AKHRISO Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Sanadkii tagey 2015

0
Saturday January 02, 2016 - 01:17:16 in Maqaallo by
  • Visits: 1379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Sanadkii tagey 2015

    Bishii January 22-keeda, Weerar Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Hotel-ka SYl ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Natfii-hure katirsanaa Al shabaab uu Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku qarxiyay Afaafka hore ee Hotel-ka. Weerarkaasi wuxuu ahaa mi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bishii January 22-keeda, Weerar Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Hotel-ka SYl ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Natfii-hure katirsanaa Al shabaab uu Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku qarxiyay Afaafka hore ee Hotel-ka. Weerarkaasi wuxuu ahaa mid Al shabaab ay la beegsadeen Hotel-ka SYL, 3 maalin kahor inta uusan Wafdigii Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan imaan Muqdisho. January 27, 2015 Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada cusub oo ka kooban 20 xubnood iyo ku xigeenadooda.

January 31[edit]

Mareykanka ayaa Duqeyn Cirka ah ka fuliyay Deegaanka Dugule ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ku bartilmaameedsaday Gaadiid ay la socdeen Hogaamiyaal sare oo katirsan Al shabaab.

Gudoomiyihii Xilka laga qaaday ee Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxa’ed Nuur Siidii ayaa sheegay in Diyaarad nooca aan Duuliyaha lahayn ay 3 gantaal ku dhufatay Kolanyada Al shabaab & Saldhiga ay tababarka ku siiyaan dagaalyahanadooda.

Sidoo kale, isla January 31 Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Mareykanka oo lagu magacaabo Rear Admiral John Kirby ayaa sheegay in Duqeyn Cirka ah ka fuliyeen Duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, kaasi oo ay la eegteen Gaadiid galbinayay Madaxa Howlgallada dibadda & Sirdoonka Al shabaab Yuusuf Dheeg, mana la sheegin in Hogaamiyaasi uu ku dhintey weerar iyo in kale.

February 9[edit]

Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka federaalka Soomaalia oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Qayaad Barre ayaa lagu dilay Degmada xamarweyne ee Gobolka Banaadir kadib markii Koox hubaysan ay ku weerareen xilli Gurigiisa uu kasoo baxayay, kuna sii jeeday xarunta Golaha shacabka.

February 13[edit]

Ciidanka Maamulka Puntland ayaa weeraray Saldhiga Al shabaab ee Deegaanka Madashon, oo 23Km dhanka galbeed uga beegan Galgala, waxaana Weerarkaasi lagu dilay in ka badan 3 askari oo katirsan Puntland.

February 16[edit]

Afar kamid ah waaxda Duulista Hawada Somalia ayaa lagu dilay Isgoyska KM-4 ee Magaalada muqdisho kadib markii Koox hubaysan oo gaari saarnaa ayaa rasaas ku furay gaarigooda.

Waxay kala ahaayeen Abuukar Cadaani, Maxa’ed Kediye Jimcaale, Maxa’ed Axmed Haaruun iyo Xuseen Hilowle Cadnaan.

  • February 17[edit]

Koox hubaysan oo ku lebisnaa Dareeska Ciidanka Dowladda ayaa Magaalada Beledweyne ku dilay Haji Omar Mohamed Nur (Xaaji Qurow) oo ahaa Ganacsade aad looga yaqiinay Gobolka Hiiraan.

February 20[edit]

Al shabaab ayaa Labo Weerar oo Ismiidaamin ah ka fuliyay Gudaha Hotel-ka central ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 Qof oo Xildhibaanno, Siyaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan, iyadoo dad badan oo kale oo uu kamid yahay Ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxa’ed Cumar Carte lagu dhaawacay.

March 8[edit]

Mareykanka ayaa Liiska Argagaxisada ka saaray Zakariye Ismaaciil Xirsi, Madaxii Sirdoonka Al shabaab kadib markii uu isku dhiibay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliye ee Gobolka Gedo.

March 12[edit]

Koox hubaysan oo kamid ah Al shabaab ayaa Weerar xoogan ku qaadey madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ee Magaalada Baydhobo.

Weerarka oo isagu jiray Gaari lagu qarxay Irida Madaxtooyadda iyo mid Toos ah oo Hubka la isku adeegsaday ayaa waxaa ku dhintay 8 Al shabaab ah, 3 militariga Dowladda Somalia kamid ahaa iyo Askari katirsanaa Ciidanka Ethiopia.

Isla Bishaas, Diyaarad Drone ah oo Mareykanka uu leeyahay ayaa weeraratay Gaari ay la socdeen Labo Hogaamiye oo ka tirsan Al shabaab xilli ay marayeen inta u dhaxaysa Degmooyinka Baardheere & Diinsoor oo ka kala tirsana Gobolada Baay & Gedo.

Labada Hogaamiye oo uu bartilmaameedsaday Mareykanka waxaa kamid ahaa Aadan Garaar oo dhanka Howlgallada Dibadda Al shabaab u qaabilsan, kaasi ooSarkaal katirsana Dowladda Mareykanka sheegay inuu ku dhintay Weerarka.

Aadan Garaar wuxuu qeyb ka qaatay abaabulka Weerarkii West-gate ee Magaalada Nairobi, ee xarunta dalka Kenya oo dhacay Bishii September 2013-kii.

March 27[edit]

Al shabaab ayaa Weerar khasaaro badan sababay ka fuliyay Hotel-ka Makka Al Mukarama ee Magaalada Muqidisho.

Weerarkii Hotel-ka Makka Al Mukarama oo ahaa mid aad u wayn mudo Saacado badana qaatay ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 20 Qof oo uu ku jiray Allah ha u naxariistee Yuusuf Maxa’ed Ismaaciil Bari-Bari, oo ahaa Wakiil Somalia u fadhiyay Xafiiska Xuquula insaanka UN-ka ee Magaalada Geneva.

April 2[edit]

Golaha Wasiirada Somalia ayaa ansixiyay Sharciga la dagaalanka argagaxisada, kaasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Amniga, si loo xoojiyo awooda hay’adaha amaanka dalka ay u leeyahiin kahor taga falalka argagaxiso.

2 April 2015, Al shababa ayaa weeraray Jaamacadda Garisa waxaana ay ku dileen 148 Ruux.

April 6[edit]

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa Xukun Dil Toogasho ah ku xukuntay Shucayb Ibrahim Mahdi oo 27 sano jir ahaa iyo Farah Ali Abdi oo 30 sano jir ahaa, kuwaasi oo katirsanaa Al shabaab, sidoo kalena lagu helay inay ka danbeeyeen Dilal Xildhibaan dhowr ah oo ay kamid ahaayeen Saado Cali Warsame, Sheekh Aadan Madeer iyo Maxamuud Hayd oo loogu geestay Muqdisho.

April 10[edit]

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Boqolaal Kun oo Doolaar Dul dhigtay soo qabashada ama Dilka Hogaamiyaash ugu sareeya Al shabaab oo uu ugu horeeyo Axmed Diiriye (Abu Cubaydah).

Abu Cubaydah ayaa la duldhigay $250,000

Mahad Warsame Galay (Mahad Karate),

Ali Mohamed Raage (Ali Dhere),

Abdullahi Abdi (Daud Suheyb),

Mohamed Mohamud Noor "Sultan”,

Ali Mohamed Hussein (Ali Jeesto),

Mohamed Mohamud (Gama-Dhere),

Hassan Mohamed Afgoye,

Mohamed Abdi Muse Mohamed,

Yasin Osman Kilwa and Abdullahi Osman.

Waxay Dowladda Federaalka u balan qaaday cidii u sheegto Macluumaad ama Xog horseedi karta in lasoo qabto ama la dili Hogaamiyaashan lacag dhan inta u dhaxaysa $100,000 to $150,000.

April 14[edit]

Weerar Ismiidaamin ah ayay Al shabaab ku qaadeen Dhisamaha Wasaaradda Hidaha sare iyo Tacliinta ee ku taallo Zoobe, waxaana Weerarkaasi uu geestay Khasaaro dhimasho oo gaaraya 17 Ruux oo 7 Al shabaab ahaayeen, labo askari iyo 8 Shacab ahaa.

Weerarkaasi wuxuu ahaa mid ku billowday Qarax Gaari oo lagu dhuftay derbiga Bari ee wasaaradda, iyadoo Qaraxa kadib Dagaalyahanno Al shabaab ah oo xiran dareeska Militariga Dowladda gudaha u galay Dhisamha wasaaradda.

April 18[edit]

Koox hubaysan ayaa ku dilay Muqdisho Xildhibaan kamid ahaa Baarlamaanka Maamulka Puntland oo lagu magacaabi jiray Adan Hajji Hussein Ismail (Adan Yare).

April 20[edit]

Al shabaab ayaa ku weeraray Magaalada Garowe Baabuur ay wateen shaqaale katirsan UN-ka, kadib markii mid kamid ah Gawaarida ay Qaraxa ugu xireen, waxaana Weerarkaasi ku dhintay 7 qof.

April 21[edit]

Qarax loo adeegsaday Gaari ayaa waxa uu ka dhacay Afaafka hore ee Maqaaxida Banooda oo ku taalla kasoo horjeedka Hotel-ka central ee Magaalada Muqdisho, waxaana Weerarkaasi ku geeriyooday ugu yaraan 3 qof oo shacab ahaa.

April 25[edit]

Koox hubaysan ayaa Suuqa Bakaaraka ee Magaalada Muqdisho ku dilay Xildhibaan kasoo mid noqday Baarlamaankii KMG ahaa ee ugu danbeeyay kaasi oo lagu magacaabi jiray Hajji Ali Aden Abdulle "Fartag”.

April 30[edit]

Wariye lagu magacaabi jiray Da’ud Ali Omar iyo xaaskiisa ayaa waxay kooxo hubaysan ku dileen Magaalada Baydhobo ee Xarunta Gobolka Baay.

May 8[edit]

Koox hubaysan ayaa Magaalada Gaalkacyo ku dilay Xildhibaan katirsanaa Maamulka Puntland oo lagu magacaabi jiray Saed Nur Hussein.

May 18[edit]

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka badbaaday isku day Dil kadib markii Qaraxa Ismiidaamin ah lagu eegtay Kolanyadiisa inta u dhaxaysa Afgooye iyo Carbiska.

May 23[edit]

Xildhibaanada Yussuf Mohamed Dirir iyo Abdalla Boos Ahmed ayaa lagu dhaawacay Weerar ka dhacay Wadada Makka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Yussuf Mohamed Dirir ayaa Saacado kadib u geeriyooday Dhaawacii kasoo gaarey Weerarkaasi oo ay geysteen Ciidamo kamtirsan Militariga dowladda Federaalka ah ee Somalia.

June [edit]

June 26[edit]

Ugu yaraan 70 Askari oo u dhashay dalka Uganda kana mid ahaa AMISOM ayaa lagu dilay Weerar xoogan Al shabaab ku qaadeen saldhigooda deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

July 26[edit]

Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari nooca xamuulka ayaa lagu qaadey Hotel-ka Jazeera ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 15 Qof oo kamid ahaayeen Sarkaal Ciidan oo u dhashay dalka Shiinaha iyo Cameraman katirsanaa Universal TV.

August 22

Waxaa Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray lagu weeraray Jaamacadi hore ee Kismaayo, halkaasu oo Tababar lagu siinayo Ciidanka Isku dhafka ee loo carbinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhinay 14 kamid ahaa Ciidanka Dowladda ee Tababarka la siinayay.

September 1

Waxay Al shabaab weerartay Saldhiga AMISOM ee Deegaanka Janaale ee Gobolka shabeellaha Hoose, waxaana ay dishay ku dhawaad 50 Askari oo kasoo jeeda Uganda, iyadoo kuwa kalena nolosha lagu la’yahay.

September 21

Qaraxa Gaari ayaa waxa uu ka dhacay Afaafka hore ee Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho, xilli Gudaha Madaxtooyada uu kusoo idlaaday Shir diblomaasiyiin caalami ah ka qeybgalayeen.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay 11 Qof oo ay kamid ahaayeen Labo Diblomaasi oo Soomaali ah, Labo Askari iyo Ninkii waday Gaari qarxay ee ka tirsanaa Al shabaab.

Al shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Weerarkaasi, waxaana ay ku faaneen inay dileen saddex ruux oo ajnabi ah oo labo kamid ah kasoo jeedaan dalka Poland.

Nin lagu magacaabi jiray Abdulqadir Gabeire Farah, oo ka yimid dalka Poland, balse asalkiisan Soomaali ahaa islamarkaana bartay cilmiga Taariikhda, una ololeyn jiray arrimaha Bulshada.

October 29

Diyaarada laga lahaa dalka Masara oo Sahay u siday AMISOM ayaa ku burburtay Deegaanka Carbiska, iyadoo shilkeeda aysan jirin dhibaato kasoo gaartay Shaqaalahii la socday.

October 31[edit]

Al shabaab ayaa Weerar ku galay Hotel-ka Saxafi, waxaana weerarkaasi lagu dilay Mas”uuliyiin sare oo katirsanaa Dowladda Soomaaliya iyo Cameraman Mustaf Abdi Nuur Shafana oo katirsanaa Howlwadeenada Idaacada Shabelle.

15 Ruux in ka badan ayaa ku dhintey Weerarkaasi oo Mas’uuliyadiisu sheegatay Al shabaab.

Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xooga dalka Jen C/kariin Dhega Badan, Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf, iyo Mulkiilaha Hoteelka C/rashiid Ilqeyte ayaa sidoo kale ku dhintay Weerarkii Hotel Saxafi.

Dec 19, 2015

Ku dhawaad Shan ruux ayaa ku dhintay Qarax Gaari ismiidaamin ah loo adeegsaday oo ka dhacay Wadadka Makka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Isla maalintii Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Wehliye Cirfo ayaa lagu dhaawacay Weerar isaga lagu dili lahaa oo Wadadaasi Maka ka dhacay.

xigasho:- shabellenews.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip