HALKAAN KA AKHRISO :-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 4-TA AGOOSTO 2018-KA

0
Saturday August 04, 2018 - 07:53:29 in Wararka by
  • Visits: 1760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO :-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 4-TA AGOOSTO 2018-KA

    Dowladda federaalka iyo Puntland oo isku afgartay sii deynta maxaab iis Burcad badeed-nimo u xiran Shirkii Golaha Wasiiradda ee maalintii daraad ka dhacay magaalada Gar-oowe ayaa qodobadii leysku afg-artay waxaa ka mid ahaa sii deynta Boqolaal Max

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda federaalka iyo Puntland oo isku afgartay sii deynta maxaab iis Burcad badeed-nimo u xiran Shirkii Golaha Wasiiradda ee maalintii daraad ka dhacay magaalada Gar-oowe ayaa qodobadii leysku afg-artay waxaa ka mid ahaa sii deynta Boqolaal Maxaabiis ah ku xir xiran deegaannada Puntland, kuwaa oo loo heysto arrimo burcad badeednimo ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Ma-xamuud Geelle ayaa sheegay in ma-daxda dowladda Soomaaliya iyo Pun-tland isku afgarteen sii deynta maxa-abiista ku jirta xabsiyada Puntland ee loo heysto arrimaha burc ad badee-dnimada.

‘’Maxaabiista ku xiran Puntland ee loo heysto kiisaska Burcad bade-ednim ada ee u xiran xukunnada loo-ga soo riday dalka dibeddiisa, ayaa leysku afgartay in la sii daayo, iyada oo loo marayo sii deyn-tooda waddadii maxaabiistii iyaga la midka ahaa laga soo daayay dalalka dibeda’’ ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Shirka ayaa sidoo kale arri-maha looga hadlay waxaa ka mid ahaa, Amniga, Qaraxii Buuhoodle, Maxaabiista u xir xiran burcad bade-ednimada, xaalada ka taagan xudd-uuda Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan weerarrada lagu hayo xar-umaha Isgaarsiinta iyo qodobo kale.

Shirka Golaha Wasiirrada ee daraad ka dhacay ayaa yimid kaddib markii xal hoose laga gaaray wax xooggaa khilaaf ah oo ka dhashay go’aankii uu ra’iisal wasaaraha Soo-maaliya Xassan Cali Kheyre uga baaqday dhaggax-dhigga dekedda Garacad oo ay siweyn uga xumaad-een siyaa siyiinta iyo waxgaradka Puntland.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku wajahan Boosaaso


Xasan Cali Kh-eyre Ra’iisul Wasa-araha Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degaanada ma-amulka Puntland ayaa maanta wax-aa lagu waddaa in uu taggo Magaal-ada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sidda ay xa-qiijiyeen Mas’uu-liyiin ka tirsan maa-mulka gobolka Bari, Waxaa Saaka laga dareemaya mag-aalada Boosaaso soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Qabanqaabadda soo dhaweynta Ra’-iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka so-cota Magaalada B-oosaaso oo xarunta Ganacsiga maamulka Puntland.

Xasan Cali Kh-eyre Ra’iisul Wasa-araha Soomaaliya ay-aa horay u tagay Ma-gaalada Qardho, wax-aana kulan uu la qaa-tay Waxgaradka Mag-aaladaasi oo uu kala hadlay Xaaladda So-omaaliya.

Itoobiya oo ka hadashay qoondada shidaalka ay Somalida yeelanayso

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrin aad loo hadal hayay oo ku saabsan qoondada dadka deeg-aanka Soomaalida ay ka helayaan shidaalka laga soo saaray deegaa-nkaas.

Dr Abiy oo dad badan kula hadlayay gobolka Minnesota ee dalka Maray kanka ayaa ka jawaabay su’aal ahayd "Dhinaca deegaanka soomlida Itoobiy waxaa la iga weydiiyey dad badan oo shacabka dambiya ka galay ay jira maxaad ka damacsan tihiin, Oil and Gas iyo arrinta deegaanka shid-aalka laga helay iwm?”.

Dr Abiy ayaa ku jawaabay "Wa-laala heen deegaanka soomaalida waxaan u sheegay in ka badan 5 goo-bood ayaa Itoobiya shidaal laga helay, arrintu meesha taagan ma aha inaan ku faanno anigu shidaal ban helay, anigu bun ban leeyahay anigu biyaan leeyahay ee muhiimaddu waxaa wee-yey sideen kheyraadkaasi meel isugu geeyna oo aan uga wada faa’ide-ysanna”.

"Sababta oo ah kunki sano ee la soo dhafay iyo 60 sana ee ugu dambeey say ee shidaalkan la baad-hayeyba shidaalkaas inu biya yahay inuu ciid yahay lama ogeyn.Hadda marka uu wixi uu shidaal noqday had-dii aan dhahno dhulkeyga ayaa laga helay iyo waxyaaba noocaa natiijada ka dhalan karto waa inaan isleyno oo keli ah taana wax faa’ida ah malahan” ayuu intaasi ku daray ra’isulwas-aaraha. Wuxuu Dr.Abiy Sheegay in kheyraad ka dhulka Itoobiya uu yahay mid dad ka oo dhan ay leeyihiin, wux-uuna sheegay qoondada ay yaalan karaan dadka Soomaaliya ee degan meelaha shidaalka laga heley, wuxu-una yiri "Hase yeeshee, iyada oo aan deegaanka Soomaalida oo keli ah loo eegeyn kheyraad kasta oo dabiici ah oo laga helo deegaan kasta 5-10% waxa lagu hormarinayaa deeganka kheyraadka laga helay, arrintaasina waa mid caada u ah oo ay ku dhaqm aan waddama badan oo ka tirsan qaaraddan Afrika”.

Maxay qabaan madaxda Soomaalida?

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya Cabdi Maxamu ud Cumar ayaa horey uga hadlay qo ondada uu deegaanka ku leeyahay shidaalka, wuxuuna yiri "Su’aasha ay ka hadlayaan ee ay aad noo weeydiin ayaan, waa imisa ayaan leenaya, wix-iiba inaga ayaa lehe, imisa aan leena-hay waa maxay?” ayuu yiri madax-weynaha oo intaas ku daray "Sharci waxaa jira federaalka oo dhigaya in shidaal haddii uu soo boxo, ama xitaa kheyraad kale in deegaanka uu lee-yahay boqolkiiba 40%, federaalkuna wuxuu leeyahay 60%, midda feder-aalka lafteeda ayaan wax ku leena-hay” .

Sheekh Ibraahim Dheere oo ahaa guddoomiyihii jabhaddii hubeysnayd ee heshiis la gashay dowladda Itoob-iya ayaa "waa in la xaddidaa qoondo la’isla ogyahay , sidoo kale dadka deegaanka waa in laga shaqo galiyaa mashruuca, hadda waa ku yaryihiin”. Wuxuu la hadlayay BBC-da mar uu xarunta soo booqday kal hore.

Sidoo kale afhayeen u hadlay jabhadda ONLF ayaa sheegay in ay ka hortagayaan in kheyraadkii iyo ha-ntidii dadka lasoo saaro iyada oo aa-nan dadkii lahaa laga talogalinin, sida uu hadalka u dhigay, kana hortagi do-onaan wax kasta oo ay ku qaadataba. BBC

Hooyo Somaliyed oo isku dishay gobolka Shabeellaha Dhexe

Hooyo Somaliyed oo lagu mag-acaabi jiray Xaliima Calasow ayaa is-ku dishay sabab la xiriirta codsigii Ma-dax weyne Farmaajo ee aha in cuna-qabet ynta laga qaado Xukuumadda Asmara ee dalka Eritrea.

Hooyadan oo ku nooleyd tuul-ada Ceel Baraf ee gobolka Shabeel-laha Dhexe ayaa waxa ay u geer-iyootay Sun ay cabtay, kadib markii Idaacadaha ay ka dhageysatay in Madaxweynaha Somaliya uu QM ka dalbaday in cunaqbateynta laga qaa-do Eritrea oo heysata dhul ay leed-ahay Jabuuti.

Hooyadan ayaa la sheegay inta aysan geeriyoon inay aad u hadal heysay khilaafka yar ee soo kala dhexgalay dowladaha Jabuuti iyo So-maliya, kadib markii Jabuuti ay ka carootay hadalkii Madaxweynaha, wa-xaana dadka ay sheegeen in Hooya-dan ku celcelineysay inta aysan dhi-man walaalaheena Jabuuti abaalk-ooda sidan miyaa laga dhigay.

Waxaan ku suganahay Ceel Baraf Hooyadey ayaa is dishay oo Sun cabtay, aniga suuqa ayaan aaday islamarkii aan baxay waala isoo wa-cay, waxaa la igu yiri Hooyaa is dis-hay, sababtana waxa ay tahay inay ka carootay hadalkii Madaxweyne Far-maajo ee taageerada uu ugu muujiyay Eritrea oo colaad ay kala dhaxeyso dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Hooyadey ayaa inta aysan geeriyoon dhihi jirtay sideen ugu abaal dhaceynaa walaalaheena Jabuuti ee taageerada noo muujiyay”. Ayuu yiri Daauud Cabdi Maxamed oo la hadlay Idaacadda Kulmiye.

Qaramada Midoobay ayaa ku gacan seyrtay hadalkii Madaxw-eynaha Somaliya ee ahaa in cunaqa-batgeynta laga qaado Eritrea, waxa-yna sheegtay in hada aanan la joogin waqtigaasi.

Mnangagwa oo ku guuleystay doorashadii Zimbabwe

Madaxa guddiga doorashada ee Zimbabwe, Priscilla Chigumba, ayaa ku dhawaaqday in madaxweynaha iminka ta-lada haya, Emerson Mnangagwa, uu yah-ay qofka ku guulaystay doorashadii mad-axweynenimada ee Isniintii dhacday.

Mr Mnangagwa ayaa ku guu-laystay 51% codadkii la dhiibtay, halka ninka uu loollanka adag kala dhexeeyey ee mucaaradka MDC, Nelson Chamisa, uu helay in wax yar ka badan 44%.

In yar ka hor intii aan natiijada lagu dhawaaqin ayuu guddoomiyaha MD-C ku gacan sayray natiijada, isagoo she-egay inay tahay been abuur, oo aan la xaqiijin.Xigasho:-/BBCSomali

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo amray in la sii daayo 

Maxaabiis ku xiran Garowe

Golaha Wasiirada Xukuumad-da Federaalka Soomaaliya ayaa ku-lankoodii daraad ee mgaalada Gar-owe waxa ay iskula garteen in la sii daayo maxaabiis Soomaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla magaaladaasi.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Da-ahir Maxamuud Geelle ayaa waxa uu sheegay in Khayre uu amar ku bixiyay sidii loo sii deyn lahaa maxaabiistaasi, kadib markii ay ka wada hadleen isa-ga iyo Madaxda Puntland.

Arrintan ayaa inay dabagal ku sameey aan waxaa loo xil saaray Ra’iisul Was aare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxa med Guuleed (Khadar) iyo Wasiirka Cadaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfafinta ayaa yiri "Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo maxaabiista ku xiran halkan, wuxuuna hawshan u xil saaray Ra’iisul Wasa-are kuxigeenka dalka iyo Wasiirka Ca-daaladda, sii deysmada maxaabiistan waxaa loo marayaa hanaankii lagu soo daayay maxaabiistii dibadda.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo uu hoggaminayo Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xalay waxa ay ka qeyb galayaan dabbaaldegga munaasaba-dda 20 sano guurada ka soo ware-egtay aasaaska Puntland, kadib ayay soo gaba gabeyn doonaan safarkoodii Garowe.

Xoghayaha gaashaandhiga UK oo ka digay khatarta 

dagaalyahanada Al-Shabab.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK ee Rt. Hon. Gavin Williamson ayaa amm-aanay horumarka laga gaaray dhinaca amniga ee Soomaaliya, laakiin waxa uu ka digay in ka bixitaanka ciida-mada Midowga Afrika ee ka imaanaya Geeska Afrika, ay saameyn xun ku yeelan karto horumarka laga gaaray. Xoghayaha Difaaca ayaa sheegay in xukuumada UK ay dooneyso in ay xaqiijiso in AMISOM ka soo baxdo So-omaaliya aan la qaadin, illaa dham-maadka dambe si buuxda u awood u leh inay wax ka qabato mas’uuliyadda amniga qar anka.

"Dorka ay ciyaarayaan waa mid ka mid ah marar dhif ah oo aan la iloobin adduunka, laakiin waa inay noqotaa wax ay tahay in la muujiyo lana dabaaldego; sababtoo ah iyada oo aan wax talaabo ah la qaadin, iyada oo aan shaqadii ay qabanayeen si loo sugo amniga, Soomaaliya wax-ay ahaan lahayd meel aad u adag, "ayuu yiri Xoghayaha Difaaca oo she-egay in wax yar ka dib markii uu la ku-lmay Taliyaha Ciidamada AMISOM Lt Gen. Jim Beesigye Owoyesigire , Ku-xigeenka madaxa AMISOM ee Soom aaliya Mr. Simon Mulongo iyo mas’uu liyiin kale oo sare oo AMISOM ah oo ka tirsan Xarunta Madaxtooy ada ee caasimadda Muqdisho.

"Waxaan ka wada hadalnay ar-rimo dhowr ah, gaar ahaan taageer-ada joogtada ah ee ay siinayaan Mid-owga Afrika iyo AMISOM, hirgelinta Qorshaha Kala-guurka, hawlaha aan isku dayeyno in aan kor u qaadno So-omaaliya; iyo sidoo kale, waxaan ka wada hadalnay xalka cusub (QM). AMISOM waxay qabatay hawlo dhowr ah oo ku saabsan fulinta waajibaadk-ooda, "ayuu yiri Mulongo.

Wasiirka, kaasoo booqasho ra-smi ah ku yimid Soomaaliya wuxuu muujiyay balanqaadkii xukuumadda ee UK in ay sii wadi doonto taageera-da Ciidamada Ammaanka Qaranka Soomaaliyeed iyada oo loo marayo dhisidda awooda. "Waxa aan ubaah-annahay waa in aan hubinno in xuku-umadda Soomaaliya ay leedahay aw-ooda iyo khayraadka lagama maarma-anka u ah, si ay u awoodaan in ay su-gaan ammaanka gudaha xuduuda-hooda,” ayuu yiri.

Rt. Hon. Williamson ayaa sidoo kale booqday Sirdoonka Sirdoonka, Kormeerka iyo Isku-Duwidda Nabad-galyada ee AMISOM, halkaas oo uu la-hawlgalayaasha Midowga Afrika iyo fududeeyayaasha Soomaalida ku saa-bsan arrimaha ilaalinta carruurta, jinsiga iyo rabshadaha galmada la xi-riira. Waxa uu ammaanay "wada sha-qeyn ballaaran” oo ka dhexmuuqday daneeyayaasha kala duwan, taas oo awood u siinaysa dib-u-dhiska Soom-aaliya. "Halkan imaadey Soomaaliya, markii ugu horeysay, wuxuu ii samee-yay aragti xoogan,” ayuu yiri. "Waa wax aad u wanaagsan in la arko xi-riirka dhow ee xiriirka aan la leenahay AMISOM iyo quruumo badan oo kala duwan oo ka kala yimid caalamka. M-axaa igu dhuftay fursadaha dhabta ah ee Soomaaliya ay soo bandhigtay. ”

Dawlada UK waxay u soo mari-say Kooxda Taageerada Hawlgalka ee Boqortooyada Midowday (UKM-ST), waxay taageertaa Hawlgalka Mi-dowga Afrika ee siyaabo kala duwan, waxaanay gacan ka gaysatay taage-erada tababarka ciidamada iyo shis-heeyaha ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ee Muqdisho iyo gobolla-da federaalka.Isha: AMISOM

Xukuumadda Somalia Oo Ku Dha waa qday In Uu Wanaagsan Yahay Xiriirka 

Kala Dhexeeyo Imaaraatka Carabta.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somalia Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo u warramayay Wakaaladda Wararka ee Anadolu ay-aa sheegay in uu wanaagsan yahay Xiriirka u dhexeeya wadamada Som-alia iyo Emaraatka Carabta.

Mudane Mahdi Maxamed Guu-leed ayaa hoosta ka xariiqay in Imaa-raatka uu kala dhexeeyo Soomaaliya xiriir dhaqaalo iyo mid ganacsi ayna gacan weyn ka geysato la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.

Sidaas daraadeed ayuu tilm-aamay in wax yar oo Mugdi ah oo soo kala dhex galay labada dal la xallin doono si uu uga sii wanaagsanaado xiriirka meesha uu haatan joogo.

Wadamada Somalia iyo Imaar-aatka Carabta ayaa horay loo hadal hayay in uu meesha ka baxay marka loo eego ismari waa hareeyay oo sababay in Imaaraatku joojiyeen dhaq dhaqaaqyadii ay ka sameynayeen da-lka.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo gaaray magaalada Beledweyne

Madaxweynaha maamul gobol-leedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ay-aa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii uu saddex habeen uu hoyday magaal-ada Jowhar ee xarunta Hirshabelle.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweyn-aha Hirshabelle ayaan la ogeyn uje-edka booqashada uu ku tegey maga-alada Beledweyne, hase yeeshee wa-rar ayaa sheegaya in uu halkaa u tegey sidii uu u la kulmi lahaa saraak-iisha Qaramada Midoobay ee fadhig-oodu yahay magaalada Beledweyne.

Magaalada Beledweyne waxaa xarunta ugu weyn ku leh hay’addaha UNka ee ka howlgala bartamaha Soo-maaliya, gaar ahaan deegaannada uu ka arimiyo maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabelleayaa saddexdii bilood ee la soo dha-afay waxa uu ka maqnaa xarunta Hi-rshabelle ee Jowhar iyadoo uu safaro kala duwan ku tegeyay gobolo ka tirsan dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Hooyada Bin Laden Oo Markii Ugu Horreysay Hadashay

Waxaa markii ugu horreysay hadashay hooyada dhashay hogaami-yihii ururka Al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden.

Bin laden hooyadii ayaa waxay sheegtay in wiilkeeda uu ahaa mid wanaagsan balse la duufsaday markii uu waxbarshada ku jiray islamarkana xagjir laga dhigay.

Wareysigii ugu horeyay oo ay siisay wargayska Guardian, ayay Alia Ghanem waxa ay sheegtay in uu wii-lkeeda isbadalay markii uu ku biiray jaamacad ku taalla dalka Sacuudiga.

Waxa ay intaa ku dartay in ay uga digi jirtay in uu ku biiro kooxahan.

Bin Laden ayaa la rumaysan yahay in uu isaga amray weerarkii 9/11, 2001 lagu qaaday Mareykanka iyo waliba howlgalo meelo kale oo caalamka ka dhacay.

Balse hooyadii ayaa sheegtay in uusan waligii u sheegin waxyaa-baha uu samaynayo sababtoo ah aad ayuu u jeclaa hooyadii.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Oo Shaaciyey Laba Qodob Oo Wax Looga 

Qabanayo Dhibaatooyinka Ka Jira Garsoorka

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay waxy-aabihii u qabsoomay tan iyo markii loo mag acaab ay xilkaas,waxaana uu sheegay in uu wax badan ka bedelay hanaanka maamulka dacwadaha Gar-soorka.

Isaga oo Wareysi siiyey Raa-diyaah iyo Tv-ga Dalsan ayaa Waxa uu sheegay in hanaanka dacwad qaadista uu haatan ya hay qaab electronic ah isla markaana qof walba ama garsoore kasta uu Com u terk iisa kala soconayo halka ay mareyso dac wadaha.Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan iyo Wariyaheena Cabdi fitaax Xasan Kalgacal.

ONLF oo ka soo horjeesatay qoon dada Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ee 

shidaalka

Jabhada ONLF ayaa ku gacan seyrtey war ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed kaa-soo uu ku sheegay in dadka Sooma-alida ah ee ku nool dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ay ku leeyihiin 5% dhaqaalaha ka yimaada shidaalka laga soo saaro dhulka Soomaalida.

HOYADIIS BINLNADINAfhayeenka jabhadda ONLF Cadaani Hirmooge ayaa ku tilmaamay qoondada uu ku dhowaaqay ra’iisul wasaaraha Ethiopia mid yaab leh waxana uu sheegay in dadka Soom-aalida ah aysan marti ka noqoneyn kheyraadka laga helo dhulkooda.

"Waxa aan ka sugeynaa in aan wadahadal yeelano dowlada Ethiopia balse warkan ka soo yeeray Abiy Ahmed waa mid yaab leh mana ka yeeleyno in Shacabka Soomaaliyeed waxa ay ku jiraan gumeysi.”ayuu yiri afhayeen Hirmooge.

Hirmooge oo u waramayay la-anta afka Soomaaliga ah ee VOA ay-aa sheegay in shacabka Soomaaliye-ed ay leeyihiin dhul ballaaran ayna yihiin ummadda Saddexaad ee ugu badan dalka Ethiopia balse ay aami-nsan yihiin inay ku jiraan gumeysi. Waxana uu ugu baaqay ra’iisul was-aaraha Ethiopia inay yeeshaan wa-dahal.

Dhowaan ayaa shirkad laga le-eyahay dalka Shiinaha waxa ay ku guuleysatay in ceelal shidaal ay ka qodo dhulka Soomaalida ay degto, waxaana sanadkii 2007dii weeraray ceelasha laga qodayay ciidamo ka tirsan jabhada ONLF.

Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay Duqeyn ku dishay xubno ka tirsan 

Al Shabaab

Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa wuxuu sh-eegay Duqeyn dhacday gelinkii dam-be ee daraad inuu ku beegsaday xub-no ka tirsanaa Al Shab aab, kuwaasi oo ku sugnaa meel 74-KM Waqooyi Galbeed ka xigta magaalada Muqd-isho ee caasimadda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa waxa uu sheeg-ay weerarkan dhacay 2-tii bishan in uu ku dilay Afar nin oo ka tirsanaa Al Shabaab, islamarkaana aanay jirin kh-asaare dadka rayidka ah ka soo gaa-ray duqeyntan.

"Ciidamada Mareykanka oo ka-ashanaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay weerar ku qaad-een Xagjirinta Al-Shabaab meel 74-KM Waqooyi Galbeed ka xigta mag-aalada Muqdisho galabni madii Kham-iistii, waxaan ku dilnay Afar Argag-ixiso.” Ayaa lagu yiri warka ka soo ba-xay Taliska (AFRICOM).

Ururka Al Shabaab oo duqe-yntan uga hadlay baraha ay warark-ooda ku faafiy aan ayaa waxa ay ku sheegeen duqeyn tan Afarta qof ee la-gu dilay inay ahaay een dad shacab ah.

Waa duqyantii 15-aad ee Mar-aykanku sannadkan ka gaystaan gud-aha Soo maaliya taasi oo bartilma-ameeed satay xoogag ka tirsan Uru-rka Al Shabaab.

Mareykanka ayaa horay u sh-eegay in ay ka go’an tahay dagaalka kooxaha ka dag aalama Soomaaliya sida kooxda Daacish iyo Ururka Al Shabaab ee ku sugan me elo ka mid ah dalka, kuwaasi oo dagaal kula jira dowladda federaalka.

Puntland oo Soomaaliland ku eed eysay in ay ka dambeysay qaraxii Buuhoodle.

Madaxweyne ku xigeenka ma-amulka pundland Cabdi Xakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar camey oo la hadlay warbaahinta ayaa wwaxaa uu ka hadlay qaraxii maalmo ka ka dh-acay degmada Buuhoodle ee gobalka Togdheer.

Sidoo kale waxaa Madaxwey-naha ayaa soomaaliland waxaa uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen qar-axii ka dhacay degmada Buuhoodle.

Madaxweyne Camey ayaa waxaa uu tilmaamay in soomaaliland ay gadaal ka riixeyso dagaalamayaasha Al-Sha-baab.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Soomaaliland,kaasi oo ku aadan in ay soomaaliland ay ku da-mbeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay degm ada Buuhoodle ee gobalka Togdheer.


Gudiyada dib u eegista dastuurka Baar lamaanka iyo kan Madaxa banaan ee 

xuduudaha oo shir ku yeeshay Muqdisho.

Kulan ay isugu yimaadeen magaalda muqdisho gudiga dib u eeg-ista dasrtuurka u qaabilsan Baarlama-anka Soomaaliya iyo gudiga madaxa banaan ee xaduud aha dalka ayay kaga hadleen caqabada ha badan ee ka taagan xuduudaha iyo sida loogu cadeyn lahaa dastuurka haa tan la qabya tirayo.

Sidoo kale kulanka inta uu soc-day ayaa la sheegay in xaduudaha maa mul gob aleedyada dalka ka jira dhax eeya iya guna la cadeeyo, si uusan u imaan mu ran arimahaaasi la xariira.

Khaliif Cabdi kariim Maxamed oo ah gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee xaduudaha waxaa uu she-egay in loo baahanyahay xadka aan la wadaagno dowladaha dariska la ah soomaaliya muranka badan ee ka yi-maada mararka qaar xalkiisa in la gaaro.

Waxa uuna intaa ku daray ha-dalkiisa in dhawaan la sameynayosoodimo kala xadeeya maamul goba-leedyada dalka ka jira si uusan u ima-an khilaaf.

Gudoomiayaha gudiga dib u eegista dastuurka u qabilsan Baarlam-aanka soomaaliya senator Cabdi Xa-san cawaale Qeyb diid ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in la helo qorsho cad oo ku saabsan xuduudaha dal-ka,kaasi oo ku lifaaqan dastuurka.

Xukuumadda Somalia Oo Ku Dha waaqday In Uu Wanaagsan Yahay Xiriirka 

Kala Dhexeeyo Imaaraatka Carabta.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somalia Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo u warramayay Wakaaladda Wararka ee Anadolu ay-aa sheegay in uu wanaagsan yahay Xiriirka u dhexeeya wadamada Som-alia iyo Emaraatka Cara bta.

Mudane Mahdi Maxamed Gu-uleed ayaa hoosta ka xariiqay in Ima-araatka uu kala dhexeeyo Soomaaliya xiriir dhaqaalo iyo mid ganacsi ayna gacan weyn ka geysato la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.

Sidaas daraadeed ayuu tilmaa-may in wax yar oo Mugdi ah oo soo kala dhex galay labada dal la xallin doono si uu uga sii wanaagsanaado xiriirka meesha uu haatan joogo.

Wadamada Somalia iyo Imaa-raatka Ca rabta ayaa horay loo hadal hayay in uu meesha ka baxay marka loo eego ismari waa hareeyay oo sa-ba bay in Imaaraatku joojiyeen dhaq dha qaaqyadii ay ka sameynayeen dalka.

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliy ay saldhiyo ay ku sugnaayeen 

Shabaab.

Wararka naga soo gaaray gob-olka shabellaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday duqeyn di-yaarad eed oo laga fuliyay saldhigyo iyo konta rool Al-Shabaab gaadiidka ay uga qaad ayeen lacago.

Duqaynta ayaa ka dhacday inta u dhaxaysa deegaannada Goobaalle iyo Baladul-Amiin oo ka tirsan Gobol-ka shabeelaha hoose.

Ilo wareed ku sugan shabee-laha hoose ayaa inoo xaqiijiyay in duqeynta ay khasaaro ka soo gaartay Al-Shabaabkii lala eegtay.

Waxaana goobaha la duqeeyay ku sugnaa dagaalamayaal iyo saraa-kiil Al-ka tirsan Shabaab.

Al-Shabaab dhankooda war ay ka soo saareen waxaa ay ku shee-geen in duqeyntaasi aysan wax khas-aaro ah ka so gaarin, balse dad shac-ab ah ay ku dhinteen, kuwaas oo saa-rnaa gaari mar ayay meel u dhow de-egaanka bal adul- amiin.Shabab dad-ka dhintay waxaa ay magacyadooda ku kala sheeg een

1-Cabdi Samad Sheekh isxaaq

2-Cabdi Nuur Aaden

3-Cabdi Samad Xasan Yaroow

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ku dhawaaqay in loo tartamayo xilka Gu 

ddoomiyaha Bankiga Dhexe

Wasiirka Maaliyadda Xukuuma-dda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Duc-aale Beyle ayaa ku dhawaaqay in loo tartamayo xilka Guddoomiyaha Bangi-ga Dhexe oo laf dhabar u ah horu-marinta dhaqaalaha dalka.

Wasiir Beyle oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xilkan uu yahay mid muhiim ah oo ay doonayana in loogu tartamo si si-man.

"Xilka Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka xil weyn weeye, waa qalbigii waddanka cidii soo heyn jirtay meel fiican bay soo gaarsiisay hada waxa la damcay in la xayaysiiyo oo la doono dad u qalma cidey doonto ha-noqotee oo dalka nagala saari kara rakada shalay uu ku jiro sidaas ay-aana la goostay”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Shuruudaha ku xeeran tartam-ayaasha xilka Guddoomiyaha waxaa ka mid ah inuu heysto shahaado jaa-macadeed oo la xiriirrta dhaqaalaha iyo xisaabaadka leeyahayna qibrad shaqo oo 12 sano, kana soo shaqe-eyay Bangiyadda ama hey’adaha dha-qaalaha caalamka .

Waxyaabaha kale laga doon-ayo qofka raba qabashada xilkani wa-xa ka mid ah inuu leeyahay hogaamin iyo xiriir wana agsan,.

Waxaa horyaala dhisida hey’-adaha bangiga, lacagta cusub ee da-lku yeelan ayo iyo waxbyaaba kale oo muhiim.

Maxamed Xasan Doob oo ah aqoon yahan falanqeeya arrimaha dhaqaalaha waxa uu tilmaamay in ay aad muhiim u tahay in loo tartamo gu-ddoomiyaha bang iga dhexe ee dalka.

" runtii aad ayaan u soo dha-weynaynaa in loo tartamo xilka gudd-oomiyaha bangiga dhexe waxay ahe-ed arin ay dadka aqoonyahanada iyo xirfadleyd dhaqaalaha ay muda ku taamayeen,” ayuu yiri aqoonyahan Doob

Ilaa iyo 28 ka bishaan aanu ku jirno ee agoosto ayay soconaysa qa-bashada araajida murashaxiinta doon-aya inay u tartamaan xilka guddoom-iyaha bangiga dhexe iyada oo qor-shuhu yahay in ugu dambeyn bisha 11 ee November tartan loo siman yahay inuu ku soo baxo gudoomiyaha bangiga dhexe .Aqoonyaha nada tax-liiliaya dhaqaalaha iyo maamulka wa-naaga ayaa qaba in talaabadani ay tahay mid weyn oo ay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay u qaaday daah furnaanta waxaana ay muujinay-sa sida ay uga go’an tahay dowladda fede raalka hagaajinta maamulka Ma-aliyadda Soomaaliya.Wasiirka Maali-yadda Soom aaliya oo ku dhawaaqay in loo tartamayo

U GAAR AH REER JOWHAR.

Koox beeraleey Talyaaniya ah oo sahamineeysay meel ku wanaagsan beeraha ,ayaa tagay deegaanka shalay loo yaqaan Jowhar oo ahaa dhul miya ah, mana jirin tuulo ama magaalo ku tiil halkaa, waxa cajabiyay hulaanta wabiga, barwaaqada dhulka waxa ay ka qaadeen tijaabo carrada,waxa ay cabireen tebographiyada dhulka, waxa ay go’aansadeen in halkaa ay beera ka tacbadaan.

Jowhar waxaa loo aqoon jiray Villaggio ( Duca degli Abruzzi). Waana magaca ninkii aas-aasay tuuladaa oo ahaa nin beeraleey ahaa oo ka tirsanaa reer Boqorkii talyaaniga ee Savoia- Sir Luigi Amedeo, Duke of the Abruzzi oo markiisii hore yimid somaliya sannadkii 1873dii,waxaa kale oo la sheegaa in uu yimid 1905. waxa uuna guursaday gabar Somali ah, waxa uu ka dardaarmay marka uu dhinto in lagu aaso jowhar,oo qabrigiisu uu ku dhaxyiil xeeyndaabka warshada in kastoo sanadihii dagaalada sokeeye dad loogu sheekeeyay in gaalada lala Aaso faraati dahab ah ay burburiyeen.

Sannadkii 1920kii waxa uu u bedelay degaan dhul beereed ah ,sannadkii 1926dii waxa ay jowhar leheed 16 tuulo oo ay degenaayeen beeraleey u badnaa shaqaalaha ka shaqeeya beeraha shirkada tiradooduna aheed 3000 ruux oo Somali ah iyo 200 talyaani ah.

Isla sannadkaa 1926 dii waxaa la dhisay warshadii sokorta ee ugu weeyneed waqtigaa bariga Afrika, soona saari jirtay 3000 kiintaal,warshadu waxa ay ku shaqeey jirtay gaas dabeeci ah oo laga farsameeyo haraaga qasabka oo loo isticmaalo quwadii warshadu ku shaqeeyneeysay.Berigaa waxaa magaalada u badnaa qabiilada waaqbiyoow iyo walamooy oo ka tirsan beesha Shiidle oo beeraleey ahaa halka qabiilada kale ay reer guuraa ahaayeen.

Waxana hantida lahaa shirkadda S.A.I.S. "Società Agricola Italo-Somala”, shirkadaa oo Sir Luigi uu aas –aasay 1920kii taa oo dadka deegaanka kula heshiisay in ay ka kireeysato dhul beereed dhan 25.000 Hektar iyo in laga bilaabo bisha janaayo 1921da dadka deegaanka loo dhiso guryo, shaqana la siiyo.

http://somaliweyn.org/wp-content/uploads/2018/08/Jimcaha-342x342.jpgSanadkii 1923 waxaa la bilaabay mashruucii wabiga lagu leexinayay halkii markiisii hore uu ku qulqulayay wabigana la marsiiyay meel kale ,si biyaha loogu isticmaalo 6 beerood oo markaa warshadu laheed oo ku fadhiyay 5000 Hektar, kuwaa oo lagu beeri jiray Suuf, Qasabka Sokorta, Sisinta, Moos , Kaffee iyo Qudaarta, dhirta aan Somalia laga aqoon ee uu keenay dalka waxaa ka mid ahaa: kapok ( geed dheer oo hindiya laga keenay oo suuf dhalo). Casuarine ( geed ostaraliya laga keenay oo cunta ahaan loo isticmaalo) iyo cocchi ( geed laga sameeyo khamriga ) fiiri: sadaxda sawir ee ugu dambeeysa. Sanadkii 1926 dii Jowhar waxa ay laheed kanaalo beeraha dhaxmara oo celceliskoodu ahaa 760 Km.

Waxaa uu dhisay ,Isbitaal, Farmashiye, Shaleemo, Xero deegaan ah, Busteejo gaadiidka laga raaco, Masjid, Kaneesad, School, Biya xireeno, Tareen ,Xarun umuliso, Xafiis posto, Xarun Telegaraamka, Xarunta Saadaasha iyo la socodka Dabeeysha, Jidad yar yar oo isku xira magaalada iyo warshada, Xargaha Telefonka oo celceliskoodu yahay 35 Km , Hotel 1938, iyo Meela lagu dubo bulakeetiga guryaha lagu dhiso bacdamaa Jowhar ayna laheeyn dhagax wax lagu dhiso.

S.A.I.S. waxa ay gaartay wax soo saarkeedii ugu badanaa sanadkii 1931dii,kaa oo ahaa 401.783 juuni oo Qasab Sokoreed ah. 10.703 juuni oo Suuf ah . 37.830 juuni oo Ganleey ah. 5.928 kartoon oo Moos ah. Waxa la soo saaro waxaa loo dhoofi jiray yurub iyada oo tareenka ka soo qaado Jowhar uu dekeda Xamar keenayay. Villabruzzi Sanadkii 1940, waxaa ku noolaa shacab dhan 12,000, Somali ah iyo 3,000 talyaani ah.

Warshada sokorta SNAI paisa waxaa hostagayay warshada yar yar oo soo saari jiray badeecooyin kala duwan sida Barafoonka, Kabaha iyo qalab kale oo caag ah, Alkoolo ku filan dhamaan isbitaalada dalka, Khamri ah kan loogu jeclaa aduunka oo marka la dhoofiyo halkii qarshaba inta dib loo sii warshadeeyo laga sii sameeyn jiray 7-10 qarsho oo khamri ah.

Jowhar waxaa hoostagay mahadaay oo mar aheed tuulo, waxana ku yiil warshada sameeysa rasaasta ciidamadu u baahan yihiin ee hubka fudud, mahadaay waxaa ku tiil kolleejadii mareeykanka oo markii dambe loo soo raray Jowhar,koleejada oo aheed illaa dugsi sare oo tayo wax barasho oo fiican leh. Ardayda ka dhalatay qooysaska masaakiinta ahna u aheed hooy waxbarasho ,jiif iyo cuntaba. Kollejkaa oo ay wax ku soo barteen arday badan.

Tuuladaa uu dhisay halkaa nin ee ajnabiga ahaa, markii dambe waxa ay noqotay degmo, kadibna mahaala madax Gobal, kadibna caasimad ku meel gaar ah ee dalka.

FG: Sawirada 1-3 waa duke ,iyo qabrigiisii, sawirada 4-10 waa biya xireenkii uu dhisay. Sawirada 11-19 waa warshadii. sawirada 20-23 waa tareenkii. Sawirka 24 waa xaruntii hore ee saadaasha hawada ee ka soo horjeeday saldhiga police-ka magaalada. sawirka 25 waa Masjidkii uu dhisay, sawirka 26 waa Isbitaalkii uu dhisay. Sawirka 27 waa xarun madadaalo, sawirka 28 -36 waa Jowharta cusub. Sawirka 27-29 waa dhirtii uu dibadda ka keenay.

YAXYE CAAMIR.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip