Deigo Godin oo caddeeyay sababta uu ku diiday Manchester United

0
Wednesday August 15, 2018 - 20:58:30 in Wararka by
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deigo Godin oo caddeeyay sababta uu ku diiday Manchester United

    Kooxda Manchester United ayaa hadafyadeeda difaaca goor dambe inta uusan xirmin suuqa Premier League-ga ku darsatay Deigo Godin kaasoo iska diiday inuu u dhaqaaqo Premier League-ga. Saxaafadda Sports-ka qorta ayaa shaacisay in xiddigga Atletico Madr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Manchester United ayaa hadafyadeeda difaaca goor dambe inta uusan xirmin suuqa Premier League-ga ku darsatay Deigo Godin kaasoo iska diiday inuu u dhaqaaqo Premier League-ga. Saxaafadda Sports-ka qorta ayaa shaacisay in xiddigga Atletico Madrid uu u saxiixayo kooxdiisa heshiis cusub, balse Godin ayaa gaashaanka u daruuray sheekadaas.
32-jirkan ayaa caddeeyay inuu u diiday Red Devils sababo shaqsiyadeed, balse uusan heshiis u saxiixin kooxda Roja Blancos.

"Wax heshiis ah ma aanan cusbooneysiin” ayuu yiri Godin ka hor kullanka UEFA Super Cup oo uu wajahayo Real Madrid.

"Waan helay dalabyo, balse waxaan go’aansaday inaan iska joogo, sababo la xiriira shaqsi ahaan, waxaan ka fikirayaa keliya Final-ka, welina heshiis kordhin ma aanan sameyn”.

Waaya aragga reer Uruguay ayaa xaqiijiyay inuu warar kala geddisan maqlay, balse uusan ogeyn halka ay ka socdaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip