AMISOM oo bilowday qorshe ay uga baxayaan Garoonka Stadium Muqdisho

0
Thursday August 16, 2018 - 19:33:59 in Wararka by
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo bilowday qorshe ay uga baxayaan Garoonka Stadium Muqdisho

    AMISOM ayaa bilaabay qorshe ay uga guurayaan Garoonka Stadium Muqdisho oo muddo 7 sano u ahaa saldhig ciidan, sida uu xaqiijiyay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Madiera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AMISOM ayaa bilaabay qorshe ay uga guurayaan Garoonka Stadium Muqdisho oo muddo 7 sano u ahaa saldhig ciidan, sida uu xaqiijiyay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Madiera.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la sheegayay in Ciidamada AMISOM ay si tartiib tartiib qalabkooda ugala baxayeen Garoonka Stadium Muqdisho.

Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Madeira ayaa sheegay mid ka mid ah natiijooyinka ugu waa weyn ee qorshaha kala guurka AMISOM uu yahay ka bixitaanka Garoonka Stadium Muqdisho.

Amb. Madiera ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Stadium Muqdisho ay dib ugu laabato gacanta shacabka Soomaaliyeed.

Garoonka Stadium Muqdisho ayaa ka mid ahaa garoomada ugu casrisanaa Afrika berisamaadki, waxaa la dhisay sanadkii 1978, waxaa uu leeyahay qeybo kala duwan, sida garoon kubadda cagta ah, garoonka kubadda Miiska, Dabaasha iyo qeybo kale.

Garoonka ayaa soo maray marxalado kala duwan oo ka dhashay dagaaladii sokeeye, waxaana garoonka xilliyo kala duwan isku bedelay xarumo ciidan oo ay saldhigyo ka sameysteen dhinacyo hubeysan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip