HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 19-KA AGOOSTO 2018-KA

0
Sunday August 19, 2018 - 08:38:37 in Wararka by
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 19-KA AGOOSTO 2018-KA

    MD FARMAAJO OO HAMBALYO U DIRAY R/WASAARAHA PAKISTAN Madaxweyanaha JFS Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo diiran u diray Ra'iisul Wasaraha cusub ee dalka Pakistan Imran Khan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MD FARMAAJO OO HAMBALYO U DIRAY R/WASAARAHA PAKISTAN Madaxweyanaha JFS Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo diiran u diray Ra'iisul Wasaraha cusub ee dalka Pakistan Imran Khan.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Pakistan ku tilmaamay dal dimoquraadi ah oo leh awood dhaqaale oo ay ka faa’iideysan karaan dadka dalkaasi.

Sidoo kale Madaxweyanha Somaliy ayaa hoosta ka xariiqay in Somalia ay diyaar u tahay in ay si dhaw ula shaqeyso dowladda Pakistan, islamarkaana ay si wada jir ah uga faa’iidesan doonaan dhamaan fursadaha laba geesoodka ah ee horyaalla labada dal.

Hambalyada madaxweynaha Somalia ayaa imaanaysa, xilli ciyaaryahankii hore ee dalka Pakistan Imran Khan uu ku guuleystay doorashadii xasaasiga aheyd ee ka dhacday dalkaasi.

RW. KHAYRE OO QAABILAY AGAASIMAHA ARRIMAHA HAWEENKA EE QARAMADA MIDOOBAY.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay agaasimaha arrimaha haweenka ee qaramada midoobay, Phumzile Mlam boNgcuka, oo markii ugu horaysay socdaal ku timid dalka Soomaaliya kadib casuumaad ay ka heshay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka XFS.

Ra’iisul Wasaara Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay heer wanaagsan kasoo gaarsiisay matalaadda haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda, waxa uuna ballan qaaday in ay sii wadayaan dadaallada lagu garab istaaagayo haweenka, isaga oo ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed dawrkii ay ku lahaayeen badbaadinta qaranka iyo bulshada xilligii burburka.

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf oo kulanka qayb ka ahayd ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Phumzile MlamboNgcuka ay si qota dheer uga hadleen arrimha haweenka Soomaaliyeed, ka qayb galinta haweenka arrimmaha siyaasadda iyo horumarinta dalka, xooojinta taageerada dawrka haweenka iyo sidoo kale sidii ay u wada shaqayn buuxda u yeelan lahaayeen hay’adda haweenka u qaabishan Qaramada midoobay iyo wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Phumzile MlamboNgcuka ayaa hoggaanka dawladda federaalka Soomaaliya ku amshalayy garab istaaga haweenka iyo ka qayb gelintooda siyaasadda iyo guud ahaan dadaallada horumarinta dalka, waxa ayna dhanka kale ballan qaaday in ay hay’addoodu si dhaw ula shaqaynayso wasaaradda haweenka si loo dardar geliyo horumarinta arrimaha haweenka.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh gelisay sidii haweenka Soomaaliyeed ay si buuxda qayb qaadan lahaayeen siyaasadda dalka, horumarinta amniga, iyo dadaallada dib loogu dhisayo dalka si loo celiyo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd dunida.

GARSOORAYAAL UU MAGACAABAY MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHALAY LA DHAARIYAY

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay lagu dhaariyay Garoorayaasha Maxkamada sare dalka ee uu Madaxweynaha Soomaaliya magacaabay shanta bishaan,iyadoona uu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka.

Goobta lagu dhaarinaye Garsoorayaash ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Wasiirka Cadaaaladda XFS ,taliyaha Ciidanka Asluubta iyo guddoomiyeyaasha Maxkamadaha dalka,waxa ayna mas’uuliyiintaas bogaadin u jeediyeen Garsoorayaasha cusub ee shalay la dhaariyay.

Madaxdii ka qeyb gashay dhaarinta ayaa garsoorayaasha kula dar daarmay in si cadaallad ah ay ummada Soomaliyeed u shaqeyaan,isla markaana loo baahanyahay in loo muujiyo Bulshada fur furnaan iyo Daacadnimo.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashi Yuusuf Axmed ayaa Hay”adaha Garsoorka dalka waxa uu ugu baaqay in shacabka ay ku kalsoonaadaan,isagoo sidoo kale sheegay in Hay”adaha Garsoorka looga baahan yahay in ay la yimaadan daacadnimo iyo Fur furnaan.

GUDDOOMIYE YARIISOW OO QOYS DAN YAR AH U SOO DHICIYAY GURIGOODA OO LA DAMCAY IN XOOG LOOGA SAARO

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ku qaabilay xafiiskiisa qoys danyar ah oo gurigooda si xoog ah loo damcay in looga saaro.

Qoyskan ayaa ka cabanayey takrifal ay u geysteen shakhsiyaad doonaya in ay si sharci darro ah ula wareegaan guriga qoyskan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhageystay cabashada qoyskan ayaa u xaqiijiyey in gurigooda aan cidna xoog uga saari karin, una ballanqaaday in loo dayactirayo gurigooda oo uu maamulka Gobolka Banaadir amnigooda sugayo.

Waxaa uu Xeer Ilaalinta Qaranka u gudbiyey shaqsiyaadka lagu eedeeyey inay jirdil u geysteen qoyska iyo hanjabaad, si loo hor geeyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, sharcigana lala tiigsado shaqsiyaadka la soo eedeeyey.

Guddoomiye Yarisow ayaa Laanta Danbi Baarista Booliska Soomaaliyeed (C.I.D) ku wargeliyey in ay baaritaan ku sameeyaan waxyeellada nafeed iyo hantiyeed ee loo geystay qoyskan, sharcigana la hor keeno dhammaan ciddii ku lug yeelata tabashooyinka ay sheeganayaan qoyska.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa faray Maamulka degmada Xamar Weyne in ay sugaan amniga qoyskan, muddada uu baaritaanku socdo, maadama ay soo gudbiyeen jirdil iyo handadaad horey loogu geystay.

Ugu dambeyn Guddoomiye Yariisow ayaa xaqiijiyey in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga iyo caddaladda bulshada, lagana hortagayo cid walba oo doonaysa in ay ku xadgudubto hantida muwaadiniinta.

GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XIL U MAGACAABAY TALIYE KU XIGEENKII HORE EE NISA

Taliye ku xigeenkii Hay’adda NISA C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ee dhawaan xilka laga qaaday ayaa loo magacaabay la taliye sare oo ka tirsan xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka.

C/qaadir Maxamed Nuur iyo Guddoomiye Maxamed Mursal Sheikh ayaa ka soo wada shaqeeyay saafaradda Soomaaliya ee dalka Turkey.

MAS’UULIYIIN KA TIRSAN KASTAMKA CANSHUURAHA DEKEDDA MUQDISHO OO LOO XIRAY MUSUQ MAASUQ

Ciidamada dambi baarista CID ee Booliska ayaa xiray illaa lix xubnood oo ka tirsan Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho, iyadoo loo heysto arrimo la xiriirta musuq maasuq.

Wararka ayaa sheegaya in dadka la xiray ay ku jirto Maamule kuxigeenka Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo ah Haweeney iyo shan kale oo rag ah.

Sidoo kale waxaa la la’yahay Maamulihii Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow oo la sheegay in loo jaray warqad amar xarig.

Ciidamada dambi baarista ayaa la wareegay xafiiska kastamka canshuuraha Dekedda Muqdisho, iyagoo saacado baaritaan ku hayay xafiiska, isla markaana gebi ahaanba joojiyay shaqadii ka socotaa.

Xafiiska Hanti dhowrka Guud ayaa la sheegay in todobaayadii u dambeeyay uu ilgaar ku hayay xafiiska Kastamka canshuuraha Dekedda Muqdisho oo ah halka lagu canshuuro badeecadaha iyo alaabaha ka soo dega Dekeda

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay qaaday tallaabooyin looga hortagayay musuq maasuq, iyadoo loo xiray mas’uuliyiin darajada dhexe ah, halka kuwa kale Baaritaano ku socdaan.

XILDHIBAANNO KA TIRSAN BAARLAMAANKA PUNTLAND OO MOOSHIN KA KEENAY DP WORLD

Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Puntland ayaa Mooshin ka gudbiyay Shirkadda DP World oo gacanta ku heysa dhismaha Dekadda Boosaaso. Xildhibaannada Mooshinka ka keenay Shir kadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa gaaraya ku dhowaad 20 Xildhib aan.

Puntland ayaa horay DP World ugula heshiisay in ay ballaariso dhimaha Dekadda Boosaaso iyada oo gacanta ku heyn doonta muddo dhan 30 sano.

Xildhibaannada Mooshinka keenay ayaa sheegay in aysan jirin ilaa iyo hadda wax ay ka qabatay Shirkadda DP World dib u dhiska dekadda Magaalada boosaaso ee xarunta gobolka Bari,

Waxaa ay tilmaameen Xildhibaannada in Shirkadda ay lacag kaliya ka gurato Dekadda halkii laga rabay in ay dhisto iyaga oo hoosta ka xariiqay in DP World aysan sii maamulin Karin dekadda Boosaaso.

SHIR LAGU HESHIISIINAYO BEELO WALAALO AH OO KA FURMAY DEEGAANKA CADALLE

Shir lagu heshiisiinayo beello ku dagaallamay gobolka Shabellaha Dhexe ayaa shalay ka furmay degmada Cadalle ee gobolkaasi.

Cabdulle Cali oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda degmada Cadalle ayaa Goobjoog News u sheegay in shirkan uu yahay midkii ugu dambeeyey ee xal looga gaarayo colaad muddo ka dhaxeysay Beelahan.

Waxaa uu sheegay in Maamulka Hirshabelle uu hadda ku suganyahay deegaanka Cadalle iyaga oo halkaasi u jooga in gogol nabadeed ay kala dhex dhigaan beelo in Mudoo ah halkaasi ku dagaalamayay.

"Deegaanka Cadalle waxaa ka socda shir dib u heshiisiineed hadda waxaan u fadhinnaa gog osha lagu heshiisiinayo beelahaan kuwaasi oo hadda ka hor uu dagaalka ku dhex maray Tuulada burdheere howshaan in Muddo ah ayay soo socotay hadda waxaa lagu guuleystay in la is horyimaado shirkana uu ka furno degmada cadalle”.

Tuulada Burdheere ee u dhow deegaanka Cadallae ee gobolka Sh/dhexe waxaa in Muddo ah ku dagaalamayay labadaan beelo waxaana horay la isku dayay kulamo lagu heshiinayo balse laguma guuleysan .

Shalay ayaa dib looga bilaabay Cadalle shir kale oo nabad lagu dhex dhigayo beelahaan kuwaasi oo in muddo ah ku dagaalamayay Tuulada Burdheere oo ka tirsan Sh/dhexe.

RW KHEYRE OO BILAABAY LA XISAABTANKA WASIIRADA

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay in uu la xisaabtamo Golaha Wasiirada.

Qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ayaa shalay hortagay , si wax looga weydiiyo waxyaabihii ay qabteen intii ay xilka haayeen.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bilaabay in uu si shaqsi shaqsi ah ula kulmo xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta iyo Wasiirka waxbarashadda oo dhawaan la magacaabay ayaa kasoo muuqday Sawirro iyaga oo horfadhiya Ra’iisul Wasaare Kheyre.

SHIRKA WADATASHIGA DIYAARINTA HANAANKA QARAN EE DIB U HESHIISIINTA OO KA FURMAY MUQDISHO

Shirka wadatashiga Diyaarinta Hanaanka dib u heshiisiinta Qaran ee loo qabtay hayaddaha kala duwan ee dowladda ayaa shalay kafurmay magaalada Muqdisho .

Shirkaan ayaa loo qabtay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda si ay fikirkooda ugu daraan hanaanka diyaarinta dib u hishisiinta qaran oo ay diyaarineyso wasaaradda arimaha gudaha.

Kusimaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye oo furay shirka waxaa uu tilmaamay in muhiimada shirkaani furmay uu yahay in la helo hanaan sal adag leh oo lagu wajaho dib u heshiisiinta dalka.

Ismaciil Macalin Muuse Gudoomiyaha Gudiga Dib u hishiisiinta Qaranka oo shirka kahadlay ayaa waxa uu sheegay in wasaaradda arimaha gudaha iyo labada gole ee baarlamaanka ay ugudbiyeen gudigooda qorshaha ay kula ay uga qayb galayaan Diyaarinta Hanaanka dib u heshiisiinta Qaran oo ay wado wasaaradda arimaha gudaha.

XILDHIBAANNO KA TIRSAN HIRSHABELLE OO SHEEGAYA IN LA BEDELAY DASTUURKII MAAMULKAASI

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in wax ka bedel lagu sameeyey dastuurkii Maamulkaasi iyadoo aanu ka warqabin baarlamaanka.

Waxa ay xildhibaannadan sheegeen in waxyaabaha wax ka bedalka lagu sameeyey ka mid tahay awoodaha Madaxda Maamulkaasi iyaga oo tilmaamay in guddoonka baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre uu gudan waayay waajibkiisii Maadaama dastuur cusub laga dulsameeyay dastuurkii hore ee Hirshabelle.

Mukhtaar Xasan Tuure oo ka mid ah Xildhibaannada baarlamaanka Hirshabelle ahna guddoomiyaha guddiga Maaliyadda ee baarlamaanka ayaa Goobjoog News u sheegay in wax ka bedel lagu sameeyay dastuurka Hirshabelle iyaga oo aan Xildhibaannada ka war qabin.

Xildhibaan Mukhtaar waxaa uu intaas ku daray in arrinta la xiriirta wax ka bedelka dastuurka ay u sheegeen guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle isaga oo tilmaamay in guddoomiyaha uu ugu hanjabay in haddii ay ka hari waayaan arrimaha dastuurka uu ka qaadi doono tallaabo sharci ah.

"Waxaan rabnaa in aan ku xaqiijinno Shacabka dowlad deegaanka Hirshabelle mar hadii ay halaabaan ama uu khalad ka yimaado wax allaala wixii aan ku heshiinnay wanaag dalka kama jiri doono, saas darteed waxaan rabaa in aan u soo bandhigo labada qodob waxaa uu sheegaa qodo dbka 51aad awoodda Madaxweynaha waxaa laga tagay baaerlamaanka marka uu Furmayo in Mada xweynaha uu xaq u leeyahay in baarlamaanka uu furo iyo in uu xiro qodobka 51aad farqadiisa saddexaad waa laga tagey waana labadalay waxaa loo diidanyahay awoodda Madaxweynaha”.

Hadalka Xildhibaannadan ayaa imaanaya xilli qaar ka mid ah Xildhibaannada Maamulkaasi ay sheegeen in dastuurka Hirshabelle la bedelay iyada oo laga leeyahay dano gaar ah.

FAARAX MACALIN OO SHEEGAY JUBBALAND BIL KASTA LACAG INAY KA HESHO KENYA

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay leedahay 7,000 oo Askari,sidoo kalena ay Jubbaland joogaan 4,000 askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya,waxaa intaas dheer 5,500 oo Askari oo Kenyaan ah, 3,000 oo Itoobiyaan ah iyo 1,000 Askari oo Burundi ah.

Waxa uu is weydiiyay sababta ay uga adkaan la’yihiin Ciidanka tiradaas la eeg 1,500 xubnood oo u dagaallanta Alshabaab.

Faarax Macallin ayaa dhowr jeer fagaare ka sheegay in Waddamada deriska la ah Soomaaliya iyo AlShabaab ay iska warqabaan islamarkaana ujeedada kaliya tahay in aysan degin Soomaaliya.

Daraad ayay ahayd markii uu Ciidamada Kenya ee jooga Gedo ku eedeeyay in ay Kufsi u geyst aan Haweenka Soomaalida ah, sidoo kalena ay ku kacaan tacadiyo kala duwan.

Taliyaha Ciidanka Kenya ayuu ka dalbaday in uu baaritaan deg deg ah ku sameeyo Saraakiishaas islamarkaan tallaabo rasmi ah ka qaado.

CIIDAMADA ISMAAMULKA OROMADDA OO DILAY 5 RUUX OO SOOMAALI AH

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Harar ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Oromadda ay dileen 5 ruux oo Soomaali ah.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka dilka waxaa fuliyay ciidamo hubeysan oo ka amarqaata maamulka dowlad degaanka Oromadda.

