Axel Witsel oo ku biiray kooxda Borussia Dortmund

0
Monday August 06, 2018 - 21:04:04 in Wararka by
  • Visits: 506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axel Witsel oo ku biiray kooxda Borussia Dortmund

    Laacibka khadka dhexe ee Axel Witsel ayaa kusoo biiray kooxda Borussai Dortmund isagoo kaga soo biiray dhanka kooxda Tianjin Quanjin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka khadka dhexe ee Axel Witsel ayaa kusoo biiray kooxda Borussai Dortmund isagoo kaga soo biiray dhanka kooxda Tianjin Quanjin.

Xiddigga reer Belgium ayaa sheegay inuu horay ugu fikiray inuu kusoo laabto qaaradda Yurub marka uu dhammaado Koobkq Adduunka, isagoo aad usoo dhoweeyay ka mid noqoshada kooxda BVB.

Witsel ayaa la gaaray kooxdiisa cusub heshiis afar sano ah oo kula sii joogi doono, waxaana uu carrabka ku dhuftay inuu sugi la’ yahay ka hor ciyaaridda 81,000 taageerayaal oo ku sugan Signal Iduna Park.

29-jirkan ayaa maanta soo gaaray xerada ay ku tababaranayso kooxda Borussia ee ku taalla dalka Switzerlan, iyadoo kooxda reer Germany ay sugayo inay FIFA ansixio iibka laacibkan.

Xulka qaranka dalka Belgium ayaa wacdaro ka dhigay Koobka Adduunka sanadkan, waxaana uu ka mid ahaa ciyaartoyda gacanta sare ka qaatay in xulkooda uu gaaro kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip