Hordhac: West Ham v Liverpool – Reds Oo Raadineysa Guusheedii 3aad Ee Isku Xigta Inay 2016 Guul Ku Bilaabato.

0
Saturday January 02, 2016 - 09:56:36 in Sports News by
  • Visits: 736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: West Ham v Liverpool – Reds Oo Raadineysa Guusheedii 3aad Ee Isku Xigta Inay 2016 Guul Ku Bilaabato.

    Kulanka: West Ham v Liverpool Garoonka: Upton Park Waqtiga: 3:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: R Madley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: West Ham v Liverpool Garoonka: Upton Park Waqtiga: 3:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: R Madley

Tababare Slaven Bilic ayaa rikoor fiican ka heystay Liverpool markii uu tababare u ahaa Brendan Rodgers. Bishii August waxa uu West Ham ku hogaamiyay guushoodii ugu horeysay ee Anfield ee tan iyo 1963, halka Besiktas ay Liverpool ka saartay Europa League xilli ciyaareedkii hore.

Intii uu Jurgen Klopp tababare u ahaa Liverpool waxa ay soo bandhigtay qaab ciyaareedyo cajiib ah sida kulamadii Man City iyo Southampton, laakiin kuwa kale oo iyagana liita waa ay soo bandhigeen sida Newcastle iyo Watford: Inay qaab ciyaareed joogta ah oo fiican soo bandhigaan ayaa ah dhibaatooda ugu weyn ee heysata.

Dhibaato kale oo Liverpool heysata ayaa ah inaysan si wacan u difaacan karin kubadaha koornooyin iyo laadadka xorta ah, waana meel uu Andy Carroll rajeynayo inuu ka faa;ideysto maanta.

MAXAA KA CUSUB?

Dimitri Payet ayaa ku jira kooxda West Ham ka dib labo bilood oo uu la maqnaa dhaawac canqowga ah.

Aaron Cresswell ayaa isna wajahaya baaris caafimaad oo la xiriirta dhaawacii muruqiisa, halka Nikica Jelavic, Winston Reid iyo Victor Moses ay dhamaantood ku soo laabteen tababarka laakiin weli ciyaar uma ahan inay ciyaaraan.

Liverpool ayaa ka soo tagtay kulankaan weeraryahankooda Daniel Sturridge kaasoo aan weli taam buuxda u aheyn inuu ciyaaro balse shalayto ka qeyb qaatay tababarkii Liverpool ay ku sameysay Melwood.

Jordan Henderson ayaa isna bartamihii isbuuca waxaa soo gaaray dhaawac ciribta ah taasoo ka dhigeysa inuu ku sii negaanayo Liverpool halka James Milner iyo Divock Origi ay weli maqan yihiin.

SHAXDA MACQUULKA AH:

West Ham (4-2-3-1): Adrian; Tomkins, Collins, Ogbonna, Cresswell; Kouyate, Noble; Antonio, Lanzini, Valencia; Carroll.

Liverpool (4-3-3): Mignolet; Moreno, Sakho, Lovren, Clyne; Can, Lucas, Allen; Coutinho, Lallana, Benteke.

MA OGTAHAY?

  • West Ham ayaa badisay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Liverpool oo ay ku jirto kulankii Anfield ka dhacay bishii August oo ay ku badiyeen 3-0, guushoodii ugu horeysay ee horyaalka ee Anfield ee tan iyo 1963.
  • Markii ugu danbeysay ee ay West Ham labada kulann ee xilli ciyaareedka ay ka badiso Liverpool waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii 1963-64.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip