Barcelona oo qaab kale isugu dayaysa saxiixa Pogba! Muxuu yahay qorshahaas ?
Barcelona ayaa ah kooxda sida aadka ah u xiiseyneysa kubbad qaabeeyahan, walow isku daygii koowaad uu fashil kusoo dhammaaday.
Lacag €50m oo lagu daray Yerry Mina iyo Andre Gomes ayay Red Devils kusoo celisay kooxda reer Spain, balse weli waxa ay Barca eegeysaa qaab kale oo ay xiddiggan kula soo wareegaan.
Xagaagii hore, Blaugrana ayaa isku dayday inay lasoo saxiixato Philippe Coutinho, hase ahaatee, markii ay ku hungowday ayay January ku laabatay iyadoo gacanta kusoo dhigtay.
Barcelona ayaa isla qorshahaas u diyaarisay inay kusoo qaadato Pogba haddii ay ku guuldarreystaan inay soo xero geliyaan maalmaha soo socda.
Laacibka reer France ayaa heysta saddex sano oo qandaraaskiisa Old Trafford ka harsan, muddo walba oo ka dambeysa xaalkan, waxay dhimeysa qiimaha lagu iibsan karo.
Eric Abidal ayaa inta ugu badan xoogga isugu geynaya xiddiggii hore ee Juventus, isagoo garab fiican ka helaya Mino Raiola oo ah wakiilka Pogba isla markaasna doonaya inuu laacibka ka dejiyo Camp Nou.
Barcelona oo qaab kale isugu dayaysa saxiixa Pogba! Muxuu yahay qorshahaas ?
Laacibka kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa uu mustaqbalkiisa lulanayaa illaa iyo hadda, tiiyoo ay suuqa kala iibsiga qaaradda Europe ka harsantahay qiyaastii 18-cisho.