Muxuu Neymar uqalmaa waqtigaan?

0
Saturday August 18, 2018 - 21:02:39 in Wararka by
  • Visits: 1097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Neymar uqalmaa waqtigaan?

    Tababaraha xulka Brazil Tite ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedka Neymar, inkastoo xiddiga weerarka ka ciyaara lagu dhaleeceeyay ficiladii uu sameeyay intii lagu jiray Koobkii Adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha xulka Brazil Tite ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedka Neymar, inkastoo xiddiga weerarka ka ciyaara lagu dhaleeceeyay ficiladii uu sameeyay intii lagu jiray Koobkii Adduunka.

Weeraryahanka Paris Saint-Germain ayaa qaab ciyaareed ku filan aan ka sameyn tartankii Ruushka, iyadoo Selecao 2-1 ay kaga badiyen Belgium wareega quarter-finalka.

Hase yeeshee, isagoo ka hadlayay shir jaraa’id ka dib markii uu magacaabay xulkiisa kulamada saaxiibtinimo la ciyaaraya United States iyo El Salvador, tababaraha Brazil wuxuu difaacay qaab ciyaareedka Neymar.

"Neymar wuxuu u qalmaa in lagu ammaano dhaqankiisa, soo kabsashadiisa iyo anshaxiisa,” ayuu yiri tababare Tite.

"Neymar marnaba wax dhibaato ah kuma qabin xulka, waa wax aad u fudud inaad la shaqeyso isaga.

"Aniga ahaan, Neymar wuxuu ku jiraa seddexda ciyaaryahan ee ugu sareeya adduunka "ayuu hadalkiisa raaciyay macalinka Brazil.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip