Barcelona oo guul rafaad badan ka heshay Tottenham Hotspur
Barcelona ayaa ku bilaabatay guul kulamada tijaabada ah ee ka horeeya xilli ciyaareedka cusub ee 2018-2019.
kulan aad u xiiso badan oo katirsan International Champions Cup oo ay la ciyaareen Tottenham Hotspur ayaa waqtiga caadiga ah kusoo dhamaaday barbaro 2-2 ah.
Blaugrana ayaa ugu dambeyntii rigoorayaal kaga baxsatay kooxda Spurs ee ka dhisan horyalaka Ingiriiska.
Barcelona ayaa si weyn u gacan sareysay 45 daqiiqo ee ugu horeysay, iyadoo soo bandhigtay ciyaar fantastik ah oo qancisay taageerayaasha.
Goolasha Barcelona waxa dhaliyay qeybta hore ee ciyaarta Munir iyo Arthur oo dhawaan kusoo biiray kooxda, laakiin 15 daqiiqo ee ciyaarta ugu dambeysay waxaa bareejeeyaySon iyo Nkoudou.
ugu dmabeyn Barcelona ayaa 5-3 rigoorayaal ah kaga badisay kooxda TottenhamHotspur.
Barcelona oo guul rafaad badan ka heshay Tottenham Hotspur
Barcelona ayaa ku bilaabatay guul kulamada tijaabada ah ee ka horeeya xilli ciyaareedka cusub ee 2018-2019. kulan aad u xiiso badan oo katirsan International Champions Cup oo ay la ciyaareen Tottenham Hotspur ayaa waqtiga caadiga ah kusoo dhamaaday