Hordhac: Espanyol v Barcelona – Blaugrana Oo Sannadka Cusub Ee 2016 Ku Bilaabaneysa Kulanka Catalan Derby.

0
Saturday January 02, 2016 - 09:50:19 in Sports News by
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Espanyol v Barcelona – Blaugrana Oo Sannadka Cusub Ee 2016 Ku Bilaabaneysa Kulanka Catalan Derby.

    Kulanka: Espanyol v Barcelona Garoonka: Estadio Cornella El-Prat Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Espanyol v Barcelona Garoonka: Estadio Cornella El-Prat Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

Kooxda heysata koobka kooxaha adduunka ee Barcelona ayaa sannadka cusub ku fureysa safar gaaban oo ay ku tagayaan Cornella El-Prat iyagoo wajahaya kooxda ay isku magaalada yihiin ee Espanyol, waana kulankii ugu horeeyay ee Catalan Derby ee xilli ciyaareedkan oo la ciyaarayo isbuucii 18aad ee xilli ciyaareedka.

Iyadoo sannadka 2015 ku soo gabagabeeyay guul 4-0 ah oo ay ka gaareen Real Betis, kooxda Blaugrana ayaa ku jirto jawi aad u fiican ka hor inta aysan wajihin maanta deriskooda, iyagoo rajeynaya inay hogaanka La Liga sii xajistaan.

MAXAA KA CUSUB

Kooxda martida loo yahay ee Espanyol ayaa dib u heli doona Papa Diop ka dib markii uu ganaax ku maqnaa kulankii Sevilla ee bartamihii isbuuca, halka xiddiga khadka dhexe Salvo uu isna u dagaalamayo inuu kulan kale ku soo bilowdo. Tababare Constantin Galca ayaan heysan wax dhaawacyo cusub ah, iyadoo Los Periquitos ay heystaan koox buuxda oo taam u ah,

Barcelona iyada xitaa wax dhaawacyo ah ma qabto waxaana ay safarkaan gaaban ku tagayaan iyagoo heysta dhamaan xiddigahooda muhim ka ah. Ciyaartoyda sida Gerard Pique, Jordi Alba iyo Andres Iniesta aya ku soo laabanaya shaxda kooxda ka db markii ay fadhiyeen kulankii Betis ee arbacadii.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Espanyol (4-5-1):P. Lopez; J. Lopez, Roco, Duarte, Alvaro Gonzalez; Sanchez, Sevilla, Asensio, Canas, Caicedo; Perez.

Barcelona (4-3-3):Bravo; Alves, Pique, Mascherano, Alba; Iniesta, Rakitic, Busquets; Messi, Suarez, Neymar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip