Dr Jamaal Maxamed Axmed ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ahna ku simaha xeer ilaaliyaha ayaa ku booriyay Garsoorayaasha in looga baahanyahay in ay dhowraan nimaadka iyagoo cadaaladda garab taagan.



Wasiirka Cadaalada Xukumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa xusay in la qorsheynayo sidii loo dhisi lahaa Golaha Adeega Garsoorka Dalka.

"Waa Muhiim in la dhiso Golaha Adeegga Garsoorka oo qeyb weyn ka ah Hay”adaha Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka”ayuu yiri Wasiirka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashi Yuusuf Axmed ayaa ku dar daarmay in s bulshadu ay ugu kalsoonaadaan Hay”adaha Garsoorka dalka loo baahanyahay in la muujiyo fur furnaan iyo Daacadnimo.

"Si Bulshadeenu ay ugu kalsoonaadaan Hay”adaha Garsoorka waxaa loo baahnyahay in lala yimaado daacadnimo iyo Fur furnaan” ayuu yiri guddoomiyaha

Dhinaca kale Si loola socdo shaqada hay,adaha Dowladda ayuu ku saabsanaa kormeerka kediska ah ee uu ku tagay Ra,iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar Wasaaaradda Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya, waxaanaa uu qaar ka mid ah xafiisyada wasaaradda ku xog wareystay shaqaalaha iyo wasriirka sida ay shaqada u socoto, islamarkaan waxa uu sheegay in xukumadda ay diyar u tahay sida ay ula xisaabtami laheyd dhamaan hay,adaha Dowladda