Shanta ruux ee la dilay Saddex ka mid ah ayaa dhawaan kasoo baxay xabsiga Jeel Ogaadeen oo ku yaalla Magaalada Jigjiga.

Ciidamada Liyuu Boolis ayaa la sheegay in ay gaareen goobta lagu dilay Shanta ruux ee Soomaalida ah.

Xiisadda ka dhaxeysa Soomaalida iyo oromadda ayaa sii xoogeysatay maalmihii lasoo dhaafay.

Dhawaan ayay aheyd Markii Ciidamada maamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay toogasho ku dileen 31 ruux oo Oromo ah.

QM OO BOQOLAAL QAXOOTI AH KA SOO CELISAY DALKA KENYA

Warbixin ka soo baxday hay’adda Qaxootiga ee UNHCRLaanta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa lagu sheegay in sanadkan kaliya Qaxooti gaaraya 6,085 qof oo Somali ah ay ka soo celiyeen Xeryaha Qaxootiga dalkaasi.

Sidoo kale Warbixintani ayaa lagu sheegay in 81,451 Qaxooti Somali ah ay ka soo celiyeen dalkaasi, tan iyo markii ay bilawdeen soo celinta Qaxootigaasi bishii December ee sanadkii 2014kii.

Kenya ayaa marti galisay Qaxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed, iyadoona dhowr jeer oo hore ku celcelisay in ay albaabada iskugu dhufan doonto Xeryaha Qaxootigaasi ee ku yaalla gudaha da lkaasi, sababo la xariira qatar dhanka amniga oo ka soo wajihi karta Xeryahaasi.

Horay dowladaha Kenya, Somalia iyo hay’adda UNCHR ayaa ugu heshiiyay in ay si iskood ah loo soo celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaya in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan, kuwaasi oo intooda badan lagu soo celiyay koonfurta iyo bartamaha Somalia.

PUTIN IYO ANGELA MERKEL OO WADAHADAL KU LEH GERMANY

R/wasaaraha dalka Germalka Chancellor Angela Merkel iyo Madaxweynaha dalka Russian Vladimir Putin ayaa manta lagu wadaa in ay kulmaan oo ay ka wadahadlaan xiriirka 2da dal tan iyo markii ciidamada Russia 4sano kahor ay qabsadeen gobolka Crimea ee dalka Ukraine .

Kulanka manta ayaa noqonaya mid lagu xoojinaayo xiriirka labada dal,isla markaana ka looga hortagaayo ama wajahaya gardarada Mareykanka ee dhinaca ganacsiga ,gaar ahaan canshuuuraha lagu soo rogay biraha iyo macdanta Aluumiyamka ee Midowga Yurub.

Merkel iyo Putin kulankoodii ugu dambeeyay,waxa uu ka dhacay magaalada Sochi 4bilood ka hor,halkaas oo looga hadlay rabshadaha ka taagan Ukraine iyo fidinta dhismaha qasabadaha qaada gaaska ee ka imaanaya Russia kuna socda Germalka.

Kulanka oo ka dhacaya gurigga martida dowladda ee duleedka magaalada Berlin,waxaa ka mid ah qodobada loga hadli doono dagaalada Suuriya.rabshadaha Ukraine iyo dhismaha tubbooyinka qaada gaaska,sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay dowladda Germnalka.

XOGHAYIHII HORE EE QARAMADA MIDOOBEY OO GEERIYOODAY

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey Kofi Anan ayaa Shalay waxaa la xaqaqiijiyey in uu ku geeriyooday dalka Swezerland.

Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee Afrikaanka madow ah ee qabta jagada ugu sarraysa diblomaasiyadda dunida, wuxuuna xilkaas hayey 1997 – 2006.

Sannadki 2001, waxuu ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, oo uu ku muteystay shaqadi uu ka qabtay arrimaha bani’aadannimada.

Xilliyadii dambe wuxuu noqday ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Suuriya, isagoo hogaaminayey dadaalka ku saabsan sidii xasaradda dalkaas ka taagan xal loogu heli lahaa.

Kofi Anan ayaa waxaa uu ka soo jeedaa Qaarada Afrika gaar ahaan Wadanka Gana,waxaan uu ku geeriyooday da’da 80 jir.

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA XFS IYO SAFIIRKA QADAR EE SOOMAALIYA OO WADAJIR U DHAGAX DHIGAY DIB U DHISKA MACHADKII DIPLOMAASIYADDA..

Mudane Axmed Ciise Cawada wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo danjiraha Dowladda Qadar ee Soomaaliya ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay dib u dhis iyo dayactir lagu sameynayo machadkii arrimaha diblomaasiyadda Wasaaradda ay lahaanjirtay,kaasi oo kamid ahay hay’adihii dowliga oo 25 kabadan burbursanaa, iyadoo ay hareer taagnaayeen diblomaasiyiin kale iyo wakiilka hay’adda Qadar ee Soomaaliya Cabdi Nuur Xaaji Cali iyo xubno kale.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa uga mahadceliyay dowladda Qadar sida ay uga gacansiisay mashaariicda dib u dhiska machadkan.

"Waxaan uga mahadcelinaynaa dalka walaalaha nahay ee Qadar in ay nagu gacan siiyaan dib u dhiska macahadkan,sifiirka Qadar ee Soomaaliyawakaalken safiir Xasan Bin Xamza ayaan mahah gaar ah u celinaynaa maadaama uu dowr ka qaatay mashruucan oo ay maalgelinayso dhismihiisa Dowladda Qadar,waxaana ku soo dhaweynaya in aan si wada jir ah u dhagax dhigno”. Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Safiirka Qadar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza ayaa isna kahadlay dhaga dhigasi,wuxuu muujiyay safiirka sida ay uga go’antahay dowladad Qatar in ay ka taageerto mahsariicda,islamarkaana ay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Qadar ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada mashaariicda horumarineed iyo bida gar gaarka bani’aadanimo oo ay ka wadaan Soomaaliya.

MACALIMIIN KA TIMID SUUDAAN OO LAGU SOO DHAWEEYAY JAAMACADDA BANAADIR EE MAGAALADA MUQDISHO

Munaasabad lagu soo dhoweynayey Macalimiin ka timid Jaamacadda caalamiga ah ee Afrika (International University oo Africa) ee dalka Sudan, kuwaasoo marti u ah Jaamacadda Banaadir oo ka mid ah jaamacadaha dalkeena ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Macalimiintan ayaa muddo bil ka badan duruus taxane ah ka bixin doona qeybta waxbarashada sare ee Jaamacadda Banaadir (Master) gaar ahaan taqasuska shareecada iyo Qaanuunka, iyadoo arintani ay ka dambeysay heshiis iskaashi oo sanado ka hor hor ay kala saxiixdeen Jaamacadaha Banaadir iyo International University oo Africa.

Xiriiriyaha Barnaamijka waxbarashada sare ee labada Jaamacadood Dr. Mohamed Xaaji ayaa sheegay in Macalimiintan ay duruus taxane ah siin doonaan dufcadii labaad ee iska diiwaan gelisay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka, isagoo xusay in dufcadii ugu horeysay ay haatan dhameysteen waxbarashada, ayna isku diyaarinayaan iney buugga qalin jebinta difaacdaan.

"Iskaashiga labada Jaamacadood ayaa suurageliyey in dad badan oo duruufaha jira aysan u saamaxeyn iney dibeda aadaan ay dalkooda ka helaan waxbarashadii ay u baahnaayeen waana fursad qaali ah oo mudan in laga faaiideysto. Macalimiintana waxaan uga mahad celinaynaa waqtigooda qaaliga ah ee ay inoo hureen si ay aqoontooda nooga faaiideyaan” ayuu intaa ku daray Dr. Mohamed Xaaji oo u mahad celiyey masuuliyiinta labada Jaamacadood oo uu xusay iney dedaal badan u galeen arintan.

Macalimiinta ka yimid dalka Sudan oo lagu kala magacaabo Prof. Muusa Mohamed Ali Cabdalla, Dr. Ahmed Fakir Hussein Mohamed iyo Dr. Omar AbuuCubeydah oo iyana ka hadlay xafladan ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho iyagoo ka mahad celiyey sida diiran ee dalka loogu soo dhoweeyey.

Sidoo kale, Macalimiintan ayaa sheegay in mudada ay dalka joogaan duruus taxane ah ka bixin doonaan taqasuska Qaanuunka iyo shareecada ee ay iskaashanayaan labada Jaamacadood, ayna ku dedaali doonaan intii karaankood ah iney aqoontooda uga faaiideyaan ardayda u diiwaan geshan taqasuskan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo gebagebadii munaasabadan ka hadlay ayaa ku dheeraaday dedaalka Jaamacada Banaadir u gashay sidii dalka loo keeni lahaa taqasuskan oo uu sheegay markii hore dalka dibediisa loo aadi jiray, qarash iyo dhibaato badana laga mudan jiray balse taas ay laga gudbay sanado ka hor.

Dr. Dalmar ayaa a u mahad celiyey macalimiinta ka socota Jaamacadda International University of Africa ee suurageliyey in taqasusyadan laga bixiyo Jaamacadda Banaadir sanadkii 3aad.

"Jaamacadaha Banaadir iyo International University oo Africa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer iyo iskaashi muddo badan soo jiray, mana ahan markii ugu horeysay ee ay macalimiin noo soo diraan, waxaana rajeynaynaa mustaqbalka inuu sii xoogeysto xiriirka labada Jaamacadood’ ayuu yiri Dr. Dalmar.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir ayaa intaa ku daray in ardayda sanadkan iska diiwaan gelisay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka iyo kuwa dhameystay looga fadhiyo mustaqbalka dhow iney wax ka bedelaan dhibaatooyinka ka jira garsoorka iyo cadaalada marka ay ka howlgalaan Maxkamadaha dalka.

BOGGA CAYAARAHA

JUVENTUS OO GUUL DIRQI AH KA GAARTAY CHIEVO VERONA XILLI UU RONALDO SHABAQA GAARI WAAYAY KULANKIISII UGU HORREEYAY EE SERIE A

Kooxda juventus ayaa guul ay ku silicday ka gaartay kooxda Chievo Verona kaddib cayaar ku dhamaatay 3-2.

Goolka hore cayaarta waxaa la hormartay Juve waxaana u dhaliyay Sami Khedira kulanka oo socda daqiiqadii seddaxaad.

Balse intaad qeybta hore la kala marin naadiga Chievo ayaa la timid goolka Barbaraha waxaan u dhaliyay laacibka Mariusz Stepinski daqiiqadii 38-aad waxaana lagu kala maray dheesha 1-1.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe kooxda martigaliyaasha ayaa la timid goolka ay hogaanka kulanka kula wareegeen waxaan u dhaliyay laacibkoo hore juventus Emanuele Giaccherini kasoo ahaa rigoore daqiiqadii 56-aad.

Laakiin juventus ayaa barbaresay goolkaa markii kulanku ay ka harsaneed 15 daqiiqo waxuuna kubbad uu iska dhaliyay laacibka Chiveo Mattia Bani oo dheesha ka dhigay 2-2.

Waxaan goolka guusha Juventus u dhaliyay dhamaadkii dheesha gaar ahaan daqiiqadii 90-aad laacibka Federico Bernardeschi oo badal kusoo galay cayaarta.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Stadio Bentegodi ee kooxda Chievo ayaa waxaa usoo dhaawasha tagay 3000 kun taageerayaal iyadoo saxiixa ugu qaalisan taariiqkhda horyaalka talgaaniga ee Cristiano Ronaldo uu dhameystay kulanka isagoo aan wax goola dhalin.

THIERRY HENRY OO UGU DANBAYN QARKA U SAARAN IN UU SHAQADIISII UGU HORAYSAY EE HEERKA KOOXEED UU TABABARE U NOQDO...

Halyaygii hore ee xulka qaranka France ee Thierry Henry ayaa diyaar u ah in uu bilawdo waayihiisa cusub ee tababaranimada kubbada cagta kadib markii uu iska casilay shaqadii khabiirnimo ee uu ka hayay Sky Sports isaga oo waliba si cad u sheegay in uu hadda diyaar u yahay in uu bilawdo shaqada tababaranimo ee uu waqtiga dheer ku riyoonayay.

Thierry Henry oo tababare ku xigeen ka ah xulka qaranka Belgium oo uu waliba Roberto Martinez si fiican ula soo shaqeeyay koobkii aduunka ee Russia ayaa hadda ugu cad cad in uu qabto kooxda dalkiisa France ee Bordeaux kadib markii ay shaqada kooxdooda ka caydhiyeen Gustavo Poyet.

Warbaahinta dalka Faransiiska ayaa shaaciyay in Thierry Henry uu hadda ugu cad cad yahay in uu noqdo macalinka cusub ee kooxda Bordeaux taas oo haddii ay xaqiiq noqoto xidigii hore ee Arsenal iyo Barcelona ee Henry siin doonta fursad uu waayihiisa tababaranimo markale uga bilaaban karo dalkiisa France.

Wargayska L’Equipe ayaa sheegay in shirkada maal gashiga ee GACP oo laga leeyahay dalka US oo mustaqbalka mulkiyada kooxda Bordeaux yeelan doontaa ay doonayso in Henry uu noqdo macalinka cusub ee kooxda.

Thierry Henry oo ilaa hadda 51 gool ku haysta rekoodhka gool dhalinta xulka qarankiisa ayaa u muuqda mid ugu danbayn soo fadhiisan kara kursiga kaydka heerka kooxeed iyada oo shirkada maal gashiga GACP ay qorshaynaysa in ay 70-100 milyan euros kula wareegto kooxda Bordeaux isla markaana uu Henry noqdo tababaraha cusub ee kooxdan.

PAUL SCHOLES OO DHALEECEEN HOR LEH DUSHA KAGA TUURAY POGBA, KAHOR KULANKA BRIGHTON

Paul Scholes ayaa weerar ku qaaday Paul Pogba, Pogba-and-Scholsxili wali xili ciyaareedka uu bilaw yahay, wuxuuna u muuqdaa midaan ku qancin qaab ciyaareedka laacibka reer Frence.

Ma ahan marka ugu horeesay uu halyayga kooxda Manchester United weerar ku qaado laacibka khadka dhexe reer France ee Paul Pogba, wuxuuna aaminsan yahay in wali looga baahan yahay qabashada shaqo adag.

"Waxaan rajeeneynaa in uu awoodi doono in Manchester United xili ciyaareedkan uu ku hogaamiyo ku guuleysiga koobab, isla markaana ay wax badan iska badali doono”.

"Waxay ila muuqataa in ay xaalad qaldan jirto, tusaale ahaan khilaafka kala dhexeeya macalinka kooxda ee Jose Mourinho, laakiin ma hubo xaqiiqada jirta”.

"Waxaa muhiim ah in Pogba uu qabto shaqo dheeraad ah, si fiican ayuu u ciyaaray kulankii Leicester City, laakiin ma gaarsiisneen heerka la rabay”.

ENGLAND - PREMIER LEAGUE AUGUST 18

Cardiff City 0 - 0 Newcastle United

Everton 2 - 1 Southampton

Leicester City 2 - 0 Wolverhampton Wanderers

Tottenham Hotspur 3 - 1 Fulham

West Ham United 1 - 2 AFC Bournemouth

Chelsea 3 - 2 Arsenal

Italy - Serie A

August 18

Chievo Verona 2 - 3 Juventus

Lazio 1 - 2 SSC Napoli

Spain - LaLiga Santander

August 18

Celta Vigo 1 - 1 Espanyol

Villarreal 1 - 2 Real Sociedad

Barcelona 3 - 0 Deportivo Alaves

England - Premier League August 19

05:30Burnley ? - ? Watford

05:30Manchester City ? - ? Huddersfield Town

08:00Brighton & Hove Albion ? - ? Manchester United

Italy - Serie A August 19

09:00Torino ? - ? Roma

11:30Bologna ? - ? Spal

11:30Empoli ? - ? Cagliari

11:30Parma Calcio 1913 ? - ? Udinese

11:30Sassuolo ? - ? Inter

Spain - LaLiga Santander August 19

09:15Eibar ? - ? SD Huesca

11:15Rayo Vallecano ? - ? Sevilla

13:15Real Madrid ? - ? Getafe

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip