Arturo Vidal oo doortay lambarka kooxda Barcelona u xiran doono

0
Tuesday August 07, 2018 - 21:28:58 in Wararka by
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arturo Vidal oo doortay lambarka kooxda Barcelona u xiran doono

    Laacibka cusub ee kooxda Barcelona, Arturo Vidal ayaa doortay lambarkiisa cusub ee kooxda Barcelona uu u xiran doonno.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka cusub ee kooxda Barcelona, Arturo Vidal ayaa doortay lambarkiisa cusub ee kooxda Barcelona uu u xiran doonno.

Vidal ayaa doortay inuu xirto lambarka 22-aad ee kooxda Barca, waana lambarka uu ka tagay Aleix Vidal oo dib ugu biiray kooxda Sevilla.

Laacibka reer Chile ayaa ku caan baxay lambarka 23-aad oo uu xirtay kooxaha Juventus iyo Bayern Munich, iyo lambarka 8-aad ee xulkiisa.

Samuel Umtiti ayaa u hibeyn kara lambarkiisa saxiixa cusub ee Barca, halka Barcelona ay ku abaal marin karto lambarka 8-aad ee uu dhaxal ahaan kaga tagay Andres Iniesta.

Ma jirto weli wax xaqiiqo ah oo ku aaddan lambarka Vidal oo ay xaqiijisay Barcelona, se dagaalyahankan ayaa door biday inuu xirto lambarka 22-aad.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip