Hordhac: Watford v Man City – Sky Blues Oo Raadineysa Inay Wadada Guusha Ku Soo Laabato Ka Dib Barbarihii Leicester.

0
Saturday January 02, 2016 - 09:57:57 in Sports News by
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Watford v Man City – Sky Blues Oo Raadineysa Inay Wadada Guusha Ku Soo Laabato Ka Dib Barbarihii Leicester.

    Kulanka: Watford v Man City Garoonka:Vicarage Road Stadium Waqtiga: 8:30pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Martin Atkinson

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Watford v Man City Garoonka:Vicarage Road Stadium Waqtiga: 8:30pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Martin Atkinson

Miyay Man City mar kale iyadoo uu ka maqan yahay Vincent Kompany celin kartaa gooldhaliyaha Nigeria Odion Ighalo sidii ay ku sameeyeen Jamie Vardy kulankii Leicester?

Xiddiga reer Nigeria ayaa ah ciyaaryahankii ugu horeysay ee Watford ee shabaqa soo taabta lix kulan oo isku xigta oo Premier League, waxaana uu ahaa ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa afarta heer ee kala duwan ee horyaalada Ingariiska ee sannadii la soo dhaafay ee 2015.

Awoodiisa aan caadiga aheyd ayaa u sahashay inuu gool ka dhaliyo Tottenham isniintii. Daafacyada buuxinaya booska Kompany awood ma u lahaan doonaan inay celiyaan xiddigaan?

Watford shaqo fiican ayay qabteen ilaa iyo haatan. Waxa ay si sahlan ugu dhameysan karaan 10ka kooxood ee ugu sareeya.

Laakiin haddii qaab ciyaareedka liita ee Man City ee marka ay martida yihiin uu sii socdo, iyagoo dhumiyay 15 ka mid ah 18 dhibcood oo ay safreen, kuma dhameysan doonaan labo kaalin ee ugu sareysa.

MAXAA KA CUSUB?

Watford ayaa waxaa ka maqan Nathan Ake, kaasoo ay u bilaabaneyso ganaax seddex kulan ah.

Kooxda Hornets lagu naaneeso ayaan qabin wax dhaawacyo cusub ah laakiin daafacyada Tommie Hoban iyo Joel Ekstrand ayaa weli ku kala maqan dhaawacyo gumaarka iyo jilibka ah.

Labada xiddig ee Manchester City Fabian Delph iyo Gael Clichy ayaa soo laabtay ka dib markii ay dhaawacyo yaryar ku seegeen kulankii ay barbaraha la galeen talaadadii kooxda Leicester City.

Fernando ayaa isna diyaar ah ka dib shan kulan uu ku maqnaa dhaawac muruqa ah, laakiin Vincent Kompany ayaa weli dhaawac ku maqan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip