Xaad Ka Taqaan Sagaalka Mucaarad & Muxaafad Jajabsade/ Juq Siiye.

0
Monday August 06, 2018 - 23:10:10 in Wararka by
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaad Ka Taqaan Sagaalka Mucaarad & Muxaafad Jajabsade/ Juq Siiye.

    Haddii Qof ku yiraa waxaan ahay Mucaarad ha iska Taageerin ee weydii, Mucaaradkee tahay? 1-Mucaarad Jeeb= waxaa ka maqan dhaqaale hadii uu helo wuxuu si toos ah ugu wareegayaa SIM 2 Muxaafad ah. 2-Mucaarad Jago= a) waxa ka maqan Xil uu dowlada mark

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii Qof ku yiraa waxaan ahay Mucaarad ha iska Taageerin ee weydii, Mucaaradkee tahay? 1-Mucaarad Jeeb= waxaa ka maqan dhaqaale hadii uu helo wuxuu si toos ah ugu wareegayaa SIM 2 Muxaafad ah. 2-Mucaarad Jago= a) waxa ka maqan Xil uu dowlada markaa jirto ka rabo. B), waxaa ka maqan xil ka weyn kan dowladu ay siin karto. 3-Mucaarad Jufo= waxa uu diidan yahay qabiilka Qofka xilka hayo, xatta haddii qabiilkiisa uu yahay, waxa uu diindan yahay JUFA hoosaadka kan xilka hayo.

4- Mucaarad Jiiraan & Jafka=waxaa mucaarad ku shaqeeya Amarka waddamada Jaarka ah, ama kuwa kale oo Jafka degan oo warqad dhalasho iyo dhaqaalba uu ka qaatay.

5-Mucaarad Jigraar= waa mucaarad Madax adag oo Jigraar un la soo taagan.

Xaad ka taqaan Sagaalka Mucaarad & Muxaafad Jajabsade/ Juq siiye.

6- Mucaarad Jamhuuriyad=waa mucaarad Raba in la helo Nidaam iyo Jamhuuriyad Somaliyeed.

7-Mucaarad Jihaad= waa mucaarad Qaba firkir Diini ah, Rabana in Shareecada lagu dhaqo, laakin Asagu uu wax ku dhaqo, ama cid si gaar ah uu u aaminsan yahay.

8-Mucaarad Juuq laawe=waa mucaarad iska Aamusan, waxa socdana ayna la wanaagsaneyn, waxa soo socdana ka shakisan.

9- Mucaarad Jiritaan= waa mucaarad jiritaankiisa raba, nolol ammaan ah oo uu ku shaqeeysto, ku Ganacsado, wax ku barto, ku Ilma korsado cidii doonta ha hogaamisee.

Lamma kala dacaayad yara. Mucaarad & Muxaafadba. ( Fiiri Sawirka: 1 & 2aad). Laakiin Mucaaradku waxa uu jecelyahay in uu dadka nool wax u sheego. Muxaafadkuse waxa uu rabaa, Xattaa in uu Maytada Taageero ka helo. ( F. S : 3aad)

Muxaafad Jajabsade/Juqsiiye = waxa uu ka soo hor jeedaa 9 kan dhamaan, cid kalena wax uma ogola, asaguna kaligii kuma filna Howsha hortaal. ( Shaah shirka lagu yahay ayuu rabaa in uu kaligii shubto) . waa mid isla saxan, shaki badan, Qayba ka mid ah Mucaaradka ayuu jecelyahay in uu soo dhaweeysto. Laakin ma jecla qaarkood sida No. 6,&7.

Madaxdda muxaafadku haddii ay dareemaan xaalada halis ah, badanaa ma isticmaalaan Caqli Iyo Aqoon ee waxaa ay isticmaalaan Hub dilaa ah iyo gantaalo Halis ah oo la yiraa D100. ( F.S: 4aad)

Madaxda Muxaafidku Badanaa ma ogaadaan khaladkooda, xaqiiqdana ma wajihi karaan, Madaxa ayey ka qarsadaan. ( F.S. 5aad).

Adigu Kee ka Tahay 9 ka Mucaarad & Muxaafad?

Mucaarad/Muxaafad & Muxaafad/ Mucaaradna waa jiraan ee xisaabta ku dar.

FG: Aragtidaada Xor ayaad u tahay, ku dar wixii aan ka tagay.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip