Hordhac: Man United v Swansea – Red Devils Oo Dooneysa Inay Guul Ku Bilaabato 2016 Balse Wajaheysa Koox Ka Badisay Seddexdii Kulan Ee Ugu Danbeysay.

0
Saturday January 02, 2016 - 09:52:15 in Sports News by
  • Visits: 726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Man United v Swansea – Red Devils Oo Dooneysa Inay Guul Ku Bilaabato 2016 Balse Wajaheysa Koox Ka Badisay Seddexdii Kulan Ee Ugu Danbeysay.

    Kulanka: Man United v Swansea Garoonka: Old Trafford Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Jonathan Moss

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Man United v Swansea Garoonka: Old Trafford Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Jonathan Moss

Kooxda ay hubaal tahay inay raadineyso tababare cusub ayaa wajaheyso koox laga yaabo inay dhawaan iyadana tababare cusub raadiso, haddii Swansea ay garaacday Man United markii afaraad oo isku xigta horyaalka.

Louis van Gaal ayaa rajo qaba, waxaana uu rajeynayaa in ciyaartii xamaasada laheyd ee ay kooxdiisa kala hortagtay Chelsea inay mar kale ku soo celiyaan.

MAXAA KA CUSUB?

Ciyaaryahanka Man United Jesse Lingard ayaa shaki uu ku jiraa isagoo seddexdii isbuuc ee ugu danbeysay la maqnaa dhaawac muruqa ah.

Xiddigaha mudada dheer maqnaa Antonio Valencia, Luke Shaw iyo Marcos Rojo ayaa iyagana weli maqan.

Xiddiga Swansea Federico Fernandez ayaa weli la dagaalamaya nabar ka soo garay ciribta taasoo keentay inuu seego kulankii Crystal Palace.

Tababaraha ku meel gaarka ah Alan Curtis ayaa isku shaandheeyay kooxda laakiin Angel Rangel, Leon Britton, Ki Sung-yueng, Wayne Routledge, Gylfi Sigurdsson iyo Andre Ayew ayaa dhamaantood soo laaban kara.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man United (4-2-3-1): De Gea; Young, Smalling, Blind, Darmian; Carrick, Schneiderlin; Mata, Herrara, Martial; Rooney.

Swansea (4-2-3-1): Fabianski; Taylor, Williams, Fernandez, Rangel; Cork, Ki; Montero, Sigurdsson, Routledge; Ayew.

MA OGTAHAY?

  • Swansea ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ee ay la ciyaareen Manchester United, waxaana ay seddexda kulanba ku badiyeen 2-1.
  • Kooxda Swansea ayaa sidoo kale ku badiyay 2-1 xilli ciyaareedkii hore garoonka Old Trafford kulankii ugu horeysay ee LVG ee Man United.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip