Xildhibaan moshin Bartay lama celin karo,haddaan $5000 oo xaqal ciid ah aan la siineyn..Nasashada Jimcaha.Q-109aad.=

0
Friday August 17, 2018 - 20:47:39 in Wararka by
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan moshin Bartay lama celin karo,haddaan $5000 oo xaqal ciid ah aan la siineyn..Nasashada Jimcaha.Q-109aad.=

    1-Nin taajira oo 75 jir ahaa ayaa neeftu ku xirantay, Isbitaalka ayaa la geeyay, 10 saac ayaa Oxygen ku xirnaa si uu ugu neefsado. Markii uu soo fiicnaaday ayaa dhakhtarkii u keenay Biilkii oo ahaa $600, ninkii taajirka ahaa wuu ooyay, dhakhtarkii a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin taajira oo 75 jir ahaa ayaa neeftu ku xirantay, Isbitaalka ayaa la geeyay, 10 saac ayaa Oxygen ku xirnaa si uu ugu neefsado. Markii uu soo fiicnaaday ayaa dhakhtarkii u keenay Biilkii oo ahaa $600, ninkii taajirka ahaa wuu ooyay, dhakhtarkii ayaa ku yiri: haddiiLacagtu kugu badan yahay qayb qayb ayaad isaga bixin kartaa.

Taajirkii ayaa ku yiri: Lacagta kama ooynin ee 75 sanno ayaaqaadanayay dhabeyl aan ku neefsado oo Lacag la’aan ah, Allana isiiyay, haddii taa biilkeeda la igu soo dalici lahaa meeqa ayeey noqonlaheyd. (Fiiri Sawirka: 1aad)

(Adigu inta Hawa lacag la’aan ah aad qaadatay ka sokoow inta saacadood ee aad caafimaad lacag la’aan ah aad heysatay iyo Daqiiqada yar inta dhaqtarku kugu dalacay ma is barbar dhigtay, waxa lagaa rabo lacag ma ahan ee Hal kalmad oo niyad ah "SHUKRI”, hadda Alla ugu shukri neefsigii ugu dambeysay ee aad neefsatay intii aad qoraalkan aqrineysay, waa iga talo).

2- Ugujungu oo ahaa wiil yar oo galbeedka Afrika ku nool ayaa la yiri: sheeg shanta dal oo Afrika ugu Musuq maasuqa badan, wuxuu yiri: waa Kenya, Uganda, South sudan, Ghana iyo Somalia. Waxaa la yiri: maxaad


uga tagtay Naajeerya. Wuxuu yiri: Marka Dambiila yaasha la tirinayo,
Shaydaanka laguma daro. (F.S:2aad)

(Adna sheeg shanta wasaaradood ee Soomaaliya ugu musuqa badan, oo na
gaarsiiyay in caalamka N0 1 aan ka noqono, Xarfaanta waaweyn iska
dhaaf, iyagu waxa ay joogaa xafiiska "Corruption free Zone” )

3-Laba gabdhood oo hormaraya Guri uu degenaa nin wasiir ah ayaa mid
tiri: Abaayo ii raadi nin wasiir ah oo qurbaha ka yimid, Haddii lawaayana wasiir ku xigeen, hadii la waayo Agaasime, haddii la waayo
xisaabiye, kulina wada qurba joog ah, illeyn cid kale xil loomaogolee.

Istaafkii waardiyaha u ahaa wasiirka oo irida fadhiyay ayaa ku yiri: haddii intaa la waayo, aniga ha la isoo Waco, waxaana ahay qorax joog.

4-Reer deganaa baadiyaha ayaa Gabar yar raacin jiray waxaraha,Barqadii ayaa hooyadu duqeeda siin jirtay Odgac, maalintii kale ayaaGabadhii ogaatay, waxarihii ayey u soo eriday guriga xagiisa,hooyadiina waxa ay siisay odgac. Maalintii labaad markii duqa odgaca la siinayay ayey haddana soo eriday waxarihii.

Hooyadii ayaa ku tiri: maxaad waxaraha guriga agtiisa ugu heysaa
maalin kasta. Waxa ay tiri : hooyo, ma waxara odgac urshay ayaa la celi karaa. ( F.S: 3aad)

(Xildhibaan mooshin Bartay lama celin karo, haddaan $5000 oo xaqal
ciid ah aan la siineyn, sida ciidii hore, F.S: 4aad)

5- wiil IT ku bartay jaamacadda Gaalkacyo (GU) ayaa soo saaray
miisaanka dadka oo leh dhawaq sheegaya culeeyskaaga, wuxuu ku
Borogaraamiyay culeyska reer gaalkacyo oo ah 40kg -75kg.

Miisaankii ayuu Xamar weyne keenay, waxa ku istaagtay Xaliima Buuru oo 180kg aheeyd, kombiyuutarkii ku xiraa miisaanka "Made in Galkacyo” ahaa ayaa shanqaray oo yiri: war sidaanu si maahan ee miisaanka halhal u fuula.( F.S: 5aad)

6-Nin aad isaga dhowro in uu dambi galo, aqoon fiicana leh ayaamadaxweyne ku yiri: waxaan kaa dhigaa wasiir, ninkii ayaa yiri: xilkaa ma qaban karo. Madaxweynihii ayaa ku yiri: waa beentaa , waana kaa
dhigaa.

Ninkii ayaa yiri: haddii warkeygu run yahay ma qaban karo, haddiikaagu run yahayna ma nin been low ah ayaad xil ummada ugu dhiibee.

(Shuruudaha la diidayo amay tahay, Aqoonta & Runta, ma ogi).

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip