Barcelona iyo wararkii ugu waa weynaa ee maanta

0
Thursday August 16, 2018 - 20:11:13 in Wararka by
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona iyo wararkii ugu waa weynaa ee maanta

    Kooxda Barcelona ayaa ku ciyaari doonto dalalka Mareykanka iyo Canada kullamo ka tirsan horyaalka La Liga, ka dib markii xiriirka dalka Spain uu heshiis 15-sano ah ku galay in horyaalka kullamo ka mid ah lagu ciyaaro meel ka baxsan gudaha dalka ama q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Barcelona ayaa ku ciyaari doonto dalalka Mareykanka iyo Canada kullamo ka tirsan horyaalka La Liga, ka dib markii xiriirka dalka Spain uu heshiis 15-sano ah ku galay in horyaalka kullamo ka mid ah lagu ciyaaro meel ka baxsan gudaha dalka ama qaaradda Europe.

Macallinka Manchester United ee Jose Mourinho ayaa u sheegay Paul Pogba inuu isaga tagi karo Old Trafford haddii uu doono.

Kubbad qaabeeyaha reer France ayaa si aad ah ugu baxsanaya inuu ku biiro kooxda Barcelona oo xagaagan oo dhan lala xiriiriyay inuu ku biiri karo.

  1. Kooxda Liverpool ayaa ku dhow inay Barcelona ka dul qaaddo laacibka khadka dhexe uga ciyaara Paris Saint-Germain ee Adrien Rabiot.

Wararka ka imaanaya dalka Faransiiska ayaa sheegaya in ciyaaryahankan uu Reds u saxiixi doono heshiis hor dhac ah oo uu January ugu biiri doono, halka Barcelona ay illaa 31-ka bishan August laga filayo in saxiix sameyso.

  1. Madaxda Barcelona ayaa weli go’aan rasmi ah aanan ka qaadanin mustqabalka weeraryahankooda Ousmane Dembele.

21-jirkan ayaa xagaagan oo dhan diiradda u saarnaa qaar ka mid ah kooxaha qaaradda Europe, balse Josep Maria Bartomeu iyo Dembele ayaa isku af gartay inuu sii joogo Camp Nou.



Balse Barca ayaanan go’aan rasmi ah weli ka gaarin inay iibinayaan inay sii heyn doonnaan weeraryahanka reer France, balse madaxda qabta inuu sii joogo ayaa hadda aad u badan.

  1. Laacibka kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa lagu soo warramayaa inuu xagaagan doonayo ku biiritaanka kooxda Barcelona.

Dail Mail ayaa baahisay in kubbad sameeyaha reer France ayaa dareemaya inuu dhibaato badan ku qabo qolka Lebiska kooxda Red Devils, sidaas darteed uu baxsad u yahay kooxdq Barca.

Waxa ay qodobbadi ka mid yihiin kuwa ugu hadal heynta badan ee la xiriira kooxda reer Spain.

Wax walba oo soo kordha saacadaha soo aaddan waan idiin soo gudbin doonnaa Inshaa Allaah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip