Man Utd oo ka deyrisay xaalada Anthony Martial

0
Wednesday August 01, 2018 - 20:53:08 in Wararka by
  • Visits: 526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man Utd oo ka deyrisay xaalada Anthony Martial

    Jose Mourinho ayaa diiday inuu ballan qaado mustaqbalka Anthony Martial ku leeyahay kooxda Manchester United. Martial ayaa ka tagay United oo maraykanka kusugan bartamihii isbuucaan isagoo kasoo qeybgalay dhalashada cunugiisii labaad, laakiin waxa u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho ayaa diiday inuu ballan qaado mustaqbalka Anthony Martial ku leeyahay kooxda Manchester United. Martial ayaa ka tagay United oo maraykanka kusugan bartamihii isbuucaan isagoo kasoo qeybgalay dhalashada cunugiisii labaad, laakiin waxa uu ka careysnaa Mourinho isagoo aan ku biirin kooxda labadii kulan ee ugu dambeyay.

Ka dib markii United ay ku dhameysatay safarkooda Mareykanka guul 2-1 oo a y ka gaareen kooxda heysata horyaalka yurub ee Real Madrid, Mourinho ayaa la weydiiyay hadii uu baxayo ciyaaryahanka iyo haddii uu sii joogayo.

Mourinho ayaa fududeeyay su’aashaas isagoo yiri: "Anthony Martial waa uu imaan karaa.

Tababaraha United ayaa mar kale la waydiiyay haddii Martiali ka qeyb noqon doono kooxda marka ay ku laabtaan Manchester, waxaana dhihi karaa "Ma aqaano.”

Martial ayaa doonaya inuu ka tago United ka dib seddex sanno oo uu la joogay, Mourinho ayaana doonaya inuu iska iibiyo xiddiga garabka ka ciyaara, ka dib markii uu soo gabagabeeyay safarkiisa ka horeeya xili ciyaareedka.

Laakiin Manchester United ayaa ku dhibtooneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahan cusub ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda 9ka bishaan August, iyadoo Inter Milan iyo Croatia xiddiga u ciyaara ee Ivan Perisic bartilmaaameed xoogan u yahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip