Lopetegui oo dalbaday in loo keeno laba weeraryahan
Tababarihii hore ee Spain Lopetegui oo haatan hogaamiya Real Madrid wuxuu ogyahay in kooxdu ay muhiim u tahay inay sameyso saxiixyo dheeraad ah inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.
Sida laga soo xigtay ilo xogogaal ah, Lopetegui ayaa u baahan weeraryahano cusub in lagu soo daro kooxdisa maalmaha ka haray suuqa xagaaga.
Inkastoo qaar badan oo kamid ah taageerayaasha Real Madrid ku qanacsan yihiin Karim Benzema iyo Gareth Bale kadib bixitaankii Cristiano Ronaldo, haddana Lopetegui ayaa u muuqda mid doonaya isbedel xoogan.
Magacyo dhowr ah ayaa lagu sheegay warbixinta inay ku biiri karaan Real Madrid, kuwaasoo ay kamid yihiin Rodrigo, Icardi, Werner, Lewandowski iyo Mariano.