararka by
  • Visits: 568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Napoli oo dalbaday in Champions League laga saaro Roma iyo Liverpool

    Liverpool iyo Roma ayaa lagu eedeeyay inay yihiin kooxo la isla leeyahy iyaga oo si lamid ah aysan shaacin arrinkaas. Madaxwaynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa si layaab leh ugu eedeeyay labada koox ee ka kala ciyaara EPL iyo Serie A ay isla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool iyo Roma ayaa lagu eedeeyay inay yihiin kooxo la isla leeyahy iyaga oo si lamid ah aysan shaacin arrinkaas. Madaxwaynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa si layaab leh ugu eedeeyay labada koox ee ka kala ciyaara EPL iyo Serie A ay isla leeyihiin milkiiyaal reer America ah, isaga sheegay inay jabiyeen sharciyada UEFA maadaama laisla leeyahay aanna laga warqabin. Warka De Laurentiis ayaa imaanaya kadib markii ay Roma kadiiday dalab ay kooxdiisa Napoli ka gudbisay gool haye Alisson Becker, kaas oo ugu danbayn lacag rikoor ah ugu biiray Liverpool.

Liverpool ayaa waxaa iska leh Fenway Sports Group(FSG) halka Roma ay leeyihiin American Investment Group, oo uu hogaamiyo Thomas Di Benedetto halka madaxwaynaha joogtada uu kayahay James Pallotta.

Di Benedetto ayaa sidoo kale shirko la ah John W. Henry iyo madaxwaynaha Liverpool Tom Werner.

Xiriirrada kadhaxeeya milkiilayaahsan si lamid ah dhacdadii Alison Becker ayaa De Laurentiis Ku qasabatay in labadan koox uu Ku eedeeyo in ay leeyihiin hal shirkad.

"Roma? Iyagu waxa ay badaleen wax badan mana garanayo haddi ay taasi wanaagsantahay, Anigu maanan iibiyeen Alisson xitaa 100-malya oo Euro.

"Anigu 60-malyan ayaan u qorsheeyay isaga(Alisson) balse Roma madoonayn in ay iga iibiyaan Aniga.” Ayuu usheegay Corriere dello Sport.

"Waxaan qabaa shakiga ah in Liverpool iyo Roma ay wada leeyihiin milkiile isku mid ah. Qof ayaan usheegay sannado yar kahor haddi ay rumoowdana loomo ogolaan doono in ay ciyaaraan Champions League.”





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip