Natiijooyinka ciyaaraha 2aad ee Premier League

0
Sunday August 19, 2018 - 09:58:53 in Wararka by
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijooyinka ciyaaraha 2aad ee Premier League

    Chelsea ayaa labo guul gaartay labadii kulan ee ugu horeysay tababare Maurizio Sarri, iyagoo xalay 3-2 ku garaacay Arsenal ciyaar ka dhacday Stamford Bridge. Gunners ayaa laba gool kasoo laabatay ka dib markii ay 2-0 ku hogaamisay ciyaarta kooxda Ch

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa labo guul gaartay labadii kulan ee ugu horeysay tababare Maurizio Sarri, iyagoo xalay 3-2 ku garaacay Arsenal ciyaar ka dhacday Stamford Bridge. Gunners ayaa laba gool kasoo laabatay ka dib markii ay 2-0 ku hogaamisay ciyaarta kooxda Chelsea, ka hor inta uusan Marcos Alonso dhalin goolka guusha daqiiqadii 81aad ee ciyarata. Tottenham ayaa u dhaqaaqday kaalinta sarre ee Premier, iyadoo 3-1 kaga badiyay Fulham kulankii ka dhacay Wembley Stadium.

Kooxda Mauricio Pochettino ayaa guusheeda waxaa ka qeyb qaatay Harry Kane oo dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay abid Premier League inta lagu jiro bisha August.

Dhamaan kooxaha London waxay u ahayd maalin kale oo adag, iyadoo tababaraha cusub ee West Ham Manuel Pellegrini guul darro 2-1 ah kasoo gaartay kooxda Bournemouth.

Dhinaca kale 10 ciyaaryahan oo Leicester City ah ayaa 2-0 kaga badiyay Wolves, halka Everton 2-1 ku garaacday kooxda Southampton.

Kulankii furitaanka Isbuuca labaad ee Premier League shalay Cardiff City iyo Newcastle United ayaa ku heshiiyay babaro 0-0 ah.

seddex kulan kale ayaa maanta Axada ah la ciyaari doonaa, kuwaasoo u dhaxeeya Burnley vs Watford, Manchester City vs Huddersfield, Brighton vs Manchester United.

Crystal Palace iyo Liverpool ayaa ku kulmi doona kulanka ugu dambeeya ciyaaraha isbuuca labaad ee Premier League habeenka isniinta ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip