Ousmane Dembele oo ka yaabiyay taageeryaasha Barcelona farriimo ay kula wadaageen Twitter-ka

0
Monday July 30, 2018 - 11:17:14 in Wararka by
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ousmane Dembele oo ka yaabiyay taageeryaasha Barcelona farriimo ay kula wadaageen Twitter-ka

    Xagaagii lasoo dhaafay ayuu Ousmane Dembele Barcelona kaga soo biiray kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund, balse ma aysan u noqon billaabasho fiican.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xagaagii lasoo dhaafay ayuu Ousmane Dembele Barcelona kaga soo biiray kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund, balse ma aysan u noqon billaabasho fiican.

Xiddiggan ayaa barta Twitterka cadaadis ba’an kala kulmay taageerayaal badan oo Barca ah kuwaas oo ku cadaadinaya inuu kusoo laabto tababarka kooxda sida ugu dhaqsiyaha badan, isla markaasna uu isu dhiso inuu noqdo mid ka wanaagsan qaabkii hore.

Dembele ayaa kala qayb galay xulkiisa France Koobka Adduunka oo ay ugu dambeyn kusoo guuleysteen, sidaas darteed waxa uu weli ku jiraa fasaxiisa, taasoo ka careysiisay jamaahiirta Barcelona.

21-jirkan ayaa keliya ciyaaray laba daqiiqo wareegga Quarter Finalka, intaas wixii ka dambeeyayna ma uusan gelin garoonka, sidaas darteed, waxa ay taageerayaasha qabaan inuusan u baahnayn fasax dheer.

Dembele ayaanan qorshaha ku darsan inuu kusoo laabto tababarka xilli hore, taasoo la micno ah inuu kursiga keydka kusoo billaaban doono ciyaarta Super Cup-ka.

Oraahyadii canaanta ahaa ee lagula wadaagay weeraryahankan ayuu gebigood saaray calaamadda loo yaqaano (Like), taasi oo ka dhigan inuu la dhacsanyahay sheekooyinka lagu soo qoray Twitter-ka.

Lama oga dareenkiisa dhabta ah ee ku aaddan ereyada qallafsan ee ay taageerayaasha soo gaarsiinayaan balse waxa uu ka bixiyay fal celinno qurux badan habeenkii Axadda(xalay) ahaa.

Jamaahiirta Blaugrana ayaa qaadan waayay markii ay ogaadeen inuu (Like) saarayo eedeymaha naftiisa ku aaddan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip