Mario Balotelli oo si maad leh ugu jawaabay taageere waydiiyay sababta uusan ugu soo biirayn Napoli
Mario Balotelli ayaa boggiisa Instagram ugu jawaabay taageere, kaas oo waydiiyay sababta uusan ugu soo biirayn Napoli, maadaama lala xiriirinayay xagaagan in uu isaga dhaqaaqayo kooxdiisa Nice.
Balotelli oo kamid ah xidigaha aan lagaban hadalka ayaa taageerihii waydiiyay suaashaas si layaab leh ugu sheegay in uu dib u waydiiyo suaaashan oo kale madaxwaynaha kooxda Napoli ninka lagu magacaabo Aurelio De Lauretiis.
"Waxa aan u malaynayaaa in uu igaga habboon yahay in aad waydiiso suaashan madaxwanahaaga (De Laurentiis).”
Balotelli ayaa lagu xasuustaa waqtiyadii uu lasoo qaatay qaar kamid ah kooxaha ugu waawayn qaaradda yurub sida, AC Milan, Liverpool iyo Mancchester City oo uu kula guulastay Premier League.