Chelsea oo u dhaqaaqday Kovacic iyo Real Madrid oo durba ka jawaabtay

0
Tuesday July 31, 2018 - 21:47:13 in Wararka by
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea oo u dhaqaaqday Kovacic iyo Real Madrid oo durba ka jawaabtay

    Weli waxaa qasan xaaladda suuqa ee kooxda Chelsea xagaagan, iyadoo ku guuldarreysatay saxiixa xiddigo dhowr ah. Arsenal laacibkeeda khadka dhexe ee Aaron Ramsey ayaa usii badanaya dhanka Barcelona oo qorsheynaysa inay ka qayb dhigaan heshiis uu Ousm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weli waxaa qasan xaaladda suuqa ee kooxda Chelsea xagaagan, iyadoo ku guuldarreysatay saxiixa xiddigo dhowr ah. Arsenal laacibkeeda khadka dhexe ee Aaron Ramsey ayaa usii badanaya dhanka Barcelona oo qorsheynaysa inay ka qayb dhigaan heshiis uu Ousmane Dembele ku aadayo dhanka Gunners

Sidaas darteed, Blues ayaa dareenkeeda u weecisay xiddigga kooxda Real Madrid ee Mateo Kovacic.

Laacibka reer Croatia ayaa carrabka ku dhuftay horraan inuu doonayo inuu helo booska joogtada ah ama uu u ciyaari doono koox uu kaga soo muuqan karo si joogto ah.

Chelsea oo arrinkaas la socota ayaa soo bandhigtay xiisaha xiddiggan si ay uga maarmaan saxiixa Ramsey oo u muuqda mid ay iska dhaafayaan, inkastoo ay cadaadis kala kulmayaan Manchester City oo iyadane xiiseynaysa laacibkii hore ee Inter Milan.

Kooxda Macallin Pep Guardiola ayaa xagaagan laga xoogay Fred oo ku biiray Manchester United iyo Jorginho oo u jiheystay Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Real Madrid ayaa u sheegtay Kovacic inuusan meelna aadi karin, isla markaasna kooxaha doonaya ay candhuuftooda dib u liqaan.

Macallin Julen Lopetegui ayaa qoshaha ku darsaday 24-jirkan taasoo qalbi jab ku ah Macallin Maurizio Sarri oo keliya Jorginho la yimid horyaalka Premier League-ga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip