17 ciyaaaryahan oo ka maqan safka koowaad ee Man Utd

0
Monday July 30, 2018 - 20:21:08 in Wararka by
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    17 ciyaaaryahan oo ka maqan safka koowaad ee Man Utd

    Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa waxaa ka maqan 17 ciyaartoy ka hor inta uusan bilaaaban xili ciyaareedka cusub. Mourinho ayaa durbadiiba la dhibtoonaya dhowr ciyaaryahan oo waaweyn oo dhaawac ah ama fasax ku maqan, iyadoo Ander Her

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa waxaa ka maqan 17 ciyaartoy ka hor inta uusan bilaaaban xili ciyaareedka cusub. Mourinho ayaa durbadiiba la dhibtoonaya dhowr ciyaaryahan oo waaweyn oo dhaawac ah ama fasax ku maqan, iyadoo Ander Herrera iyo Eric Bailly shaki weyn haaatan laga qabo xaaladooda.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay ESPN in Herrera uu dhaawac canqawga ah soo gaaray intii lagu jiray kulankii kooxiidsa guul darrada 4-1 kasoo gaartay Liverpool sabtidii.

Bailly oo silama filan ah ku soo galay kulankii Liverpool, ka dib markii Chris Smalling soo wajahay dhaawac jilibka ah ayaa isna dhaawac hor leh wajahay.

Luke Shaw ayaa seegay ciyaarta taasoo sii kordhisay liiska dhaawacyada kooxda oo ay hore ugu maqnaayeen Nemanja Matic, Antonio Valencia, Marcos Rojo, Diogo Dalot iyo Sergio Romero.

David De Gea, Fred,Paul Pogba, Romelu Lukaku, Marouane Fellaini, Ashley Young, Jesse Lingard, Marcus Rashford, Phil Jones iyo Victor Lindelof ayaa dhamaan kujirin safarka Marekanka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip