RW Kheyre oo tagay Xarunta CID oo ay ku xiran yihiin Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda

0
Sunday August 19, 2018 - 09:31:37 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Kheyre oo tagay Xarunta CID oo ay ku xiran yihiin Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay koormeeray xarunta dambi baarista ee CID ee degmada Hodan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay koormeeray xarunta dambi baarista ee CID ee degmada Hodan.

Koormeerka waxaa Ra’isal Wasaaraha ku wehlinaayay Wasiirka amniga gudaha, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa koormeeray dhamaan qeybaha ay Xarunta CID ka kooban tahay, sidoo kale waxa uu la kulmay saraakiisha xarunta oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan shaqada xarunta.

Ra’isal Wasaaraha ayaa koormeeray qeybo cusub oo xarunta lagu soo kordhiyay iyo qalab cusub oo xarunta lagu soo kordhiyay, waxaana saraakiisha booliiska ay la wadaagay Ra’isal Wasaaraha howlaha muhiimka ah oo ay bulshada u heyso xaruntaan.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in isbadal weyn laga dareemayo xarunta CID.

Waxa uu sido kale sheegay in Wasaarada amniga iyo taliska booliiska ay ka shaqeeyeen sidii loo fulin lahaa amaraka Ra’isal Wasaaraha oo ah in isbadal iyo balaarin lagu sameeyo

.

Booqashadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ee CID ayaa timid xilli ay ku xiran yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo Musuq maasuq loo heysto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip